DAWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG UGU JAWAABTAY CRISIS GROUP.
(SAWIRKA)-ASTAANTA SOMALIA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee International Crisis Group, taas oo lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sanadkii 2025 sameysay horumar milatari oo ballaaran, isla markaana ay meesha ka saartay guulo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxda labadii sano ee ka horreysay. Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah ay fursad u abuureen Al-Shabaab, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ciribtirka kooxda mustaqbalka. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, oo ka jawaabay warbixintaasi ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in la iska indha tiro horumarrada iyo dadaallada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska dowladnimada. “Waxaa caado ka noqotay qaar ka mid ah dadka dejinta siyaasadaha ku lug leh inay Soomaaliya ku tilmaamaan dal guul-darro joogto ah ku jira, oo aan weligiis awoodin inuu la wareego mas’uuliyadda amnigiisa, dib u dhiso hay’adihiisa dowladeed, ama si hufan isu maamulo. Sheekadaasi ma aha oo keliya mid aan dhammaystirnayn; waa mid aan caddaalad ahayn,” ayuu yiri Cali Balcad qoraal uu ku baahiyay bartiisa X. Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah la dagaallanka argagixisada muddada dheer ka jirtay dalka, dib u dhiska ciidamada amniga qaranka iyo horumarinta geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka. Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya ay isku dayeyso inay saddexdaas hawlood isku mar u qabato iyadoo dalka uu ku jiro xaalad dagaal, isla markaana ay sii yaraanayaan taageerada iyo kheyraadka la heli karo. “Hawlahani ma aha kuwo fudud, gaar ahaan dal kasoo kabanaya colaado daba dheeraaday. Soomaaliya waxay dadaal xooggan ku bixisay dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo sugidda amniga qaranka,” ayuu yiri Cali Balcad. Hadalkan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay weli socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dowladda ay marar badan ku celcelisay inay ka go’an tahay ciribtirka kooxda iyo xasillinta guud ee dalka.
XIGASHO-GOOBJOOG.