(MUUQAALKA)-GOLAHA AMAANKA QM.
(NEW YORK/USA)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishan Nofeembar kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), cunaqabateynta Al-Shabaab iyo caqabadaha dhaqaale ee saameynaya howlgalka. Warbixin uu 2-dii Nofeembar soo saaray ururka Security Council Report ayaa lagu sheegay in kulanka oo albaabadu u xiran yihiin ay warbixinno ka jeedin doonaan mas'uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. Mas'uuliyiinta la filayo inay kulanka ka hadlaan waxaa ka mid ah Martin Kimani, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyo El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AUSSOM. Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ka doodi doona shaqada guddiga cunaqabateynta Al-Shabaab, waxaana la filayaa inuu u codeeyo muddo-kordhinta cunaqabateynta kooxda, oo ay ku jirto awoodda lagu joojin karo laguna baari karo maraakiibta badda. Nidaamka cunaqabateyntaas ayaa ku eg 30-ka Nofeembar, halka muddada guddiga khubarada ee taageera ay ku eg tahay 31-ka Diseembar. Dhanka siyaasadda, warbixintu waxay muujisay walaac ku saabsan khilaafka weli ka taagan dalka, iyadoo ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, ay ku baaqeen in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal. Dowladda Federaalka iyo isbahaysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa yeeshay dhowr wareeg oo wada-hadallo ah, balse dadaalladaasi weli ma aysan horseedin heshiis. Waxaa jira kala aragti duwanaansho la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka, muddo-xileedka madaxweynaha iyo hannaanka doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in xiisadaha u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay sii murjinayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee Golaha Ammaanka horyaalla ayaa ah mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), gaar ahaan sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo lagu xaqiijiyo in labada howlgal ay si qorshaysan u soo afjaraan shaqadooda, iyadoo laga hortagayo in dalka uu ka dhasho firaaq amni. Warbixintu waxay sheegtay in Golaha Ammaanka uu ka fiirsan karo sidii taageero dhaqaale oo dheeraad ah loogu heli lahaa AUSSOM, oo ay ku jirto qabashada shir deeq-bixiyeyaal, iyo in wadahadal lala yeesho Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka. Inkasta oo inta badan xubnaha Golaha Ammaanku ay taageersan yihiin in xal loo helo dhaqaale-yaraanta AUSSOM, haddana Mareykanka ayaa si adag uga soo horjeeda in la adeegsado hannaan maalgelin oo ku saleysan qaraarka tirsigiisu yahay 2719. Qaraarkaas ayaa dhigaya hannaan u oggolaanaya in hawlgallada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika qaarkood laga maalgeliyo qaaraanka khasabka ah ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Soomaaliya, oo hadda xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, ay u muuqato mid aan dooneyn in xaaladdeeda gudaha si furan looga doodo kulamada ka dhaca New York iyo Addis Ababa. Guud ahaan, warbixintu waxay muujinaysaa in Soomaaliya ay wajahaysso caqabado isbiirsaday oo dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ah, xilli ay taagan yihiin su'aalo ku saabsan mustaqbalka taageerada caalamiga ah iyo awoodda ciidamada Soomaaliya ay kula wareegi karaan mas'uuliyadda amniga dalka.
XIGASHO-HOL.