CIIDAMADDA XDS OO SHAN XARUMOOD KALA WAREEGAY KUWA YUGANDHA.

(MUUQAALKA)-XIL WAREEJIN.

(BARAWE/KGS)-Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku wareejiyey shan saldhig oo ciidan oo ku yaalla aagga Baraawe, taas oo qayb ka ah qorshaha kala-guurka amniga iyo masuuliyadda oo si tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed. Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta taliska Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda, kuna taalla deegaanka Embresso, ayaa waxaa hoggaaminayey taliyaha guutadaas, Korneyl Dr. Justus Musenene, isaga oo wakiil ka ahaa taliyaha Qaybta Koowaad, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja. Shanta saldhig ee lagu wareejiyey ciidamada Soomaaliyeed ayaa kala ah Baraawe Embresso, Baraawe Knoll, Kismaayo Road, Seaport iyo Runway. Sida lagu sheegay warbixinta AUSSOM, dhammaan saldhigyadani waxay ahaayeen kuwo si buuxda u shaqaynayey xilligii xil-wareejinta. Korneyl Musenene ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan Baraawe taageeradii ay ciidamada Uganda siiyeen muddadii ay halkaas ka hawlgalayeen, isaga oo tilmaamay in wareejinta saldhigyadani ay muujinayso koboca awoodda hawlgal iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ciidamada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan guulihii amni ee la gaaray sannadihii lasoo dhaafay, halka shacabka Baraawe uu ugu baaqay inay kaalin ka qaataan adkaynta nabadda iyo xasilloonida deegaanka. Dhankiisa, taliyaha Guutada 23-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Axmed Cabd, ayaa iskaashiga ciidamada Soomaaliya iyo Uganda ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo bogaadiyey kaalintii ciidamada Uganda ay ka qaateen horumarinta deegaanka iyo mashaariicda taageerada bulshada. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka hadlay munaasabadda ayaa iyaguna uga mahadceliyey ciidamada Uganda doorkii ay ku lahaayeen sugidda amniga Baraawe, iyaga oo ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida ay muddada dheer ku naaloonayeen. Wareejinta shantan saldhig ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya si ay si tartiib tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka, xilli howlgalka AUSSOM uu taageerayo qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhismaha iyo tayeynta hay'adaha amniga.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

DUMAR LOO QABTAY INEY MAXAABIISTA XABSIGA DHEXE KA IIBIYAAN DAROOGO.

Next
Next

SHAN DAL OO KA TIRSAN MIDAWGA YURUB OO RABA INEY RWANDA U MASAAFURIYAAN QAXOOTI.