DOORASHADA JARMALKA IYO XISBIGA MIDIGTA…
(SAWIRKA)-FREIDRICH MERZ.
(BERLIN)-Wararka ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in Xisbiga Muxaafidka ee Jarmalka uu ku dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii Golaha Baarlamaanka sharci dejinta waxa uuna Musharaxa Xisbigaas ugu sharaxnaay Xilka Reysal Wasaaraha dalka Jarmalka Friedrich Merz uu sheegay in Xisbigiisa uu ka warqabo caqabadaha jira iyo waxa uu dalka Jarmalka u baahan yahay. Xisbiga Muxaafidka ayaa ku guuleystay ka hor Xisbiga Bedelka Garabka Midig ee Fog ee dalka Jarmalka ee AFD in kasta oo ey gaareen Natiijadii ugu fiicneed taariikjda,sida laga soo xigtay laba ra’i ururin ey sameeyeen laba Telefishan oo dadaweyne. Xisbiga Muxaafidka ee Christian Democratic Union/Xisbiga Social Union ayaa helay inta u dhexeysa 28.5% ilaa 29% marka loo fiiriyo labada codbixin ey baahiyeen labada Telefishan ee ARD iyo ZDF. Halka Xibsiga Bedelka ah ee Jarmalka uu ku guuleystay inta u dhexeeyso 19.5% ilaa 20%, natiijo aan horey loo arag ee uu helay Xisbiga Midigta Fog doorashooyinka Federaalka ah ee dalka Jarmalka wixi ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka. Merz oo ey u badan tahay inuu Xilka Reysal Wasaarenimo kala Wareego Xisbiga hadda talada Jarmalka haayo ee Sooshaal Dimuqaraadiga ee RW-OLaf Schol ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax isbeheysi dawladeed ah ee uu la leeyahay Midigta Fog. Dhankeeda,Hogaamiyaha Garabka Midig ee dalka Jarmalka Alice Weidel ayaa bogaadisay Natiijada Taariikhiga ah ee Xisbigeeda Alternative For Germany uu ka gaaray Doorashooyinka Baarlamaanka. “Waxaan gaarnay natiijo Taariikhi ah” ayey Weidel ka sheegtay Xarunta Xisbigeeda ee Berlin ka dib markii Xisbiga Aternative For Germany uu ku guuleystay inta u dhexeysa 19.5% ilaa 20% codadka la tiriyey,labalaab wixii uu helay afar sano ka hor,natiijo taariikhi ah oo ka soo horjeeda saameynta Socdaalka ee la aasaasay 2013-kii,iyadoo raacisay in Xisbigu hadda si adag u aasaasay muuqaalka Siyaasadda. Dhanka kale, Reysal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in natiijada doorashada ey tahay mid laga naxo isagoo tilmaamay inuu masuul ka yahay guul daradda soo gaartay Xisbiga Hantiwadaaga oo uu ku tilmaamay iney tahay mid aad u Qaraar. Merz waxa uu raadinayaa inuu sameeyo Isbahaysi talada haya una dhexeeyo Xisbiga Midawga Dimuqaraadiga(CDU) ee uu isaga Hogaamiyo iyo Xisbiga Christian Social Union(CSU) oo ey wehliyaan Social Democratic Party ama Green Party,halka Hoogaamiyaha CSU Markus Soder uu si adag u diidan yahay in la sameeyo isbahaysi uu la yeesho Xisbiga Miljopartiet. Haddii Xisbiyo yar yar ey ku guuleystaan iney ka gudbaan heerka 5% si ey u soo galaan baarlamaanka,Isbahaysiga Masiixiyiinta ayaa laga yaabaa iney raadiyaan lamaane seddexaad oo ka tirsan Isbahaysiga talada haya. Baarlamaanka cusub ee dalka Jarmalka waa inuu qabsoomaa ugu dambeyn 30-maalmood ka dib doorashada Maarso 2025-ka. Si kastaba ha ahaatee,go’aanka Xukuumadda Mustaqbalka lama filayo ilaa todobaadyo ama bilo ka dib doorashada. Baarlmaanka cusub ayaa noqon doono mid aad u yar, iyadoo loo mahadcelinaayo dib u habeyn lagu sameeyey tirada xubnaha Baarlamaanka oo lagu soo koobay 630, in ka badan 100 ayaa ka yar tirada hadda jirta. Waxaa xusid mudan in doorashooyinkan hore oo markii hore loo qorsheeyey iney dhacaan Sebtembarta soo socoto,ey yimaadeen ka dib markii uu burburay Isbahaysigii talada dalka haayey oo ey ku jireen Social Democratic Party, Green Party iyo Free Democratic Party, bishii Noofembar ee la soo dhaafay-2024-kii, RW-Olaf Scholz (Xisbiga Bulshada) ayaa lumiyey codka kalsoonida sidii uu rabay.
ISHA-AL-ARABIYA.