(MUUQAALKA)-GAROONKA UGAAS KHALIIF.
(B/WEYNE/H-SHABEELE)-Maamulka Hirshabeelle ayaa war ka soo saaray rasaas galabnimadii Arbacada lagu furay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taas oo ku sugneyd gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne. War ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo ku sugan gudaha xayndaabka garoonka ay rasaas ku fureen mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Qaramada Midoobay, xilli ay ku sugneyd xerada UN-ka ee Ceel-Jaalle oo ku dhex taalla garoonka. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle, Faarax Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay in rasaasta lagu furay diyaaradda ay ku dhacday garbaha diyaaradda, isagoo xusay in maamulka uu horay uga digay khatarta ka dhalan karta joogitaanka ragga hubeysan ee ku sugan xayndaabka garoonka. Wasiirka ayaa sheegay in weerarka uu dhacay galabnimadii Arbacada, balse ma uusan faahfaahin cidda sida tooska ah uga dambeysay rasaasta. Dhacdadan ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ah goob muhiim u ah isu-socodka dadka iyo diyaaradaha magaalada Beledweyne, xilli ay magaalada ka jirto xiisad amni iyo mid siyaasadeed. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle ma aysan sheegin in weerarka ay jiraan dad ku dhaawacmay, mana aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradda iyo shaqaalihii la socday.
ISHA-RISAALA.