DALKA MASARA OO CIIDAMO U SOO DIRAAYO SOOMAALIYA.
(MUUQAALKA)-CIIDAMADA MILETERIGA MASAR.
(CAIRO/EGYPT)-Masar ayaa lagu soo warramayaa inay diyaarinayso ciidamo milatari oo loo dirayo Soomaaliya, tallaabadaas oo qayb ka ah iskaashiga difaac ee labada dal, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika. Sida uu sheegay wargeyska The Arab New saraakiil, tababarayaal iyo la-taliyeyaal milatari oo Masaari ah ayaa ka shaqaynaya diyaarinta howlgalka, kaas oo noqonaya mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee iskaashiga milatari ee Qaahira iyo Muqdisho tan iyo markii ay labada dal saxiixeen heshiis iskaashi difaac sannadkii 2024. Ciidamada la filayo in la geeyo Soomaaliya ayaa la sheegay inay qayb ka noqon karaan howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ama iskaashi amni oo laba geesood ah. Si kastaba, Masar weli si rasmi ah uma shaacin tirada ciidamada ay dirayso iyo qaabka ay uga qaybqaadan doonaan howlgalka. Warbixinnada ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo deegaanka Ceelcade, oo ku yaalla duleedka waqooyi ee Muqdisho, halkaas oo hore uga jiray garoon diyaaradeed oo milatari. Tallaabadan ayaa timid iyadoo Masar ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, kaddib markii labada dal ay xiriirkooda gaarsiiyeen heer iskaashi istaraatiiji ah sannadkii 2025. Wafdi milatari oo Masaari ah ayaa 20-kii Sebtembar booqday Muqdisho, halkaas oo ay kula kulmeen wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga difaaca, tababarka ciidamada iyo tayeynta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dowladda Masar ayaa marar kala duwan sheegtay inay taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan arrimaha amniga iyo difaaca. Joogitaanka milatari ee Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu gobolka ka jiro loollan istaraatiiji ah oo la xiriira marin-biyoodka Badda Cas, marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo danaha amni ee dalalka gobolka. Masar iyo Itoobiya waxaa muddo dheer ka dhexeeyay khilaaf la xiriira biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka dhistay webiga Niil, kaas oo Qaahira ay u aragto arrin si toos ah u saamayn karta amniga biyaha dalka. Sidoo kale, labada dal waxay ku kala aragti duwan yihiin dadaallada Itoobiya ee ay ku raadineyso marin ay uga baxdo Badda Cas. Khubaro Masaari ah ayaa ku doodaya in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay amniga Badda Cas iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah, halka iskaashiga milatari ee Soomaaliya uu Masar siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ilaaliso danaha istaraatiijiyadeed ee gobolka.
ISHA-HOL.