BOOSTADA SOOMAALIYA OO DIB LOO HAWLGELIYEY.
(SAWIRKA)-MASUULIYINTA BOOSTADA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga Boostada dalka. Munaasabadda furitaanka adeegga boostada waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Maareeyaha Garoonka, Agaasimaha Kastamka Garoonka, Hoggaanka Amniga ee Garoonka Adan Cadde, Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Isgaarsiinta. Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa sharaxay marxaladihii adkaa ee la soo maray iyo sida Wasaaraddu waqti adag ugu bixisay in dib loo hawlgeliyo adeeggan muhiimka ah ee boostada, isagoo tilmaamay in laga soo bilaabo bishii May 2025, adeegga boostada dalka si rasmi ah u shaqeynayay, laguna bilaabay adeegyada dirista iyo helista Boostada (sending and receiving). Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamuud Cabdulqaadir (JEEGO), Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho mudane Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda dib-u-furitaanka ayaa si weyn u bogaadiyey dadaallada muuqda ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoljiyadda ey hormuudka ka tahay, iyagoo xusay muhiimadda ey leedahay in dalka uu helo adeeg boosto casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda caalamka, taasoo xoojinaysa dowladnimada, isku xirka bulshada, iyo kobcinta adeegyada shacabka. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhibaan Maxamed Somali ayaa sheegay in maanta ey tahay maalin weyn oo dib loogu soo celiyay adeeg qiimo weyn ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed, ka dib ku dhawaad 36 sano oo hakad ku jiray adeeggii boostada. “Guushan dib u howl galinta adeega boostada dalka waxay ka tarjumeysaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyadii dalka uu lahaa, Shaqaalaha boostada ayaa si heer sare ah u qaatay tababaro casri ah oo ey bixiyeen khubaro caalami ah oo dibadda laga keenay, halka qaar kalana ey dibadda u aadeen si ey u helaan xirfado dheeraad ah oo la jaanqaada isbeddelka teknolojiyadeed". Ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali. Howlwadeennada Waaxda boostada ee gudaha dalka iyo xirfadlayaal kale ayaa si geesinimo leh uga shaqeeyay in dib loo hawlgeliyo xarumahan muhiimka ah, oo ka qeyb qaatay dadaalkan. Wasaaradda Isgaarsiinta waxay diiradda saartay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg boosto oo hufan, deg deg ah, casri ah, isla markaana ammaan ku dhisan.
ISHA-SNTV.