DENI IYO AXMED MADOOBE OO KA HORYIMID IN HESHIIS LA GAARO,SABABTA?
(MUUQAALKA)-DENI IYO MADOOBE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Sida aan la wada socono waxaa hakada galay wada hadaladii u dhexeeyey Mucaaradka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, wadahadalaasi ey garwadeen ka ahayd Dawladda Turkiga oo ka wakiil ahayd Beesha Caalamka ey xubno muuqdo ka yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Midawga Yurub iyo Turkiga. Inuu hakad yimaado waa wax dhici kara balse waxa aan marnaba laga aqbali karin hogaamiyeyaasha Siyaasadda Soomalaiya ayaa ah in aan la gaarin wax heshiis ah si dalku u aado doorasho heer Federaal ah. Marka aad fiirisid dhinaca Mucaaradka, ma aha kuwa ey mideysan tahay aragtidooda ku aadan qaabka loo wajahaayo DFS waane ey ku kala aragti duwan yihiin, tusaale ahaan kooxda ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya eyna xubno ka yihiin Hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa ah kuwa si muuqata aan isugu raacsaneyn qaabka ey hadda wax u socdaan ee ah in la sameeyo gudi dhinacyadda ka kooban soona diyaariya qaab doorasho oo heshiis lagu wada yahay. Si loo gaarao xal waara ayaa waxaa socdo Dadaallo ay hormuud ka yihiin Beesha Caalamka lana rabo in magaalada Muqdisho lagu keenayo Hogaamiyaha Puntland Saciid Deni iyo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe taaso hadda u muuqata mid burbur ku dhaw ka dib markii labada maamul ay ka gaws adaygeen in ay aqbalaan qorshaha Madaxtooyadu doonayso ee ah inaan dammaanad loo baahnayn heshiiska doorashooyinka. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ku adkaysanaya in Beesha Caalamka laga siiyo saxiix heshiiska oo si cad loogu qoro nuqulka heshiiska. Madaxtooyada Soomaaliya, Mucaaridka iyo Beesha Caalamka ayaan ogaannay inay isaga aragti dhow yihiin luuqadda iyo habqoraalka heshiiska la saxiixayo. Hase ahaate Hogaamiyeyaasha labada Dowlad Goboleed ayaa weli saluugsan siiqada heshiiska, gaar ahaan doorka Beesha Caalamka oo haatan u eg mid ku kooban “Fududayn” oo kaliya. Labada Hogaamiye Goboleed ayaa la sheegay iney diidmadooda sabab uga dhigeen in heshiiska Doorashooyinka uusan lahayn wax daamaanad rasmi ah sidaas darteedne eysan suurtagal ahayn iney yimaadaan caasimadda Muqdisho si ey qeyb uga noqdaan heshiiska. Hogaamiyeyaasha Puntaland iyo Jubaland ayaa la sheegay iney ku adkeysanayaan in beesha Caalamku ey saxiix ku yeelato nuqulka heshiisa si ey kaalin muuqato ugu yeelato marxaladda kala guurka ee dalka.
ISAH-WAKAALADDO.