BANAANBAX CADAALAD LOOGU DALBAAYO WIIL LA LA’AYAHYA OO KA DHACAY GAARIISA.

(SAWIRKA)-GAARISA.

(GARISSA/KENYA)-Qoys ku nool Gaarisa ayaa dalbanaya in cadaalad, iyo in looga jawaabo wiilkooda, Cabdinaasir Khaliif, oo la la’yahay tan iyo 30-kii June, 2024-ka. Sida laga soo xigtay qoysku, Cabdinaasir waxaa la sheegay iney ka afduubteen dad looga shakisan yahay iney Kaydka Qaranka ee Xagardheer oo ka tirsan deegaanka Faafi. In ka badan hal sano ka dib, waxay ku andacoonayaan in saraakiisha ammaanku ey ahaayeen kuwo dhuumaaleysi ah oo aan la shaqeyn, iyaga oo aan wax jawaab ah oo macno leh ka bixinin halka uu joogo Cabdinaasir iyo wanaaggiisa. Gabadha la dhalatay Cabdinaasir ee la yiraahdo Aamina Khaliif oo ka hadlaysay bannaanbax nabadeed oo ka dhacay magaalada Gaarisa, ayaa sheegtay in walaalkeed la kaxaystay isagoo ey weheliyaan laba saaxiibiis ah, ka dib markii uu ka soo qayb galay aroos. "Isla markiiba ka dib markii aan ogaanay in la waayay, waxaan bilownay baaritaan, markii ugu horeysayna waxa aan tagnay Saldhigga Booliska ee Welmerer, laakiin saraakiisha halkaas ku sugan ayaa beeniyay iney xireen," ayay tiri. Aamina waxay muujisay welwelka sii kordhaya ee qoyska iyo aamusnaanta daba dheeraatay ee maamulka. "Qoys ahaan, waxaan aad uga walaacsanahay waayiddiisa sii socota, waxa ugu dhibka badan waa xiriir la'aanta Hay'adaha amniga," ayey raacisay. Walaalkeed, Yuusuf Khaliif, ayaa ka dhawaajiyay dareenkeeda, isagoo sheegay in isku dayo isdaba joog ah oo lagu doonayey in jawaabo looga helo mas’uuliyiinta ey khuseyso eysan waxba ka soo bixin. "Codsigayada aan u jeedinayno Booliiska iyo Hay'adaha kale ee Amniga wax jawaab ah kama helin, taasoo nagu reebaysa murugo iyo hubanti la'aan. Ma jiro qof muwaadin ah oo luminaya raad la'aan. Qoyska ayaa sidoo kale su’aal ka keenay sababta la sheegay in gaariga C/naasir ey u adeegsadaan Ciidamada Ammaanka ee Xagardheere, iyadoo uu weli xiran yahay taleefankiisa gacanta. Waxay hadda ugu baaqayaan hay'adaha kormeerka, oo ey ku jiraan Hay'adda Kormeerka Boolisk ee Madaxa-bannaan (IPOA) iyo Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR), iney si deg-deg ah u baaraan kiiska ayna gacan ka geystaan ​​sidii cadaaladda loo gaarsiin lahaa. Xildhibaanad Ummul-kheyr Haaruun oo laga soo doortay Xisbiga ODM, oo si gooni gooni ah u hadashay, ayaa cambaaraysay dhacdooyinka joogtada ah ee dadka la la’yahay inkasta oo ey dawladdu ballan-qaadday in dhaqankaasi uu dhammaan doono. "Waxaan sii wadeynaa in aan dalbano in la joojiyo dadka la waayayo, qof walba oo Kenyaan ah waxa uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu helo nidaam cadaalad ah, sharaf, iyo in laga ilaaliyo in si sharci darro ah loo xiro. Dadaallo lagu doonayey inaan faallo ka helno taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa, Amos Ambasa, ayaanay noo suurta gelin.

XIGASHO-EASTLIGH VOICE.

Previous
Previous

KOR U KAC KU YIMID TIRADA TAHRIIBAYAASHA KA YIMID W/AFRIKA.

Next
Next

SAFIIRKII HORE EE TURKIGA OO SOOMAALILAND KU TILMAAMAY QABIIL.