DUQA NEW YORK OO KA HADLAY XIRIIRKA SAGALOOTIGA IYO K/CAGTA.

(SAWIRKA)-DUQA NEW YORK ZOHRAN MAMDANI.

(NEW YORK/USA)-Duqa magaalada New York ee dalka Maraykanka Zohran Mamdani ayaa Isniintii shalay sheegay in kubadda cagta "aysan jiri lahayn iyada oo aan la haysan soogalooti," ka hor Koobka Adduunka ee FIFA 2026, oo la qorsheeyay inuu bilaabmo Khamiista. "Kubadda cagtu ma jiri lahayn iyada oo aan la haysan soogalooti. Soogalootigu waxay ciyaaraan oo tababaraan ciyaarta, waxay ka shaqeeyaan garoomada, waxay buuxiyaan meelaha lagu ciyaaro, waxayna suurtogal ka dhigaan dabaaldegyada sida Koobka Adduunka," Mamdani ayaa ku qoray shirkadda warbaahinta bulshada ee Mareykanka ee (X). Mamdani wuxuu carabka ku adkeeyay in lix ka mid ah ciyaartoyda kooxda ragga ee Mareykanka ay yihiin dad soogalooti ah. Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo FIFA ay Isniintii xaqiijisay in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo Soomaali ah loo diiday inuu galo Mareykanka dhammaadka usbuuca, isla markaana uusan mar dambe ka qayb qaadan doonin tartanka. Bloomberg ayaa ku warantay in maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diyaariyay qorshe lagu kordhinayo shaqaalaha Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ee tagaya Magaalada New York sababo la xiriira cadaadiska uu madaxweynuhu ku hayo muhaajiriinta. "Uma oggolaan doonno ICE ama qof kale inay cabsi ku beeraan bulshooyinkeenna - gaar ahaan xilligan," Mamdani wuxuu ku qoray X. "Marka adduunku soo galo magaaladeenna, waxaan si sharaf leh ula istaagi doonnaa deriskeenna soogalootiga ah oo aan diidi doonnaa weerarradan waxa ay yihiin: isku day lagu kala qaybinayo."

ISHA-AA.

Previous
Previous

NISA OO SHEEGTAY IN SARKAAL SARE OO ALSHABAAB AH LAGU DILAY SH/HOOSE.

Next
Next

FIFA OO XAQIIJISAY IN GARSOORE SOOMAALIYEED LOO DIIDAY INUU GALO MARAYKANKA.