GUDIGA DOORASHOOYINKKA QARANKA OO SHAACIYEY TIRADA RASMIGA AH EE….
(SAWIRKA)-ASTAANTA GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA.
(DH/MAREEB/GM)-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa si rasmi ah u shaaciyay tirada guud ee musharaxiinta u taagan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee Dowlad-Goboleedka Galmudug. Sida ku xusan xogta rasmiga ah ee guddigu soo saaray, tartanka doorashada ayaa si weyn uga dhex muuqda ururrada siyaasadeed ee dalka, iyadoo la soo bandhigay kala sarraynta musharaxiinta ragga iyo dumarka ee u tartamaya kuraasta kala duwan.
MUSHARIXIINTA GOLAHA WAKIILADDA GALMUDUG:
Tirada Ururrada: Waxaa ka qayb galaya 12 urur siyaasadeed.
Kuraasta Loo Tartamayo: Waxay dhan yihiin 89 kuraasta Golaha Wakiillada ah. Wadarta Musharaxiinta: Waxaa u tartamaya 349 musharax.
KALA SOOCA JINSIGA:
Rag: 293 musharax (84.0%).
Dumar: 56 musharax (16.0%).
Ururrada siyaasadeed sida Caddaaladda iyo Wadajirka iyo Towfiiq ayaa hormuud ka ah tirada ugu badan ee musharaxiinta Golaha Wakiillada, iyaga oo urur kasta uu soo bandhigay 89 musharax (77 rag ah iyo 12 dumar ah).
MUSHARIXIINTA GOLAHA DEGAANKA GALMUDUG:
Tirada Ururrada: Waxaa tartanka ka qayb galaya 16 urur siyaasadeed.
Kuraasta Loo Tartamayo: Waxay dhan yihiin 243 kuraasta Golaha Deegaanka ah.
Wadarta Musharaxiinta: Waxa ay u taagan yihiin 924 musharax.
KALA SOOCA JINSIGA:
Rag: 726 musharax (78.6%).
Dumar: 198 musharax (21.4%).
Golaha Deegaanka waxaa sidoo kalena ka dhex muuqda tartanka ugu culus ee ururrada Caddaaladda iyo Wadajirka oo leh 237 musharax, Towfiiq oo leh 199 musharax, Sincad oo leh 108 musharax, iyo Karaama oo leh 105 musharax. Shaacinta xogtan ayaa muujinaysa diyaar-garowga baaxadda leh ee loogu jiro geeddi-socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee ka socda deegaannada Galmudug, iyadoo haweenku ay qayb weyn ka yihiin tartanka Golaha Deegaanka oo ay ka helayn kaParticipation gaaraya 21.4%.
XIGASHO-GJ.