30-DAL AYEY GAAREEN DALALKA LA SAARAY XAYIRAADDA.
(SAWIRKA)-BAASABOORKA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Ka dib markii xayiraadda markii hore ay ku jireen muwaadiniinta 19 waddan , Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kristi Noem ayaa shaaca ka qaaday in maamulka madaxweyne Donald Trump uu qorsheynayo inuu kordhiyo tirada dalalka ay khuseyso xayiraadda socdaalka in ka badan 30. Mar Noem la weydiiyay mar ay wareysi siisay Fox News fiidnimadii Khamiista in maamulka Trump uu kordhin doono tirada dalalka ku jira liiska xayiraadda socdaalka oo la gaarsiinayo 32, waxay ku jawaabtay, "Ma doonayo inaan si gaar ah u sheego tirada, laakiin waa in ka badan 30 waddan, madaxweynuhuna wuxuu sii wadaa inuu qiimeeyo dalalka."
“DAWLADDO AAN XASILOONEYN”:
Hase yeeshee, wasiirku ma sheegin dalalka lagu soo kordhin doono. Waxay tiri, "Haddii aysan halkaas ka helin dowlad xasiloon, iyo haddii aysan helin waddan is-caawin kara oo dadkaas noo aqoonsan kara oo naga caawinaya inaan xaqiijinno aqoonsigooda, maxaan u ogolaan karnaa in dadka dalkaas u dhashay ay yimaadaan Mareykanka?" Arrintan ayaa timid ka dib markii Trump uu saxiixay bishii June ee la soo dhaafay bayaan uu ku mamnuucayo gelitaanka Mareykanka ee muwaadiniinta 12 dal, isla markaana uu xayiraad ku soo rogay muwaadiniinta 7 kale. Wuxuu sheegay xilligaas in tani ay lama huraan u tahay sidii looga hortagi lahaa "argagixisada shisheeye" iyo khataraha kale ee ammaanka. Mamnuuciddu waxay khusaysaa soo-galootiga iyo kuwa aan soo-galootiga ahayn, oo ay ku jiraan dalxiisayaasha, ardayda, iyo dadka safarka ah ee ganacsiga. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u sheegtay, iyadoo ka duulaysa fiilada wasaaradda arrimaha dibadda ee gudaha, in maamulka Trump uu ka fikirayo mamnuucidda muwaadiniinta 36 dal oo dheeraad ah inay soo galaan Maraykanka. Waxaa xusid mudan in balaarinta liiska mamnuucista ay ka dhigan tahay koror dheeri ah oo ku saabsan tillaabooyinka socdaalka ee uu qaaday maamulka Mareykanka tan iyo markii la toogtay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka ee Washington, D.C., usbuucii hore. Maalmo ka dib toogashada, Trump waxa uu wacad ku maray in uu "joojin doono socdaalka joogtada ah ee ka imanaya dhammaan dalalka dunida saddexaad," isaga oo aan magacaabin waddan ama aanu caddayn dalalka uu ula jeedo “Wadamadda Adduunka Seddexaad”.
XIGASHO-AA.