HALISTA ALSHABAAB IYO XUUTIYIINTA EE GANACSIGA MARA BADDA.

(MUUQAALKA)-AS IYO XUUTI.

(SANA’A/YEMEN)-Warbixin uu daabacay bogga wararka iyo falanqaynta caalamiga ah ee Eurasia Review, ayaa ka digtay in weerarrada sii kordhaya ee Xuutiyiinta Yemen ka geysanayaan Badda Cas ay dib u soo noolayn karaan burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya, isla markaana ay kordhin karaan iskaashiga dhinaca amniga iyo militariga ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo AL-Shabaab. Warbixintu waxay sheegtay in markii Xuutiyiintu ay bishii Sebtembar la wareegeen dekedda Mukha ee Yemen, ay heleen awood saameyn weyn ku leh marin-biyoodka Baab al-Mandab, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ay maraan ku dhowaad 12% ganacsiga caalamka. Xaaladdan ayaa shirkadaha maraakiibta ku qasabtay inay raadiyaan marinno kale oo mara hareeraha Geeska Afrika iyo xeebaha Soomaaliya, taas oo sida ay khubaradu sheegeen kordhin karta fursadaha ay kooxaha burcad-badeeddu ku beegsan karaan maraakiibta ganacsiga. Warbixintu waxay xustay in Xuutiyiintu ay AL-Shabaab siinayaan hub, qalab tiknoolajiyadeed iyo tababar milatari, iyadoo iskaashigaas lagu beddelanayo taageero la xiriirta ballaarinta falalka burcad-badeednimada. Lesley Anne Warner, oo ah khabiir ku takhasustay siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa sheegtay in awoodda sii kordhaysa ee Xuutiyiinta ee marin-biyoodka Baab EL-Mandab ay labada dhinac siinayso fursado dheeraad ah oo ay iskaashi dhinaca hawlgallada ah ku yeeshaan. Dhanka kale, Matthew Reisener, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Xarunta Istaraatiijiyadda Badda, ayaa ka digay in ciidamada badda ee caalamka oo diiradda u weeciyey xiisadaha Badda Cas iyo Marinka Hormuz ay abuureen fursado ay burcad-badeedda Soomaaliya uga faa'iidaysan karaan weerarrada maraakiibta ganacsiga. Warbixintu waxay sidoo kale faahfaahin ka bixisay afduubkii markabka shidaalka qaada ee Honour 25, oo sita calanka Palau, kaas oo 21-kii Abriil 2026 lagu afduubtay meel u dhow magaalada Eyl ee gobolka Nugaal, Puntland. Sida uu qoray wargeysku, shan ka mid ah shaqaalihii markabka ayaa la dilay, halka shan kalena ay dhaawacmeen intii lagu guda jiray hawlgal lagu doonayey in markabka lagu soo furto bishii Sebtembar. Khubarada uu warbixintu soo xigtay ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ka mid ah kiisaskii ugu horreeyey ee burcad-badeedda Soomaaliya ay dad ku dilaan muddo ka badan toban sano. Warbixintu waxay sheegtay in Xuutiyiintu ay dhaqaale badan ka helaan lacagaha ay shirkadaha maraakiibtu ku bixiyaan sidii ay si ammaan ah ugu mari lahaayeen aagga Badda Cas. Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga ah ee Afrika ayaa sannadkii hore ku qiyaastay in dakhliga Xuutiyiinta ka soo gala lacagahaas uu gaarayo 180 milyan oo doollar bishii. Sidoo kale, weerarrada maraakiibta ayaa sare u qaaday kharashaadka caymiska iyo ilaalinta amniga, taas oo ugu dambayn saameyn ku yeelan karta qiimaha badeecadaha, gaar ahaan dalalka Afrika ee ku tiirsan badeecadaha dibadda laga keeno. Agaasimaha cilmi-baarista Andrew Leber ayaa sidoo kale ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu ay ballaariyaan weerarradooda, ayna bartilmaameedsadaan xarumaha shidaalka iyo goobaha dadweynaha ee Sacuudiga, ama ay khatar geliyaan marinno kale oo muhiim u ah ganacsiga tamarta iyo badeecadaha caalamka. Warbixintu waxay ku soo gebagebaysay in isku milanka xiisadaha amni ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya uu halis gelin karo amniga maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah, iyadoo xeebaha Soomaaliya ay ka mid noqon karaan goobaha sida tooska ah u dareema saameynta isbeddelladaas.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

DIYAARAD EY QM LEEDAHAY OO LAGU DHAAWACAY GAROONKA UGAAS KHALIIF.

Next
Next

6-KUN CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAAL KOLOMBIYAAN AH AYAA MARAY GAROONKA BOOSAASO.