DFS OO SHEEGTAY INEY SUGI DOONTO AMNIGA HARGEYSA IYO BERBERA.
(SAWIRKA)-DANJIRE WARFAA.
(ADDIS ABABA/ETHIOPIA)-Wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika ahna Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay inay dib u xaqiijiso awooddeeda dhammaan dhulka Soomaaliya, isaga oo xusay in magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ay yihiin qayb aan laga maarmi karin oo ka tirsan Soomaaliya. Wareysi uu siiyay Al Jazeera, ayuu danjiruhu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo xoojinta awoodda ciidanka qaranka, si maamulka federaalku u gaadho dhammaan gobollada dalka laga bilaabo koonfurta ilaa waqooyiga. Isagoo ka hadlayay suurtagalnimada in xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ay saameyn ku yeeshaan arrimaha federaalka iyo muranka Somaliland, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan oggolaan doonin in xaaladaha gudaha loo adeegsado dano dibadeed ama qorshayaal lagu kala qaybinayo dalka. “Waxaa jira dhinacyo dibadeed oo mar walba doonaya inay ka faa’iidaystaan dhibaatooyinka Soomaaliya si ay u abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan. Dowladda Soomaaliya waxay ku dadaalaysaa xallinta arrimaha gudaha si aanay u noqon kuwo saameyn dibadeed yeesha,” ayuu yiri Warfaa. Danjiraha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowladda federaalka ay u aragto Hargeysa, Berbera iyo magaalooyinka kale ee waqooyiga inay yihiin dhul Soomaaliyeed.