FARANSIISKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL KA DIB TARXIILKII XILDHIBANAD RIIMA XASAN.

(SAWIRKA)-GRETA THUNBERG.

(FARNCE)-Safiirka Israa’iil u fadhiya Faransiiska ayaa sheegay in dadka u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Faransiiska ah kuna xiran Israa’iil iney “hortagi doonaan Xaakimka si uu go’aan uga gaaro in si deg deg ah loogu celin karo Faransiiska iyo iney xaq u leeyihiin iney Israa’iil sii joogaan. Joshua Zarka ayaa hadaladiisa ku saabsan afarta qof ee u dhashay Faransiiska, oo ey ku jirto MEP Rima Hassan, ka hor jeediyay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Senate-ka Faransiiska, isagoo yiri, "Maqaamkoodu waa kan Muhaajiriinta aan sharciga ahayn." Israa’iil waxa ay ula dhaqmaysaa dhaqdhaqaaqayaasha Faransiiska ee la xiray iyagoo u hiilinaya qadiyadda Falastiin sida “Soo Galooti sharci-darro ah,” ayuu Arbacadii ku dhawaaqay Safiirka Israa’iil ee Paris. "Ujeedadu waa in sida ugu dhaqsaha badan loogu diro diyaarad France ," Joshua Zarka ayaa yiri. Zarkah ayaa ka hor sheegay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Golaha Senetka Faransiiska in afarta qof ee dhaqdhaqaaqayaasha ah oo ey ku jirto xubin ka tirsan Baarlamaanka Yurub Rima Hassan, ey "hortagi doonaan Garsooraha si ey u go'aamiyaan in si deg deg ah loogu celin karo Faransiiska ama iney xaq u leeyihiin iney sii joogaan Isra’iill." Waxa uu sheegay in ey ku jiraan "xarun lagu hayo oo aan xabsi ahayn" wuxuuna ku eedeeyay "Iney si sharci darro ah ku soo galeen Israa'iil," iyaga oo u arkayay in xaaladdooda ey tahay mid sharci-darro ah. Ciidamada Badda Israa'iil ayaa qabtay dooni shiraac ah subaxnimadii Isniinta, meel qiyaastii 185 kiiloomitir (115 mayl) u jirta Xeebta Gaza . Markabka ayaa ka soo shiraacday Talyaaniga, waxaana saarnaa 12 qof oo u dhaqdhaqaaqayaal ah, oo ey ku jirto haweenay u dhaqdhaqaaqa Swedish Greta Thunberg, kuwaasoo isku dayayay in ey gaaraan Marinka Gaza "si ey u jebiyaan go'doominta Isra’iill ee Marinka Gaza”.

MELENCHON WAXA UU DHALEECEEYEY WAXQABAD LA’AANTA IYO KA JAWAABIDA XARIGA XILDHIBAANAD REER YURUB AH.

Jean-Luc Mélenchon, oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Garabka Bidix ee Xagjirka ah ee France Insoumise (France Unbowed), oo ey ka tirsan tahay Rima Hassan, ayaa ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska Arbacadii iney u yeerto Joshua Zarka. "50 saacadood ayaa ka soo wareegtay markii la xiray xildhibaan Yurub ka tirsan, Yurubna wax tallaabo ah ma eysan qaadin,mana soo saarin wax cambaareyn ah...marka abaabulku waa isha kaliya ee taageerada," Mélenchon ayaa ku soo qoray baraha bulshada. Wuxuu ku baaqay "in loo yeero Safiirka Israa'iil ee Paris oo uu bixiyo caddayn" waxa dhacaya. Greta Thunberg iyo laba qof oo Faransiis ah oo u dhaqdhaqaaqa ayaa ku heshiiyey iney saxeexaan waraaqo oggolaanaya masaafurinta waxayna ku noqdeen Faransiiska Talaadadii. Afarta qof ee kale ee u dhaqdhaqaaqa Faransiiska way diideen iney saxeexaan. Thunberg ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Israa'iil " iney ka afduubteen biyaha caalamiga ah waxayna si xoog ah ugu soo wareejiyeen Israa'iil." Dhanka kale, markii uu yimid Paris fiidnimadii Talaadada, Dr. Baptiste André, oo u dhaqdhaqaaqa Faransiiska, ayaa cambaareeyay "daawaynta" .

ISHA-YAHOO.

Previous
Previous

HAYADDA QM U QAABILSAN QAXOOTIGA EE UNHCR OO KA…

Next
Next

FARANSIISKA OO KA MAMNUUCI DOONO ISTICMAALKA BARAHA BULSHADA CARUURTA KA YAR 15-KA SANO.