DIB U DHAC KALE OO KU YIMID SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.
(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.
(MUQDISHO)-Sida inteyna badan ey la wada socdaan waxaa todobaadkii hore baaqday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka kaaso loo balansanaay inuu Muqdisho ka furmo 1-da bisha Meey-2025-ka,balse war kooban oo ka soo baxay xafiiska Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Shirkii dib loo dhigay uuna dhici doono maalinta Isniinta ee maanta ah kuna beegan 5/5/2025-ka,maxaa soo kordhay uu maanta shirkii uga furmi waayey Muqdisho? Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, xili ey madaxda Dawlad goboleedyada qaar eysan imaan magaalada Muqdisho. Shirkan oo muhiim u ah Arrimaha Siyaasadda,Amniga iyo Heshiisyada Federaalka ayaa la filayaa in looga doodo qodobo muhiim ah oo saameynaya mustaqbalka dalka, balse shirkan ayaa wajahaya caqabado la xiriira ka qayb-gal la’aanta qaar ka mid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada. Madaxda Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug ayaan weli imaan magaalada Muqdisho, inkastoo suurtagal ey tahay in maanta ey soo gaaraan magaalada Muqdisho, wararka qaar ayaa waxaa ey sheegayaan in ey jiraan khilaafaad gudaha ah iyo cabashooyin la xiriira hab-maamulka shirka. Sidoo kale, Jubbaland iyo Puntland Ayaan ka qeyb geli doonin shirka, Labadan Dowlad Goboleed ayaa horey u muujiyay dhaliilo ku aaddan qaabka ey Dowladda Federaalku u maareyneyso Wadatashiga iyo Wada-xaajoodka Arrimaha Masiiriga ah ee dalka. Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa la filayaa in lagu gorfeyno qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: Hannaanka Doorashooyinka ee 2026, iyo heshiis laga gaaro nidaamka doorashooyinka. Dib u eegista Dastuurka ku meel gaarka ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo lagu heshiiyo. Arrimaha Amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, gaar ahaan howlgalada ka socda Gobollada bartamaha iyo koonfurta ee dalka. Xoojinta xiriirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo xal u helidda is-marin-waaga siyaasadeed. Ka maqnaanshaha Jubbaland iyo Puntland, ayaa shirka ku yeelan kara saameyn weyn. Waxaa laga cabsi qabaa in go’aamada ka soo baxa aanay noqon kuwa mideysan oo ey qeybaha qaarba u arki karaan kuwo aan matalin danahooda. Taasi waxay dhaawici kartaa midnimada siyaasadeed ee dalka iyo kalsoonida lagu qabo hab-raaca wada-tashiga Federaalka. Beesha Caalamka ayaa iskudayday dadaalo lagu doonayo in Madasha shirka uu noqdo mid lo dhanyahay oo ey soo xadiraan maamulada maqan ee kala ah Puntland iyo Jubaland. Caqabadaha cusub ee hadda banaanka yimid ayaa waxaa ka mid ah xoojinta Xisbiga Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh ee UPD kaaso la damacsan yahay in la sii balaariyo laguna soo daro Hogaamiyeyaasha Maamuladda dalka jira sida G/Mudu,H/shabeele iyo Koonfur Galbeed,balse waxaa doodi ka taagan tahay weline aan loo helin xal waara cida Xisbiga UPD hogaankiisa sare qabaneysa iyo cidda Musharaxa u ah UPD? Madaxweynaha KGS Md.Laftagareen ayaa qaba in Xisbga UPD hogaanskiisa wax laga siiyo beelaha Digil/Mirifle halka hadda ey hogaaminayaan beelaha Daarood iyo Hawiye,lama oga in shirka uu qabsoomaayo iyo in kale balse rajada ey qabaan masuuliyiinta ku hawlan shirka weli ma eysan soo saarin wax qoraal ah oo rasmi ah kuna cadeynayaan inuu baaqday.
ISHA-SB-MEDIA.