BOOLSKA MINNEAPOLIS OO KA HADLAY DILALKA MAGAALADDA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA MINNEAPOLIS.
(MINNEAPOLIS/MINNESOTA)-Wararka laga helaayo magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Talliyaha, ahna Madaxa booliiska magaaladda Minneapolis Brian O'Hara oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 'Dhallinyaradda Bariga Afrika' ka soo jeeda ee weliba degan magaalooyinka nawaaxiga la ah Minneapolis ama magaalada dibadeeda ay yihiin dadka geysta dhibaatooyinka ay ka midka yihiin dambiyo iskugu Jira Dil, Dhac, Xatooyo iyo dembiyo kale oo ay ka mid yihiin is Toogasho ka dhacay goobta loo yaqaan Dinkytown oo u dhow, qaybna ka ah Jaamacadda Minnesota. Talliyaha booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isaga oo aanan carabka ku dhufan oo u ceeb qarinaya dhallinyarada Soomaaliyeed isticmaalay erayga "Dhallinyaradda Bariga Afrika ka soo jeeda". Haddaba marka laga soo tago dilkii wiilka Soomaaliga ah lagu dilay November 1, 2025 ee ka dhacay goobtaas, waxaa jira dambiyo iyo qalalaase kale oo ka dhacay Dinkytown/Jaamacadda Minnesota oo ay geystaan dhallinyaradda Soomaalida ah. Dhibaatooyinka iyo dembiyadda dhallinyarada lagu eedaynayo ayaa waxaa ka mid ah weeraro, dhac, toogashooyin baddan, rasaas la riday, iyo xatooyo baabuur. Dhibka ay dhallinyaradda Soomaaliyeed ka geysanayaan goobtan ayaa socday in mudo dhowr sanno ah, welina xal waa loo la'yahay.
XIGASHO-TUSMO TIMES.