DG PUNTLAND IYO IMAARAATKA CARABTA OO DHEX TAAGA FADEEXAD.
(SAWIRKA)-DIYAARADA LAGA LEEYAHAY IMAARAATKA.
(LONDON)-Exclusive: Gudaha Hawlgalka Qarsoon ee Imaaraatka Carabta ee dagaalka Suudaan ee Boosaaso ee Soomaaliya
Calooshood u shaqeystayaasha Colombia, duullimaadyada gaadiidka caadiga ah iyo xamuulka lagu calaamadeeyay 'khatar' ayuu muujinaya hawlgal ballaaran ee Qarsoodi ah oo sii hurinaya Xasuuqii RSF ee EL-Fasher. Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa diyaarado waa weyn oo laamiga ku garaacaya guud ahaan magaalada. Daqiiqado ka dib markii ay degtay, diyaaradda waa la aqoonsan karaa. Waa diyaarad cad IL-76 oo nuuca Xamuulka ah aadne u culus, waxayna ag taagan tahay diyaarad kale oo aad iyada ugu eg. Dadka deegaanka, guuxa diyaaradaha noocaan oo kale ah ayaa ahaa mid aan caadi ahayn labo sano ka hor, markii ugu horeysay ee ey ka soo degaan Boosaaso. Mar dambe ma aha. Daqiiqado ka dib, qalab culus oo Saadka oo aan la shaacin nuuca uu yahay ayaa la arkayay oo laga soo dejiyay diyaaradda. “Aad bay u badan yihiin, saadkana isla markiiba waxaa lagu wareejiyaa diyaarad kale oo heegan ku jirta oo loogu talagalay Ciidanka Rapid Support Forces (RSF) ee Suudaan , iyagoo sii marinaya dalalka deriska ah,” ayuu yiri Cabdullaahi, oo ah taliyaha sare ee ciidamada badda Puntland (PMPF) ee Garoonka Boosaaso, oo la hadlay Middle East Eye isagoo magac kale u adeegsaday arrimo ammaan. Sida laga soo xigtay xogta la socodka duulimaadka, sawirka dayax-gacmeedka, ilo maxalli ah oo badan, iyo diblomaasiyiin Maraykan ah iyo kuwo goboleed, meesha ay ka yimaadeen diyaaradahan iyo shixnadooda waa caddahay: oo waa Imaaraadka Carabta. Meesha ey u socdaan, sida Cabdullaahi sheegay, waa Suudaan iyo RSF, kuwaasoo toddobaadkan qabsaday EL-Fasher, oo ah caasimadda Gobolka Waqooyiga Darfur, ka dib in ka badan 500 oo maalmood oo go'doomin ah. Dagaalamayaasha militeriga ayaa gabood-falo aad u fool xun ka geystay guushii ey gaareen, iyagoo iska duubayay iyagoo Xasuuqaya dad shacab ah oo qaxaya, isla markaana isbitaallada ka fulinaya xukunno kala duwan. Muddo bilo ah, waxaa laga dhex arki karay qaab diyaarada Xamuulka ah oo MEE ey ku soo gashay Boosaaso. Diyaaraduhu kuma sii sugnaan doonaan garoonka, waxayna imaan jireen xilliyada uu yar yahay dhaq-dhaqaaqa garoonka. Xogta guud ee hawada laga helay ayaa muujineysa in Imaaraadku uu aad ugu sii badanayo isticmaalka Garoonka Boosaaso maadaama waqtiyada ey diyaarada soo degeyso mararka qaar wax laga bedelo. "Xilliga raritaanka iyo rarista, si aad ah ayaa loo ilaaliyaa, maadaama ey wataan agab xasaasi ah iyo saadka oo aan si guud loo shaacin," ayuu yiri Cabdullaahi. Alaabooyinka ayaa sidoo kale soo gala dekedda Boosaaso. Muddo sanado ah, Imaaraadku waxa uu maalgeliyay Puntland PMPF, oo ah ciidan goboleed loo aas aasay la dagaalanka burcad badeeda. Askarta halkaasi ku sugan ayaa sheegaya in wax agab ah oo ku yimaada diyaarado aan la keenin xeradooda, maadaama shixnadaha ey yihiin kuwo badan oo ka baxsan shuruudihii looga baahnaa. Xogta dabagalka duulimaadyada ee ey horey u shaacisay MEE ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadku uu si weyn u kordhiyey hubka la soo gelinayo magaalada Boosaaso, iyadoo sirdoonka Mareykanka ey sheegeen in hubkaas ey ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha. Maamule sare oo ka tirsan dekedda Boosaaso ayaa markii ugu horeysay MEE u sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay, Imaaraatka Carabta ey Boosaaso ku shubeen in ka badan 500,000 oo konteenar oo loo calaamadeeyay in ey halis yihiin. Si ka duwan shixnadaha caadiga ah, ee ku qoran warqad meesha ey ka yimaadeen iyo meesha ey ku socdaan, shixnadaha Imaaraadku ma laha wax sharraxaad ah waxa ku jira. Maareeyaha Dekadda ayaa sheegay in howlaha saadka ey yihiin kuwo Qarsoodi ah: marka ey soo degaan, konteenarada waxaa si deg deg ah loogu wareejiyaa garoonka, waxaana lagu raraa diyaarad diyaarsan. Ammaanka shixnadahan ayaa ah mid si gaar ah loo adkeeyay, sida ey sheegeen MEE ilo-wareedyo ku sugan Boosaaso. Marka markabku soo xirto, ciidamada PMPF ayaa la geynayaa si ey u go'doomiyaan dekedda oo ey uga hortagaan duubista. Kaliya shaqaalaha shaqada ku jira ayaa loo oggolaaday iney galaan, waxaana si cad looga digayaa iney wax duubaan inta lagu jiro habka rarida iyo gaadiidka. Ilo-wareedyada ayaa ku doodaya in qaabka Qarsoodiga ah ee hawlgalka ey caddaynayso in alaabtu aaney ahayn mid loo isticmaalo gudaha. "Haddii ey ahaan lahaayeen, waan arki lahayn halka lagu kaydiyey ama waxaan heli lahayn weelasha maran," maamulaha sare ayaa yiri. Taas beddelkeeda, wuxuu yiri, “Waxay ahayd taraansit uun”, taasoo la macno ah in Boosaaso ey ahayd meel Qarsoon. Middle East Eye ayaa warqad u dirtay dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamul Goboleedyada Puntland oo ey ka codsadeen in jawaab laga bixiyo. Midna uma jawaabin. Imaaraadku wuxuu hore u diiday inuu kafaalo qaado RSF.
CALOOSHOOD U SHAQEYSTAYAAL REER KOLOMBIYA AH:
Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ku yaala xeebta koonfureed ee gacanka cadmeed ayaa waxa ku yaala dhowr Xarumo ciidan oo si aad ah loo adkeeyey oo aey ku jiraan mid ey degan yihiin taliyayaasha Imaaraatka Carabta iyo ciidamada amaanka ee la aaminsan yahay iney u dhasheen dalka Koonfur Afrika. Dhinaca waqooyi ee gegida dayuuradaha waxa ku yaala Xero u gaar ah oo ey degan yihiin calooshood u shaqeystayaal Colombiyan ah oo ku lug leh dagaalka Suudaan. Sawirro ey si gaar ah u heshay MEE ayaa muujinaya tobanaan qof oo Colombiyan ah oo boorsooyin dhabarka wata oo diyaarad ka soo degay garoonka Boosaaso si toos ah ugu sii jeeda xerada. Markii sawirada la tusay, Cabdullaahi ayaa isla markiiba gartay, isagoo leh: "Haa, waa calooshood u shaqeystayaal Colombiyan ah oo halkan ka hawlgala oo tiro badan." Shaqaalahan Colombiya ayaa Boosaaso ku yimaada diyaarado ganacsi oo caalami ah, waxayna ku sii gudbaan garoonka diyaaradaha maalin kasta ka hor inta eysan u sii gudbin Suudaan, halkaasoo ey ka barbar dagaalamaan RSF-ta. Askarta Soomaalida ee PMPF, ee ku sugan garoonka diyaaradaha, ayaa dhif iyo naadir ah iney galaan xerada Colombiya. C/llaahi waxa uu yiri “Calooshood u shaqeystayaasha waxay dhiseen isbitaal cusub oo ey ku daweynayaan askarta ku dhaawacantay Suudaan. "Waxaan xusuustaa mar ey diyaarad siday askar dhaawac ah ey ka soo degtay garoonka Boosaaso, albaabka diyaaraddana waxaa ka muuqday dhiig," ayuu yiri. Sarkaal ka tirsan booliiska badda ayaa MEE u sheegay in xerada ey sidoo kale u tahay goob ey maraan dhaawacyada dagaalyahannada RSF-ta, kuwaasoo markii dambe loo duuliyo meelo kale si loogu daweeyo. Meel ku dhow garoonka diyaaradaha, Imaaraatka Carabta ayaa rakibay nidaamka Raadaarka militariga oo la rumeysan yahay in uu yahay Faransiis kaasoo loogu talagalay in uu ka ilaaliyo garoonka Boosaaso weeraro dhici kara. Sida ey MEE werisay dhawaan , Boosaaso waxay ku xiran tahay giraanta saldhigyada ey Imaaraadku ka dhisteen oo ku ballaariyeen gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. saldhigyadii ku yiil gasiiradaha Mayuun, Cabdil-Kuuri, iyo Samhah; Dekedda Berbera ee Somaliland iyo dekedda Mocha ee dalka Yemen, dhammaan waxay ku yaallaan dhul magac ahaan ey ka taliyaan Imaaraadku balse xulafadiisa ama macaamiisheeda. Askarta fadhigoodu yahay Boosaaso ayaa sheegay in joogitaanka iyo dhaq dhaqaaqyada calooshood u shaqeystayaasha Colombiya ee ku sugan aaggaas ey noqdeen kuwo aad looga walaaco, taasoo keentay in qaar badan oo ka mid ah askarta PMPF ey dareemaan ammaan darro.
"Waxaan rumeysannahay iney jirto khatar sare oo ah in dowladda Suudaan ey beegsato dhaq-dhaqaaqyada garoonka Boosaaso," ayuu yiri Cabdullaahi.
“Diyaarad siday askar dhaawac ah ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, albaabka diyaaradda waxaa ka muuqday dhiig
– Cabdullaahi, sarkaal ka tirsan ciidanka badda Puntland
Ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Suudaan bishii April 2023, waxa uu Dalku deeqo waxbarasho u fidiyay kumanaan arday Soomaaliyeed ah, waxaana qorshahan ka faa’ideystay ka mid ah Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Dhowr askari oo ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa qirtay ineysan ku faraxsanayn iney la shaqeeyaan Ajaanibka ku lugta leh dagaalka Suudaan, iyagoo ka baqaya in shaqadooda ey si dadban u taageerto Xasuuq ka dhan ah waddan ey u arkaan iney saaxiib dhow yihiin. Bilowgii sanadka, dowladda Mareykanka ayaa go’aamisay in "xubnaha RSF iyo maliishiyaadka xulafada ah ey Xasuuq ka geysteen Suudaan", gunaanadkaas oo ey gaareen kooxo badan oo xuquuqda aadanaha u dooda. "Waxaan rumaysanahay in anshax ahaan aan la aqbali karin in la caawiyo calooshood u shaqeystayaal ku hawlan la dagaalanka qaran muddo dheer taageerayey Soomaalida oo ey ku jiraan xubnaha qoyskeyga," ayuu yiri askariga.
SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA CARABTA:
Imaaraadka Carabta ayaa muddo sanado ah waxa ey Muqdisho ka caawinayeen dhaqaalo, waxa ayna tababarayeen ciidamo Soomaali ah oo la dagaalama kooxaha hubeysan sida AL-Shabaab. Balse xiriirkan ayaa si weyn u mugdi galay sannadihii u dambeeyay, ka dib markii Imaaraadka ey gacan siiyeen maamul Goboleedyada sida Puntland iyo Somaliland oo iyagu nashqadeeyay iney ka go’aan Soomaaliya.
"Muqdisho ma awoodo in ey diiddo, marka loo eego in eysan diyaar u ahayn iney ka hortagto saameynta ballaaran ee Imaaraadka Carabta"
- Abdirashid Muse, analyst
Muqdisho ayaa gacanta ku haysa maamulka hawada Soomaaliya, waxaana ey fasaxday dhammaan duullimaadyadii dalka soo galayay, balse wax awood ah kuma laha dekedda iyo garoonka Boosaaso. Inkastoo uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya Xasan Sheekh, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Maxamed Bin Zayed, dowladda Muqdisho si cad ugama eysan hor imaan Abu Dhabi dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Puntland. "Muqdisho ma awoodo iney diido, marka loo eego ineysan diyaar u ahayn iney ka hortagto saameynta Imaaraadku ku fidayso," ayuu yiri Cabdirashiid Muuse, oo ah falanqeeye arrimaha gobolka, dhaleeceeyana dhaqdhaqaaqyada Imaaraadku ka wado Geeska Afrika. Wuxuu ku raacsan yahay Cabdullaahi, isagoo xusay in dhaq-dhaqaaqyada Imaaraatka Carabta ey ka wadaan Boosaaso iney yihiin kuwo si weyn u quseeya, maadaama ey halis ugu jiraan iney Soomaaliya u horseedaan loolan siyaasadeed oo ballaaran oo ka dhexeeya quwadaha gobolka. Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu tiriyaa inuu yahay saaxiibka ugu dhow ee Imaaraadka Carabta, iyadoo sababta ugu weyn ey tahay taageerada dhaqaale ee sii xoojin karta maamulkiisa iyo hankiisa siyaasadeed. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la kulmay Raysal Wasaare Ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan dhawaan, ayaa qoslay oo kaamirooyinka ku tilmaamay inuu haysto “lacag aan xadidneyn”. Martin Plaut, oo ah aqoonyahan ku takhasusay colaadaha Geeska Afrika, ayaa sheegay in ku lug lahaanshaha Imaaraadka ee dagaalka Suudaan ey ugu horreyso danta uu ka leeyahay helitaanka dahabka iyo ballaarinta saameynta gobolka. Dhanka Puntland, wuxuu sheegay in goobta istiraatiijiga ah iyo madax-bannaanida ey ka siman yihiin ey ka dhigteen saldhig ku habboon oo ey ka howlgalaan Imaaraadka. "Puntland weli waa mid ka mid ah meelaha ugu yar ee sahaminta iyo kormeerka lagu sameeyo ee adduunka, waa meel ku habboon Imaaraadku inuu ka shaqeeyo cidina ma waydiinayso wax su'aalo ah," Plaut ayaa u sheegay MEE. Bishii Luulyo, Ku xigeenka dacwad oogaha Nazhat Shameem Khan oo ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa u sheegay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in ICC ey leedahay "sababo macquul ah oo lagu aamino" in labadaba dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada ey ka dhacaan Suudaan. "Masuuliyiinta Puntland waxay noqon karaan kuwo dhib badan waxaana laga yaabaa iney haystaan kiis ey kaga jawaabaan," ayuu yiri Plaut.
XIGASHO-MEE.