CIIDAMADDA AMAANKA KENYA OO FASHILIYEY WEERAR ARGAGIXISO.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(GARISSA/KENYA)-Wararka laga helaayo Gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaayo in Cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ee dalka Kenya ey guul weyn ka gaareen howlgal ey ku fashiliyeen kaaso ahaa Weerar Argagixiso oo ey maleeshiyada Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab qorsheynayeen iney ka fuliyaan deegaanka u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee Gobolka Garissa. War kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday ka dib markii bulshada deegaanka ey soo sheegeen dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay, oo ey ku lug lahaayeen siddeed dagaalyahan oo ku hawlanaa diyaarinta Qaraxyada la dhigo waddooyinka. Ciidamada SOG ayaa si deg deg ah uga jawaabay xogtaas, waxaana ey la galeen is-rasaaseyn kooban kooxdii Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay Qaraxyo la soo ururiyay oo lagu waday in lagu weeraro shacabka iyo ciidamada amniga ee isticmaalayay wadadaas. Mas’uuliyiinta amniga ayaa ammaanay feejignaanta bulshada deegaanka, iyagoo tilmaamay in xogtooda waqtigeeda ku timid ey ka hortagtay masiibo weyn oo dhici lahayd. “Ciidanka SOG waxay uga mahadcelinayaan bulshada deegaanka wada-shaqeynta wanaagsan, waxayna ku boorinayaan iney sii wadaan feejignaanta si loo joojiyo qorshayaasha Argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan ey soo saareen saraakiisha amniga. Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgalada ka-hortagga Argagixisada ee Gobollada Waqooyi-bari, ka dib markii ey soo bateen isku dayo ey Al-Shabaab ku doonayaan iney gudaha ugu galaan Kenya iyagoo ka tagaya dhanka xadka Soomaaliya.
XIGASHO-HOL.