CIIDAMO GADOODSAN OO XIRTAY WADOOYINKA GARAWE.

(SAWIRKA)-KULLIYADDA CARMO.

(GARAWE/PUNTLAND)-Ciidamo ka tirsan Birmadka Booliska Puntland oo dhawaan tababar loogu soo xiray kulliyadda Carmo ayaa maanta xirtay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Garoowe, kuwaas oo sheegay in ay cabanayaan mushaar la’aan. Ciidamadan oo dhawaan la keenay xerada 54-aad ee duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe waxay xirteen waddada halbaha ah ee xiriirisa barxadda Garoowe, buundada cusub ee isbitaalka guud ilaa jaamacadda PSU, waxayna joojiyeen isu socodka gaadiidka. Maahan markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay xirtaan waddooyinka, kuwaas oo ka cabanaya mushaar la’aan, balse marar ayaa la arkay dhacdooyin noocaan ah. Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa dhibaato xoogan ey ka soo gaartay xiriirkeeda xumaaday ee kala dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu iska fogeeyey inuu Resysal Wasaare u magacaabo masuul ka soo jeeda Dawlad Goboleedka Puntland, waxaane weli Puntland ka taagan dhaqaale xumi baahsan oo laga dareemaayo dhammaan degaanadda hoos yimaado DG Puntland. Madaxweynaha Puntland Md.Deni ayaanba ahayn shaqsi dareesan dhibaatada taalo degaanadda uu u dhaartay, waxa uuna mashquul joogta ah ku yahay sidii uu xaqiijin lahaa hadafkiisa ah inuu mar uun ku fariisto kursiga ugu sareey dalka Soomaaliya ee ah kan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

SHEEKH YAASHEEY OO KU GEERIYOODAY DEGMADA SHIBIS.

Next
Next

DANJ.SALAAD CALI JEELLE OO LOO MAGACAABAY LA TALIYE SARE.