(MUUQAALKA)-HOOLKA SHIRKA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS:-Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya, ee kala ah (USA, UK, Turkey iyo EU) ayaa ku heshiiyay in la fududeeyo wadahadallada la xiriiro doorashada dalka Soomaaliya ee hakad gashay taaso u dhexeesay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Mucaaradka ah. Wadahadallada, ayaa loo qorsheeyay iney dhacaan (14 - 18) ee bishaan Nofembar. Ujeedada wadahadlka ayaa ah in la helo heshiis ku saabsan qaab doorasho oo la isku raacsan yahay iyo sidoo kale in la dhiso hab wadajir ah oo lagu maareeyo doorashada. Ajandaha wada hadaladda ayaa waxaa ka mid ah shirarka u dhexeeyo Madaxda, ku dhawaaqista mabaadi'da asaasiga ah iyo wadahadallada u dhexeeyo kooxaha farsamada, iyadoo Afartaan dal (US.UK.TURKEY.EU) ay fududaynayaan geeddi-socodka. Dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa la sheegay in laga codsaday inay sugaan Amniga Hogaamiyeyaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam oo ah Jubaland marka ey soo gaaraan caasimadda Muqdisho. Tani waa war soo dhaweyn leh iyadoo xiisad siyaasadeed ay jirto, ka bixitaanka ciidamada Uganda ee la geeyay heshiis laba geesood ah iyo cabsi laga qabo in AL-Shabaab ay ka faa'iidaysan karto farqiga amniga. Taariikhda shirka lagu soo beegay ayaa ah midii uu horay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u asteeyey Gogosha wada hadaladda ee u dhexeeyo DFS iyo Mucaaradka qeybihiisa kala duwan, in beesha Caalamku noqoto fududeeyaha hawsha ayaa ah mid iyadana leh mudnaanteeda waayo waxa ey markhaati ka noqoneysaa wixii la isku afgartay iyo waxyaabaha ka soo baxa kulanka. Kulankaan ayaan looga hadli doonin Doorashooyinkii horay uga dhacay Dawlad Goboleedyadda dalka iyo Wax-ka bedelk lagu sameeyey Dastuurka sida uu horay u sheegay Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud. Sida uu Bogaan la wadaagay Xubin ka tirsan Mucaaradka ku mideysan daladda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, shirka la sheegay iney qeyb ka yihiin dawladaha US,UK,TURKEY iyo EU-da waxaa lagu wadaa inuu qabsoomo intau dhexeeyso 15-ka bishaan ilaa 25-ka isla bishaan Nofembar-2026-ka, balse waxa uu ka gaabsaday inuu sheegayo cidda lagu casuumay iney ka qeybgasho shirka iyo cidda aan lagu casuumin.
SUUQBACAAD MEDIA.