DALKA ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA OO BILAABAY XOOJINTA XIRIIRKA YUGANDHA.

(MUUQAALKA)-WAFDI SARE OO IMARAATI AH OO GAARAY YUGANDHA.

(KAMPALA/UGANDA)-Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ayaa martigeliyey Sheikh Maktum Bin Moxammed Bin Rashid AL Maktum, Ku-Xigeenka Koowaad ee Xukunka Dubai, Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Wasiirka Maaliyadda, magaaladda Entebbe. Kulankan oo dhacay galabnimadii Isniinta maanta ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Uganda iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Museveni ayaa soo dhaweeyay hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta ee booqashada ku jooga, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale ee labada dal. "Waxaan galabta kula kulmay Amiirka Sheikh Maktum magaaladda Entebbe, waxaana ka wada hadalnay dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga maalgashiga ee u dhexeeya Uganda iyo Imaaraadka Carabta. Waan soo dhaweynayaa," ayuu yiri Museveni. Sheikh Maktum, oo ah xubin sare oo ka tirsan qoyska xukuma Dubai, ayaa sidoo kale guddoomiye ka ah Xarunta Maaliyadda Caalamiga ah ee Dubai (DIFC) wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaraa siyaasadda maaliyadeed iyo dhaqaale ee Imaaraadka Carabta. Booqashadan ayaa timid iyadoo ay jiraan dadaallo ay wadaan Uganda iyo Imaaraadka Carabta si ay u xoojiyaan xiriirka dhaqaale ee labada dhinac, gaar ahaan ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga gaarka loo leeyahay.

ISHA-UG-DIPLOMAT.

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO MUCAARADKA OO KULMI DOONO.