16-KOOX OO ISUGU SOO HARAY IS REEREEBKA K/ADDUUNKA.

(SAWIRKA) KOOBKA ADDUUNA.

(US-MEXICO-CANADA)-Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa galay marxaladda 16-ka ka dib markii la soo gabagabeeyay wareegga 32-ka Jimcihii.

WAA KAN WAXA KA DHACAY WAREEGA 32-AAD:

Canada ayaa (1-0) kaga badisay Koonfur Afrika iyadoo gool soo daahay dhalisay. Brazil ayaa guul (2-1) ah ka gaartay Japan dhamaadkii ciyaarta. Morocco ayaa (3-2) rigoorayaal ah kaga badisay Netherlands ka dib barbaro (1-1) ah. Norway ayaa (2-1) kaga badisay Ivory Coast iyadoo Erling Haaland uu dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ee ciyaarta. Spain si raaxo leh ayay uga adkaatay Austria (3-0). Portugal ayaa guul (2-1) ah ka gaartay Croatia. Ka dib markii ay ciyaartu ku dhammaatay barbaro (1-1) ah oo waqti buuxa ah, Masar waxay (4-2) kaga badisay Australia rigoorayaal. Paraguay ayaa (4-3) rigoorayaal ah ku garaacday Jarmalka, ka dib markii ay (1-1) ku garaaceen waqtigii loogu talagalay. Faransiiska ayaa (3-0) ku xasuuqay Sweden iyadoo Kylian Mbappe uu dhaliyay labo gool. Mareykanka ayaa guul adag ka gaaray Bosnia iyo Herzegovina, wuxuuna ku badiyay (2-0). Belgium ayaa (3-2) kaga badisay Senegal iyadoo rigoore lagu galay waqtigii dheeriga ahaa. England ayaa dib uga soo laabatay hogaanka ay ku qabatay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, iyagoo (2-1) ku quusiyay. Mexico ayaa (2-0) kaga badisay Ecuador. Switzerland ayaa (2-0) ku badisay Algeria oo ay marti u ahaayeen. Argentina ayaa (3-2) kaga badisay Cape Verde ciyaar kulul oo waqti dheeri ah socotay. Colombia ayaa (1-0) kaga badisay Ghana, waxayna u gudubtay wareega 16-ka ee koobka adduunka. Wareega 16-ka waxaa ka soo muuqan doona kulamada soo socda: (Paraguay-France), (Canada-Morocco), (Portugal-Spain), (US-Belgium), (Brazil-Norway), (Mexico-England), (Masar-Argentina) iyo (Switzerland-Colombia). Wadamadda kala “Koonfur Afrika, Japan, Netherlands, Ivory Coast, Austria, Croatia, Australia, Jarmalka, Sweden, Bosnia iyo Herzegovina, Senegal, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Ecuador, Algeria, Cape Verde iyo Colombia ayaa laga reebay wareega 32-aad”. Kooxaha haray ayaa hadda u tartami doona boos ay ku gelayaan wareega sideedaad(8-aad) dhamaadka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DAWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG UGU JAWAABTAY CRISIS GROUP.

Next
Next

K/AFRIKA OO SOO TARXIISHAY 151-KENYAN AH.