GUDIGA DOORASHOOYINKA OO KU DHAWAAQAY NATIJADA DOORASHADII G/MUDUG.
(MUUQAALKA)-GUDOOMIYE C/KARIIM.
(DH/MAREEB/GM)-Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaay degaanadda Dawlad Goboleedyadda Galmudug si ey halkaasi uga dhacdo Doorasho Qof iyo Cod eyna ka qeybgalaan dhammaan mawaadiniinta degan Galmudug. Gudiga ayaa u qoondeeyey in doorashada ey ka dhacdo ilaa iyo 11-degmo oo ka tirsan degaanadda Galmudug,halka goobaha codbixinta uu gudigu ku sheegay iney dhab yihiin ilaa 267-Goobood. Doorashada isku sidkan ee Galmudug ayaa loogu tartamaayey Golaha Degaanka oo loogu tartamaayey ilaa 247-kursi halka Golaha Wakiiladda Galmudug loogu tartamaayey ilaa 89-kursi. Gudiga ayaa sheegay in tirada u codeeysay Golaha Degaanka G/mudug ey dhammaayeen ilaa 197,971-qofood,codadka ansaxay waxa ey noqdeen ilaa 191,504-cod, halka codadka xumaadayne ey noqdeen 6,467-cod. Golaha degaan Galmudug ayaa waxaa ku tartamay ilaa 16-urur Siyaasadeed kana diiwaan gashan Gudiga,hadaba Natiijadda uu soo saaray Gudiga saacado ka hor ayaa ahayd mid sidan ah:
(1)-Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka(JSP)-Waxa uu helay 106,388-cod una dhganta inuu helay 55.55%, waxa uuna helay 115-kursi.
(2)-Urur Tawfiiq-waxa uu helay 26,063-cod,una dhiganta 13.61%, waxa uuna helay 49-kursi.
(3)-Ururka Karaama-waxa uu helay 22,029-cod, una dhiganta 11.50%, waxa uuna helay 29-kursi.
(4)-Ururka Sincad-waxa uu helay 19,901-cod,una dhiganta 10.39%,waxa uuna helay 25-kursi.
(5)-Ururka Madalsan-waxa uu helay 3,960-cod,una dhiganta 2,07%,waxa uuna helay 10-kursi.
(6)-Ururka Ramaas-waxa uu helay 2,811-cod,una dhiganta 1,47%,waxa uuna helay 7-kursi.
(7)-Ururka Saab-waxa uu helay 2,737-cod,una dhiganta 1.43%,waxa uuna helay 4-kursi.
(8)-Ururka Qiimo Qaram-waxa uu helay 5,406-cod,una dhiganta 2.82%,waxa uuna helay 3-kursi.
Dhinaca kale Gudiga ayaa soo sidoo kale soo saaray Natiijadda Golaha Wakiiladda waxaane u tartamay ilaa 12-Urur Siyaasadeed,wadarta dadka codeeyey waa 197,971-qofood, waxaa ansax noqday 193,451-cod, waxaa xumaaday 4,520-cod,hadaba natiijada ayaa sidan ah:
(1)-Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka(JSP)-waxa uu helay 135,247-cod,una dhiganta 69.91%,waxa uuna helay 63-kursi.
(2)-Ururka Tawfiiq-waxa uu helay 26,003-cod,una dhiganta 13.44%,waxa uuna helay 12-kursi.
(3)-Ururka Sincad-waxa uu helay 12,862-cod,una dhiganta 6.65%,waxa uuna helay 6-kursi.
(4)-Ururka Saab-waxa uu helay 2,634-cod,uan dhiganta 1.36%,waxa uuna helay 1-kursi.
(5)-Ururka Ramaas-waxa uu helay 2,585-cod,una dhiganta 1.34%, waxa uuna helay 1-Kursi.
(6)-Ururka Madalsan-waxa uu helay 2,172-cod,una dhiganta 1.12%,waxa uuna helay 1-kursi.
Gudiga ayaa sheegay in la baabi’iyey natiijadda laba goobood ey ka dhacday doorashada G/mudug ka dib markii lagu helay wax ka baxsan nidaamka Doorashooyinka,mana ka mid ah Natiijadda uu maanta Gudiga uu soo saaray. Gudiga ma sheegeen goobahaasi halka ey ku yaaliin iyo degmooyinka ey ka tirsan yihiin,waxaane Natiijadda ka biya diidsan dhawr Urur uu ugu horeeyo Ururka Tawfiiq uu hogaamiyo Sheekh Shaakir oo caan ka ah degaanadda Galmudug waqtigii lala dagaalamaayey kooxda Khawaarjita ee AL-shabaab.
SUUQBACAAD MEDIA/GALMUDUG.