(MUUQAALKA)-GOLAHA M.S.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Soomaaliya ayaa ka horyimid oo cambaareeyay tallaabada ciidamada dowladda ee magaalada Beledweyne, iyagoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu tabashooyinka siyaasadeed ee gobolka Hiiraan uga jawaabayo awood ciidan halkii laga geli lahaa wada-hadal. Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in qaylo-dhaantii Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ay muujinayso heerka ay gaartay xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan. Khayre ayaa sheegay in bulshada gobolka Hiiraan ay tabasho ka qabaan saami-qeybsiga dowladda, balse ay nasiib-darro tahay in halkii wadahadal lagula xallin lahaa tabashooyinkooda, loo adeegsado ciidanka xoogga dalka. Wuxuu sidoo kale saraakiisha iyo askarta ciidanka ugu baaqay inaysan qayb ka noqon iska horimaad ka dhan ah shacabka, isagoo xusay in ciidanka loo dhisay difaaca dalka iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in farriinta Ugaaska Xawaadle ay muujinayso heerka ay gaartay tabashada bulshada, isaga oo ka digay in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo dagaal beeleed, isla markaana uu dhaawaco hay'adaha amniga iyo midnimada dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay xusuusinayso dhacdo hore oo 3-dii Juun ka dhacday, markii Ugaaska beesha Murusade iyo siyaasiyiin uu ku jiray Xasan Cali Khayre ay weerar kusoo qaadeen ciidamada ammaanka. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa ciidamada ee ku wajahan Beledweyne, isla markaana uu oggolaado wada-hadal ay hoggaaminayaan odayaasha dhaqanka si loo xalliyo tabashooyinka la xiriira matalaadda gobolka Hiiraan iyo hannaanka siyaasadeed ee Hirshabeelle. Xildhibaanka ayaa sidoo kale odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, gaar ahaan kuwa saamaynta ku leh Madaxweynaha, ugu baaqay inay soo dhexgalaan xiisadda, isagoo ka digay in iska horimaadku fursad siin karo Al-Shabaab, isla markaana uu ciidanka qaranka ka weecin karo dagaalka ka dhanka ah kooxda. Waa markii ugu horeysay ee uu Sambalooshe kasoo dhex muuqdo sawirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed tan iyo markii Xildhibaan C/laahi Carab uu sheegay inuusan Sambalooshe ka mid ahayn Golaha.
ISHA-HOL.