GOLAHA WASIIRADDA OO ANSIXIYEY HESHIIS U DHEXEEYO SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

(SAWIRKA)-GOLAHA WSSIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uu maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, kulanka maanta ayaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee Gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyada oo warbixin ku saabsan sameynta abaarta iyo heerarka ay gaarsiisan tahay laga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hey'adda Sodma, kuwaasoo soo bandhigay wax yeellada abaarta ay gaarsiisey dadka, Xoolaha iyo wax-soo saarka. Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shir Guddoomiyey kulanka Golaha ayaa faray Hey'adaha Xukuumadda ee ku shaqada leh iney u istaagaan wax-ka qabashada xaaladda abaarta xooggan ee ka jirta deegaannadaasi iyo sidii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa bulshda, iyada oo goluhu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo Hey'adaha Caalamiga ah iney qeyb ka noqdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saamaynta ku yeelatay. Golaha Wasiirrada, ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS ugu hambalyeeyay inuu ku guuleystay abaal marinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan Qaaradda Afrika, taasi oo ka tarjumaysa horumarka uu dalkeennu ka gaaray hannaanka dib-u-habeynta maamulka maaliyadda. Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay iney dalka ka hirgaliso Warlalis Casri ah (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka iney tayayso adeegyadeeda Warbaahineed. Dhanka kale Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiis is afgarad ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada XFS, kaasoo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuna saabsan iskaashiga shaqada, shaqo-siinta iyo horumarinta awoodaha shaqaalaha.Heshiiskan is-afgarad ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, kor u qaadista fursadaha shaqo ee dhalinyarada, yareynta shaqo la’aanta, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal. Heshiiskan ayaa markii hore ay labada Wasaaradood kala saxiixdeen sanadkii 2016, balse weli si buuxda looma hirgelin. Ansixinta maanta la sameeyay ayaa dhabbaha u xaaraysa in heshiiska si rasmi ah loo fuliyo, iyadoo laga filayo inuu wax weyn ka beddelo xaaladda shaqo la’aanta dalka, gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

JARMALKA:-TALIYE KA HADLAY ISIR NECEYBKA IYO TAKOORKA KA JIRA JARMALKA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO YEELATAY WAR LALIS CUSUB KA DIB 35-SANO.