GUD.URURKA MIDAWGA AFRIKA Md.MAXAMUD CALI YUSUF OO KA…

(SAWIRKA)-GUD.MAXAMUD CALI YUSUF.

(ADDIS ABABA)-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee foosha xumaa ee dhacay 17-kii Abriil 2025, kaas oo lala beegsaday Ciidamada Benin ee ku sugan aagga Saddex-xuduudeed ee ay wadaagaan dalalka Benin, Niger, iyo Burkina Faso. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay Go’aanka Midowga Afrika ee ku aaddan wax ka qabashada Argagixisada Gobolka Saaxil. Falkan fuleynimada ah oo ay ku nafwaayeen dad badan, askar badanna ay ku dhaawacmeen, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay dhibaatooyinka Amni ee Gobolka ka jira, ayuu xusay. Guddoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska askarta, dawladda, iyo shacabka Jamhuuriyadda Benin, waxaanu caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay. Falalka rabshadaha noocaan ah waa wax aan la aqbali karin oo khatar toos ah ku ah Jamhuuriyadda Benin oo keliya maaha ee Gobolka oo dhan. Guddoomiyuhu wuxuu xusay in weerarradan oo kale ay muujinayaan baahida deg degga ah ee loo qabo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dawladaha deriska ah si wax looga qabto khatarta sii kordheysa ee kooxaha Argagixisada ah ee ka hawlgala Gobolka Saaxil. Guddoomiyuhu wuxuu dib u xaqiijinayaa ka go'naanta iyo taageerada aan kala go'a lahayn ee Midowga Afrika ee dawladda iyo dadka Benin dadaalka ay ugu jiraan la dagaallanka Argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata.

ISHA-ENA.

Previous
Previous

QARAX XOOGAN AYAA KA DHACAY DEKED IRAAN LEEDAHAY.

Next
Next

DAWLADDA MASAR OO TAAGEERTAY MAWQIFKA SOOMALIYA.