GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO MUQDISHO KA BILAABAY….
(SAWIRKA)-GUDOOMIYE C/KARIIM.
(MUQDISHO)-Guddiga Qaran ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (GQMD&S) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay qaadashada kaararka cod-bixinta, taas oo si habsami leh uga dhacday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Munaasabadda furitaanka, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday bulshada rayidka, maamulka degmada, iyo boqollaal qof oo horey isu diiwaangeliyay, kuwaas oo diyaar u ahaa qaadashada kaararkooda cod-bixinta. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay uga go’an tahay ka-qaybgalka habraacyada dimoqraadiyadda. Waxa uu xusay in qaadashada kaarka cod-bixinta ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadin kastaa leeyahay, ayna muhiim tahay in qof waliba u soo baxo si aan loo kala harin. Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay in ololaha socda uu yahay mid lagu xoojinayo hannaanka siyaasadeed ee dalka, laguna dhisayo kalsooni shicib, isagoo ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay si wadajir ah uga qayb qaataan marxaladihii horay u dhacay iyo kuwa imaanaya ee doorashada qof iyo codka ah. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu door weyn ka qaadanayo hagaajinta hanaanka doorashooyinka, kordhinta hufnaanta, iyo dhismaha hay’adaha deegaanka ee ku dhisan rabitaanka shacabka. Dhinaca kale, maanta oo sabti ah ayaa si rasmi ah looga billaabay qaadashada kaararka cod-bixinta degmooyinka Xamar Jajab, Xamar Weyne, Shingaani, iyo Waaberi, halkaas oo xarun kasta ay buux-dhaafiyeen boqollaal qof oo mar horey isu diiwaangeliyay.
XIGASHO-GOOBJOOG.