DFS IYO MAAMULKA W/BARI SOOMAALIYA OO WAR CULUS KA SOO SAARAY HUBKA…
(MUUQAALKA)-QORAALKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Maamulka Garoonka Aadan Cadde iyo Wasaaradda Amniga Waqooyi Bari ayaa soo saaray awaamiir cusub oo lagu adkaynayo qaadista hubka ee duullimaadyada isaga kala goosha Muqdisho iyo Laascaanood. Wasaaradda Amniga Waqooyi Bari ayaa shirkadaha diyaaradaha ka mamnuucday inay rakaab hubaysan ama ciidamo qaadaan iyagoo aan oggolaansho hore haysan. Qofka haysta hub sharciyeysan waxaa laga doonayaa inuu wasaaradda ku wargeliyo ugu yaraan saddex maalmood ka hor safarkiisa, isla markaana soo bandhigo dukumentiyada hubka. Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa dhinaciisa maamulka terminal-ka Reflector faray in hub aan lagu dhex qaadan goobta. Waxaa sidoo kale la amray in toban maalmood gudahood lagu dhejiyo ogeysiis cad oo mamnuucaya gelitaanka dadka hubaysan ee aan fasaxa haysan. Amarka ayaa ka digaya in ruqsadda shaqo lagala noqon karo terminal-ka haddii aan la fulin tilmaamaha. Si kastaba, waxaa weli loo baahan yahay in la caddeeyo sida loo waafajinayo fasaxa ay Waqooyi Bari siin karto qof hub sita iyo mamnuucidda hubka ee terminal-ka Muqdisho. Tallaabooyinkan ayaa yimid kaddib dhacdo amni oo la sheegay inay la xiriirtay duullimaadkii Madaxweynaha Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye. Hay’adaha rasmiga ahi ma shaacin cidda ku lug lahayd dhacdada, ujeeddadeeda ama sida dad hubaysani ugu dhowaadeen duullimaadka madaxweynaha.
ISHA-GJ.