GOLAHA MUSTAQBAL KULANKOODII OO GO’AAN KU SOO DHAMMAADAY.
(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBAL SOOMALIYA.
(MUQDISHO)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo ka dhacay Hotel Airport ee magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo diiradda lagu saaray muranka hareeyay hanaanka doorashooyinka dalka. Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in wada-hadalladu si qoto dheer ugu saabsanaayeen khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira qaabka, waqtiga iyo hannaanka loo marayo doorashooyinka soo socda. Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheikh Maxamuud uusan diyaar u ahayn inuu kulan toos ah la yeesho Golaha Mustaqbalka Soomaaliya si xal looga gaaro ismariwaaga doorashada. Hadalka xildhibaanka ayaa muujinaya in wali ay jiraan kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan jihada geeddi-socodka doorashooyinka. Horey, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caddeeyay in caqabad kasta oo timaadda lagu xallin doono wadahadal iyo xikmad, Wuxuu sidoo kale tilmaamay in isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland aysan ka bixi doonin Muqdisho ilaa xal laga gaaro muranka doorashada.
XIGASHO-HOL.