CIIDAMADDA XDS OO ISKA CAABIYEY WEERARKII UGA YIMID ALSHABAAB IYO KOOXDA LAFTAGAREEN.

(MUUQAALKA)-CIIDAMADA XDS.

(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS: Sida aan la wada socono waxaa maanta dagaal aad u adag uu ka dhacay degaan u dhexeeyo degmooyinka Wanle-Weyniyo iyo B/Hakaba, dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaay mid u dhexeeyey Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha isbahaystay kana kooban Daraawiishtii DG KGS iyo Maleeshiyaadka ALshabaab, kuwaaso diidan Hogaamiyaha DG KGS Mudame Sheekh Adan Maxamed Nuur(Aden Madoobe). Hadaba maxaa ka soo kordhay dagaalkii Qardho, Khasaaraha, Dhimashada, Dhaawaca & gaadiidka la gubay. Sida aan horay u baahinay Galabta dagaal culus ayaa ka dhacay Tuulada Qardho oo u dhaxaysa Tuulada Baladul-Amiin & Deegaanka Jameeco. Dabagal dheeraad ah oo aan ku samaynay Khasaaraha & sida wax u dhaceen ayaan ku soo koobaynaa Warbixintaan: (1)-Warbaahinta Yoolbaar Media ayaa Xaqiijisay in dagaalka oo ahaa mid culus islamarkaana Faahfaahintiisa guud aan horay idinla wadaagnay uu dhaliyay khasaare kala duwan oo dhimasho & dhaawac leh. (2)-Ugu yaraan 5 Askari oo badigood Haybta wadaaga kana soo jeeda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug ayay Yoolbaar Media xaqiijisay in ay ku dhinteen dagaalka Alle ha u Naxariisto. (3)-Sidoo kale ugu yaraan 15 Askari oo sidoo kale u badan Beesha Caasimada Galmudug degta ayaa ku dhaawacantay dagaalka Waxaana ku jira taliyihii ururka la weeraray oo la sheegay in uu dhaawac fudud qabo. (4)-Ma jiraan Saraakiil la waysan yahay iyadoo ay bad-gabaan Taliyaha danab Col Melletari, Taliyaha Ururka 161-aad Col Maxamed Shiine, Taliye ku xigeenka Guutada 17-aad Col Xasan Kaafi & Taliye ku xigeenka Qaybta 12-ka April Gaashaanle sare Axmad Gaashaan oo dhammaantood Hogaaminaaya Ciidamada aaga maraaya oo kala duwan.(5)-Sidoo kale Yoolbaar Media waxa ay xaqiijisay in Ciidanka soo laabtay ay yihiin Ciidan soo qaaday dhaawacyada dagaalka oo la keenay Balli-doogle ka dibna Xamar loo soo qaaday.(6)-Duqaymaha Waxaa jira Warar iskhilaafsan laakiin ma aanan xaqiijin sax ahaanshaha Wararka Baraha Bulshada lagu baahiyay ee sheegaaya in dowladu ka dambaysay.(7)-Ugu dambeen" Khasaare kala duwan ayaa dhacay, Gaadiid ayaa khasaaray, ma jiraan Ciidan soo baxay oo la ogyahay, si la mid ah Xaalada guud ee deegaanku waa mid kacsan oo Khawaarijtu kama foga rugaha Ciidanka ee Caawa.

ISHA-YOOLBAAR MEDIA.

Previous
Previous

DALKA IMAARAATKA CARABTA OO U XUSUL DUUBAAYO KURSIGA XOGHAYAHA QM.

Next
Next

MASAR OO CIIDAMO U SOO DIREYSA DALKA SOOMAALIYA.