DAGAAL BEELEED KA SOCDO DEGAANKA MEERSIIS OO EY KU DHINTEEN15-QOF.
(SAWIRKA)-DEGMADA CEELBUUR.
(CEELBUUR)-Wararka laga helaayo degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi uu saakay ka qarxay dagaal aad u culus deegaanka Meersiis oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii beelo wada dega deegaankaasi ey isku fara saareen dagaal hubeysan. Iska horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad kacsan ey ka jirtay deegaanka tan iyo shalay, ka dib markii afart qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw, oo ku dhow Meersiis. Dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay iney kasoo jeedeen mid ka mid ah beelaha maanta dagaalku u dhexeeyo, taasoo keentay iney sii kacdo xaaladda deegaanka. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in la isku adeegsanayo hub culus iyo mid fudud, hase yeeshee ma jirto xog rasmi ah oo la helayo oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, sababo la xiriira isgaarsiinta oo aad u liidata. Sidoo kale, fiidnimadii xalay ayaa weerar kale ka dhacay isla deegaanka Meersiis, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac, arrintaasoo sii hurisay xiisadda oo saaka sababtay dagaalka cusub. Ilaa iyo hadda, kama eysan hadlin maamulka Gobolka Galgaduud iyo sidoo kale Dowladda Goboleedka Galmudug, lamana hayo war rasmi ah oo kasoo baxay Hay’adaha Ammaanka ama maamulka degmada Ceelbuur ee ku saabsan xaaladda deegaanka waayo degaanka colaadu ka jirto ayaa ah degaan ey maamusho kooxda nabad diidka ah ee ALshabaab. Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya sii socoshada colaadda, iyagoo ugu baaqay Dowladda dhexe iyo Maamulka Galmudug iney si deg deg ah u dhexgalaan si loo xalliyo khilaafka una laabto wadahadal iyo nabad. Dhinaca kale,wararka laga helaayo degmada Guriceel ayaa tibaaxaayo in halkaasi la gaarsiiyey dhaawac gaaraayo ilaa 20-qofood,waxaaen jira dhimasho labada dhinaca ah oo gaareysa ilaa 15-qofood, ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha inta uu la eg yahay balse maalmaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa wixii ka soo baxa.
ISHA-SB-MDEIA.