DANJ.SALAAD CALI JEELLE OO LOO MAGACAABAY LA TALIYE SARE.

(SAWIRKA)-DANJIRE SALAAD CALI JEELLE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo mudnaan gaar ah siinaya xoojinta howlaha talo-bixinta, qorsheynta, isku-dubbaridka iyo horumarinta, ayaa Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha. Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa muddo dheer mas’uuliyado kala duwan uga soo adeegay dalka, isagoo leh waayo-aragnimo iyo aqoon durugsan oo ku aaddan arrimaha dowlad-dhiska. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Lataliyaha cusub ku ammaanay khibraddiisa, dadaalkiisa iyo kaalintii uu ka soo qaatay u adeegidda dalka, isaga oo muujiyey kalsoonida uu ku qabo in uu si hufan uga soo bixi doono waajibaadka iyo masuuliyadda loo igmaday.Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey Mudane Danjire Salaad Cali Jeelle in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, isagoo kula dardaarmay in uu Qaranka ugu adeego daacadnimo, hufnaan iyo karti. Magacaabista Danjire Salaad Cali Jeelle ayaa ah mid ku soo hagaagtay waqtigii loo baahnaay waayo dhibaatada hadda caasimadda Muqdisho ka taagan ayaa ah mid u baahan Siyaasi Ruug cadaad ah kalana ridi kara hawlaha isku cakiran una dhexeeyo Dawladda Federaall Soomaaliya iyo Mucaaradka Hawiye ee aadka hubeysan doonaayana in dagaal ka dhaco caasimadda Muqdisho.

ISHA-VILLA SOMALIA.

Previous
Previous

CIIDAMO GADOODSAN OO XIRTAY WADOOYINKA GARAWE.

Next
Next

TALIYE MACALLIN MAHDI OO SHEEGAY IN LA SOO GABAGABEYEY HAWLGALKII DEGMADA C/CASIIS.