GUDOOMIYE ABSHIRAW AYAA SHIR GUDOOMIYEY KULANKA 5-AAD EE GUDIGA JOOGTADA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir-guddoomiyey kulanka 5-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa. Ugu horreyn, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ansixiyey haddal-qoraalka kulankii 4-aad ee guddiga, waxaana Intaasi kaddib, xubnaha guddiga laga dhageystay warbixin ku saabsan hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada Golaha Shacabka iyo marxaladaha kala duwan ee ay marayaan, iyadoo guddi walbana uu xubnaha kale la wadaagay warbixin ku saabsan shuruucda uu gacanta ku hayo, halka ay marayaan iyo waqtiga la qorsheynayo in loo gudbiyo Golaha si uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Sidoo kale, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa jadwaleyn iyo Ajendeyn ku sameeyey kulamada guud ee Golaha Shacabka toddobaadka soo socda, iyagoo mudnaanta siinaya howlaha sharci-dejinta iyo arrimaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha. Ugu dambeyn, Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyey dadaalka iyo shaqada ay ku bixinayaan gudashada waajibaadkooda, isagoo kula dardaarmay in la dardargeliyo howlaha horyaalla guddiyada, si shuruucda ay gacanta ku hayaan loogu gudbiyo Golaha waqtigii loogu talagalay, loona xaqiijiyo in Golaha Shacabku si hufan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

ISHA SNTV.


Previous
Previous

WAAXDA CADAALADDA MARAYKANKA AYAA ASKERI ICE KA TIRSAN KU SOO EEDEYSAY INUU BEE…

Next
Next

DENI IYO AXMED MADOOBE OO KA HORYIMID IN HESHIIS LA GAARO,SABABTA?