MARAYKANKA OO DUQEYN KA FULIYEY BARTAMAHA SURIYA.
(SAWIRKA)-DIYAARADA B-52.
(SYRIA)-Dawladda Maraykanka ayaa maanta oo Axad ah bilawday duqeymo ey la beegsaneyso xubnaha Daacish ee ku sugan gudaha dalka Suriya,isla maalintii ey xoogaga Mucaaradka hubeysan ey gaareen magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq,waxaane meesha ka baxay taliskii Bashaar AL-Asad. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu fuliyey tobaneeyo duqeymo ah oo toos ah kuwaaso lala beegsaday xeryo iyo wakiilo ka tirsan Ururka Daacish ee ku sugan bartanmaha dalka Suriya. Taliska dhexe ayaa ujeedada weerarada cirka ah ku sheegay sidii looga hortegi lahaa kooxda Argagixisada iyo in la xaqiijiyo in ISIS eysan ka faa’iideysan xaaladda dalka Suriya hadda ka taagan iyo dib isu qaabeynta kooxda Daacish. Hawlgalkii ugu dambeeyey ayaa waxaa ka mid ahaa duqeynta in ka badan 75-goobood waxaane loo adeegsaday hanti badan oo ciidan,oo ey ku jiraan B-52 iyo diyaaradaha F-15,mana eysan ka dhalan wax khasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah,sida lagu sheegay Qiimeynta hordhaca ah.
ISHA-AH.
REYSAL WASAARIHII HORE EE SURIYA OO LOO MAGACAABAY.
(SAWIRKA)-MW-BASHAAR ASAD.
(DIMISHIQ)-Madaxa Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali ayaa shaaca ka qaaday tafaasiil laga helay waqtiyadii ugu dambeeyey ee nidaamka Bashaar AL-Asad kaaso burburay ka dib markii xoogaga Mucaaradka hubeysan ey soo galeen bartamaha magaaladda caasimada ah ee Dimishiq fiidnimadii xalay oo Axad ahayd. Hogaamiyeyaasha Mucaadka hubeysan ee Suriya ey ugu horeyso kooxda Xayaat Taxriir AL-shaam taaso Maraykanka uu u aqoonsan yahay Argagixiso ayaa hogaamineyso weerarka ka bilawday Idlib laguna soo afjaray taliskii Dimishiq maalmo gudahood. Isla markii uu burburay taliskii Dimishiq,hogaamiyaha Mucaaradka Hubeysan Axmed AL-sharci laguna naaneyso Abu Maxamed AL-Goolaani ayaa ku dhawaaqay in AL-Jalaali uu hogaamin doono waaxyaha iyo Hayadaha dalka Suriya inta lagu guda jiro xilliga kala guurka.
ISHA-AL-XURA.
RW-MAXAMED JALAALI OO SHEEGAY IN LA BADBAADIYO…
(SAWIRKA)-RW-MAXAMED GAAZI AL-JALAALI.
(DIMISHIQ)-Xaalka dalka Suriya ayaa hadda u muuqdo mid faraha ka sii baxaayo una jiheystay dagaal dad fara badan ey ku hoobtaan bacdamaa Xoogaga dalkaasi isku hayaa ey wada yihiin kuwa kala aragti duwan. Reysal Wasaaraha dalka Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali oo cod soo duubay ayaa waxa uu soo dhigay Bartiisa Facebook-ga,waxa uuna cinwaan uga dhigay”Waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno Hogaan kasta oo ey doortaan dadku”. RW-Maxamed AL-Jalaali ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in la kaashado hogaan kasta oo lagu wareejinaayo Awooda dalka iyadoo kooxaha hubeysan ey ku dhawaaqeen bilawga gelitaanka caasimadda Dimisihiq. RW-AL-Jalaali,waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook waxa uuna yiri”Dalkaan waxa uu noqon karaa dal caadi ah,Wadan Xiriir wanaagsan la yeesha jaarkiisa iyo caalamkaba,balse arrintani waxay ku xiran tahay hogaan kasta oo ey shacabka Suriya doortaan, waxaan diyaar u nahay inaan kaashano si aan u helno dhammaan tasiilaadka suuragalka ah. Reysal Wasaaraha Suriya Maxamed Gaazi AL-Jalaali ayaa intaas ku daray “Dhammaan hayadaha dawladda Suriya waa in la ilaaliya,anigu ma jecli wax xil ah ama faa’iido ah”. Reysal Wasaare AL-Jalaali ayaa intaas raaciyey”Hogaan kasta oo ey doortaan Suuriyiinta,waanu la shaqeyn doonaa”. Hadalkaan ayaa u muuqda in Xukuumaddii Suriya ee uu Hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad iney meesha ka baxday ka dib markii uu ku socday dagaal muddo ka badan 13-sano oo xiriir ah. Madaxweyne Bashaar AL-Asad ayaan weli la hayn hadalkiisa balse waxa ey u eg tahay inuu gaaray magaaladda Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq bacdamaa halkaasi ey ka jirto Xukuumad gacan saar fiican la leh dalka Iraan oo ah dalkii Bashaar AL-Asad soo garab taagnaay tan iyo sannadkii 2011-kii oo ah waqtigii uu dhacay kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta.
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.
SURIYA: XUKUUMADII BASHAAR AL-ASAD OO DHACDAY.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA ISBAHAYSIGA SURIYA.
(DIMISHIQ)- DEG DEG:War deg deg ah oo hadda soo baxay ayaa sheegaayo in in lariday dawladdii uu hogaaminaayey Madaxweyne Bashaar AL-Asad,hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Madaxa Isbahaysiga Qaran ee dalka Suriya Haadi AL-Bahra ayaa Tv-ga AL-Carabiya iyo AL-Xadath u sheegay in la riday Madaxweyne Bashaar AL-Asad. ALBahra oo shacabka Suriya kala hadlaayey TV-ga AL-Carabiya iyo AL-Xadath ayaa yiri”Waxaan idiinku bishaareynayaa Riditaanka Nidaamka Bashaar AL-Asad”. Madaxa Isbahaysiga Qaranka Suriya ayaa intaas ku daray”Xaaladu waa amaan,mana jirto meel looga guto amaba looga aargoosto”,waxa uu intaas ku daray Bahraan”Maxaabiista waxaa laga soo daayey Xabsiyadda Cadra’a iyo Seydanaaya”.
ISHA-AL ARABIYA.
MUCAARADKA SURIYA OO KU SII SIQAYA DIMISHIQ.
(SAWIRKA)-CAASIMADDA DIMISHIQ.
(DIMISHIQ)-Laba ilo wareed oo ka tirsan Mucaaradka Suriya ayaa sheegay in xoogaga kooxaha Mucaaradka ey bilaabeen iney gudaha u galaan magaaladda caasimadda ah ee Dimishiq iyadoo aaney jirin wax calaamad ah oo muujinaayo in ciidamadda caadiga ah la geeyey magaaladda Dimishiq. Dadka degaanka ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay maanta oo Sabti ah iney maqleen rasaas xoogan oo ka dheceysa bartamaha magaaladda Dimishiq,halka Wakaaladda Wararka ee France-Press oo soo xiganeysa ilo ku dhaw Ururka Xizbullahi ey u sheegeen in kooxdaan ey xubnohoodii ey kala bexeen agagaarka caasimadda Suriya ilaa laga gaaraayo xuduudka dalka Lubnaan iyo Xeebaha Suriya. Ilo wareedyo ku dhaw Ururka Xizbullahi ayaa sheegay in “Xisbigu uu ku amray dagaalyahanadooda saacdihii ugu dambeeyey iney isaga baxaan degaanada Xumus,qaarkood waxa ey u jiheysteen dhanka Laadiqiya,qaar kale waxa ey aadeen dhanka Gobolka Hermel ee dalka Lubnaan”agagaarka Dimishiq.
ISHA-AD.
MUCAARADKA SURIYA OO QABSADAY XUMS.
(SAWIRKA)-MALEESHIYAAD SURIYA.
(XUMS)-Kooxaha Mucaaradka dalka Suriya ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqay iney gudaha u gelayaan magaaladda Xums ee bartamaha Suriya waane magaaladda seddexaad ee ugu weyn dalka Suriya,Mucaaradka ayaa bilaabay iney isku fidiyeen xaafadaha magaaladda,marka lagu darro iney Xabsiga Ciidamadda ee ku yaalo Waqooyiga magaaladda ey ka sii daayeen ilaa 3-kun oo Maxbuus kuwaaso aan la aqoon waxa ey ahaayeen eyna dhici karto iney yihiin DAACISH. Qoraal uu soo dhigay Barta Telegaraamka Xasan C/qani oo ah hogaamiye ka tirsan kooxaha Mucaaradka ayaa sheegay in “Hadda ey jiraan duulaan lagu soo galay xaafadaha magaaladda oo isku diyaarinayaan iney ku dhawaaqaan in gebi ahaan la xureeyey”. Qoraalkiisa ayuu raaciyey iney kooxuhu awoodeen iney xabsiga ka sii daayaan in ka badan ilaa 3500-Maxbuus,kuwaaso ku jiray Xabsiga ey leeyihiin Ciidmadda Suriya’.
ISHA-AH.
DAGAALKA DALKA SURIYA OO GALAY XAALAD ADAG.
(SAWIRKA)-DIYAARADIHII EY KA CARAREEN CIIDAMADA SURIYA.
(DIMISHIQ)-Xoogaga Mucaaradka dalka Suriya ayaa ku dhawaaqay inuu bilawday hawlgalkii ey ku hareereyn lahaayeen magaladda Caasimadda ah ee Dimishiq xilli la sheegaayo in Mucaaradku ey ku sii siqayaan baadiyaha magaaladda caasimadda ah ee Dimisihiq. Horumarkaan ey ku talaabsadeen Mucaaradka Suriya ayaa yimid ka dib markii Mucaaradka Suriya ey qabsadeen Koonfurta magaaladda Darca’a iyo Suweyda iyadoo maamulka Suriya uu sii wado inuu ciidamadiisa kala baxo guud ahaan dalka. Dagaalyahanada Mucaaradka dalka Suriya ayaa ka soo horjeedo nidaamka Darca’a jimcihii ka dib markii laga qabsaday Xama’a khamiistii iyadoo maleeshiyaad Durus-ka ee ka soo horjeedo ey sidoo kale hubka qaadeen nidaamka Suweyda ee deriska la ah. Si la mid ah Koonfurta dalka Suriya,dawladda Suriya ayaa isaga baxday Bariga Suriya,iyagoo isaga tegay magaalooyinka Deer AL-Zuur iyo Abu Kamaal iyo sidoo kale saldhiga ku yaalo Xaskah iyo Qamshili oo loo gacan geliyey xoogaga Kurdiyiinta ee Dimuqaraadiga ah ee Suriya. Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Xomsi,Taliska iyo xulafadiisa Ruushka ayaa qaaday weeraro madaafiic ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah,waxa eyna la beegsadeen xoogaga Mucaaradka Suriya,waxaane weeraradaasi ku dhintay ugu yaraan 120-Qof sida uu sheegya TV-ga The New Arab ee taabcsan Suriya TV.
ISHA-AN.
BASHAAR ASAD OO CODSADAY KAALMO MILETERI.
(SAWIRKA)-BASHAAD ASAD IYO AL-SUDANI.
(SYRIA)-Wargayska AL-Carabi AL-Jadeed qeybtiisa Carabiga ayaa ku warantay in Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar AL-Asad uu dalbaday hub casri ah iyo suurtagalnimada in la geeyo gudaha dalka Suriya ciidamadda qalabka sida ee Ciraaq si ey gacan uga geystaan iska caabinta dagaalyahanada mucaardak ee dhawaan la wareegay gacan ku haynta dhawr magaalo oo waa weyn oo Suriya ah. Sida lagu sheegay warbixinta AL-Carabi, AL-asad shaqsi ahaan waxa uu u codsaday in la caawiyo mar uu telefoonka kula hadlay Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq. Dhankooda,dhawr Xildhibaan oo Ciraaqi ah ayaa sidoo kale si cad u beeniyey wararka sheegaayo in Baarlamaanka dalka Ciraaq uu ogolaaday in faragelin ciidan lagu sameeyo dalka Suriya si ey taageeraan nidaamka AL-asad ee ka dhana ah horumarka xoogaga mucaaradka. Khilaafkan ayaa iftiimiyey doorka Baqdaad colaadaha deriskeeda,waxa uuna banaanka soo dhigay kala qeybsanaanta ka dhex jirta siyaasadda dalka Ciraaq.
ISHA-AN.
ISRA’IIL OO XABSIGA KA SII DEYSAY 34-QOFOOD OO…
(SAWIRKA)-XABSIGA ISRA’IIL.
(GAZA)-Isra’iil ayaa sii deysay 34-Maxbuus oo reer Falastin ah kuwaaso ku xirnaay Waqooyiga Marinka Gaza khamiista maanta ah,Maxaabiista ayaa waxaa ka muuqday Jirdil,Tabar Darri iyo daal fara badan. Maxaabiista ayaa la keenay Isbitaalka Gaza ee Yurub ee Khaan Yoonis ee dhaca Koonfurta Marinka Gaza ka dib markii laga sii daayey xadka Kerem Shalom,sidaas waxaa sheegay ilo caafimaad. Warku wuxuu sheegay in kooxaha caafimaadka ey isla markiiba ey bilaabeen baaritaano caafimaad oo lagama maarmaan ah iyo sidii daryeel caafimaad oo deg deg ah loogu fidin lahaa Maxaabiista markii ey soo degeen,waxaa la xusay in Maxaabiista iney u muuqdeen kuwa aad u daalan tabar daran isla markaasne aad u daalan,Maxaabiista qaarkoodne waxaa ka muuqday Jirdil. Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta ee Marinka Gaza, Isra’iil waxa ey xirtay in ka badan ilaa 1750-Qofood oo reer Falastiin ah,waxa eyna dadkaasi ka xirtay Waqooyiga Marinka Gaza tan iyo bishii Oktoobar shanteedii.
ISHA-AA.
MARAYKANKA OO ISKA FOGEEYEY DAGAALKA…
(SAWIRKA)-AFHAYEENKA PENTAGON.
(WASHINGTON)-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ee Pentagon-ka Pat Ryder ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay maanta oo khamiis ah si uu uga faalood arrimaha ka soo cusboonaaday dalka Suriya,Pat Ryder ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalka Maraykanka uu sii wadi doono la shaqeynta la hawlgalayaasha sida Xoogaga Dimuqaraadiga ah ee dalka Suriya si loo gaaro hadafka ah in laga adkaado kooxda DAACISH. Pat Ryder oo ka jawaabayey su’aalo la weydiiyey kuna sabsanaay cabsida laga qabo in dagaalka Suriya uu ku sii fido dalka Ciraaq, Pat Ryder ayaa sheegay in fawdada Amni ee ka dhalatay talaabooyinka caburinta ah ee Xukuumadda Madaxweyne Bashaar AL-Asad ey tahay mida keentay in kooxda DAACISH ey ku faafto dalka Ciraaq, sababtaas awadeed Ciidamadda dalka Maraykanka waxay si dhaw ula shaqeyn doonaan Isbahaysiga Caalamiga ah si looga hortago soo noqoshada kooxda DAACISH.
ISHA-ALHURRA.
XILDHIBAANO KA HORYIMID IN IMAARAATKA…
(SAWIRKA)-BIDEN IYO MAXAMED ZAYID.
(WASHINGTON)-Laba Xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqaraadiga dalka Maraykanka ayaa warqad digniin ah u diray Madaxweyne Biden taaso ey ugu sheegeen iney is hortaagi doonaan haddii hub laga iibiyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta kaaso ku eedeysan inuu taageero Xoogaga Taageeradda Deg dega ah RSF ee dalka Suudaan. Xildhibaanada kala ah Chris Van Hollen iyo Sara Jacobs ayaa Biden warqad u diray labadii bishaan Disembar-2024-ka iyagoo uga digay in sharci dejiyeyaashu ey ku baaqi doonaa in loo codeeyo xallinta diidmada hubka weerarka ah ee Imaaraatka laga iibinaayo oo ey ku jiraan Gentaalo lagu qiimeyey ilaa $1.2-Bilyan haddii uusan Biden cadeeyn in Imaaraatku aanuu taageereyn RSF.
ISHA-MEE.
DAGAALKA DALKA SUURIYA OO EY KU DHIMATAY 704-QOF.
(SAWIRKA)-DAGAALKA SURIYA.
(SYRIA)-Dalka Suriya waxa uu ka mid yahay wadamadda Bariga Dhexe ka tirsan ee uu ka dhacay Kacdoonka sannadkii 2011-kii balse ma uusan noqon sida Yeman oo kale, waxa uuna isu bedelay dagaal daba dheeraaday oo socda ilaa hadda 2024-ka. Dagaalka dalka Suriya ayaa waxaa ka abuurmay kooxo la magac baxay iney yihiin Mucaaradka Dawladda Suriya iyagoo gacan ka helaayo Dawladdo kale,hadaba todobaadkii inag tegay waxaa dalka Suriya ka qarxay dagaal u dhexeeyo Mucaaradka iyo Dawladda Suriya,tirada dhimashada ee ka dhalay weeraradda Mucaaradka Hubeysan ee Suriya ee ka bilawday Waqooyi-Galbeed dalkaasi todobaadkii hore ayaa gaartay ilaa 704-Qofood oo ey ku jiraan 110-Qofood oo Rayid ah sida uu sheegay Kormeeraha dagaalka sokeeye ee dalka Suriya oo hadda 13-sano jiraday. “Dhimashada waxa ey gaartay 704”ayey tiri kooxda la socodka Xuquuqda Aadanaha ee dalka Suriya ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriska. Kooxda ayaa intaa raacisay in dadka dhintay ey kala yihiin 361-dagaalyahan oo ka tirsan Mucaaradka hubeysan ee Suriya, 233-Ciidamadda Dawladda Suriya ah iyo 110-Qofood oo Rayid ah.
ISHA-AFP
XARAKADDA XAMAAS OO SOO SAARTAY BAYAAN.
(SAWIRKA)-LA HAYSTAYAASHA ISRA’IIL.
(GAZA-FAL)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegayo in Xarakadda Xamaas ey maanta oo Arbaca ah ey soo saartay Bayaan ku saabsan la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jiro gacantooda kuna suga gudaha Marinka Gaza. Xarakadda Xamaas ayaa sheegtay iney hayso xog ku saabsan in Isra’iil ey dooneyso iney sameyso hawlgal lagu soo furanaayo la haystayaasha mid la mid ah hawlgalkii lagu smaeeyey Xeradda Nuseyraat ee Marinka Gaza bishii June-2024-ka,waxa eyna Xarakadda Xamaas ku hanjabtay iney dhexdhexaad ka noqon doonto hadii hawlgalkaan oo kale uu dhaco,sida lagu sheegay bayaan gudaha ah oo ey aragtay Wakaaladda Warara ee Reuters maanta oo Arbaca ah(4/12/24)-ka. Bayaanka gudaha ee ku taariikheysan 22/11/24-ka, Xarakadda Xamaas waxay u sheegtay hawlwadeenadeeda ineysan ka fiirsan wax cawaaqib ah oo ka dhallan kara raacitaanka awaamiirta waxayna sheegtay Xarakadda Xamaas in Isra’iil masuul ka tahay masiirka la haystayaasha. Xarakadda Xamaas ma eysan sheegin xilliga la filaayo in wax hawlgal ah ey Isra’iil sameyso uu dhacaayo. Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa soo bilawday 7/10/2023-kii,waxa uuna hadda marayaa maalintiisii 424-aad,waxaane ku dhintay dad garaayo ilaa 44,532-qof una badan Dumar iyo Caruur, waxaane ku dhawacmay dad gaarayo ilaa 105,538-qof halka la la’ayahay ilaa hadda dad gaaraayo ilaa 100-kun oo qofood. Weerarada Isra’iil ee dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 30-qofood waxaane ku dhaawacmay dad dhan ilaa 84-qofood, waa sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza.
ISHA-AA.
WIIL GUBAY KITAABKA QURAANKA OO LA XUKUMAY.
(SAWIRKA)-WIIL GUBAY KITAABKA ALLE.
(CHECHEN-REP)-Waxaa lagu helay dembi ah inuu “Gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah”waxaane lagu xukumay seddex sano iyo bar oo xarig ah. Wadooyinka Maxkamada hareeraheeda ah ayaa lagu soo bandhigay wiilkaan gubay Kitaabka alle waane la garaacay isagoo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii Ruushka raacsanaay ee reer Jejniya. Dabadeed si lama filaan ah ayaa waxaa uu soo baxay xukun cusub oo lagu xukumaayo wiilkaasi Gubay Kitaabka alle,waxaane lagu xukumay 13-sano iyo bar xariga ah iyo eedeynta ah Khiyaano Qaran. Waxaas oo dhan waxa ey dheceen sagaal bilood gudahood oo ka bilaabmaysa nolosha 20-jirkaan Ruushka ah ee dhallinta yar lana yiraahdo Nikita Zhuravil,inta u dhexeysa xukunkii horeeyey ee dhacay bishii Feberaayo iyo xukunka labaad ayaa ah kuwa aan xiriir lahayn sababtii loo xiray todobaadkii hore.
ISHA-AL HURRA.
BARAKAC XOOGAN OO KA JIRA GUDAHA YEMAN.
(SAWIRKA)-BRAKACAYAAL YEMENIYIIN AH.
(SANA’A)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamada Carbeed ee uu ka dhacay Kacdoonka sannadkii 2011-kii,waxaane xukunka laga tuuray AUN-Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax kaso dalka Yeman soo xukumaayey muddo aad u dheer balse wax weyn u qabtay dalkiisa iyo dadkiisa intuu joogay Xukunka,tusaale ahaan dalka Yeman waxa uu qeybsanaay laba qeybood oo waa weyn kalana ahaa Yemanta Waqooyi oo ey caasimadooda ahayd Sanca iyo Yemanta Koonfureed oo ey caasimadeeda ahayd Cadan. Labada dal ayaa midoobay taariikhdu markeey ahayd 22/5/1990-kii,waxa eyna la bexeen magaca ah JAMHUURIYADDA YEMAN oo ey caasimadeedu tahay SANCA. Kacdoonkii waxaa ka faa’iideystay kooxda Xuutiyiinta oo hadda haysta dalka Yeman intiisa badan,kooxdaan ayaa sababtay in dad fara badan oo Yemeniyiin ahi ey isaga tagaan guryahoodii ku yiilay dhinaca Waqooyi una wareegaa dhinaca Koonfureed ee dalka Yeman halkaaso ey ka jirto cimilo aad uga duwan tan ka jirto Waqooyiga oo waa meel aad u kulul sannadka intiisa badan. Hadaba dagaalka Xuutiyiinta ayaa Yeman waxa uu u sababay waxyaabo fara ey ka mid yihiin Barakac iyo Shaqo la’aan baahsan kana jirta Goobaha ey xukumaan ee u badan Waqooyiga dalka Yeman. Hayadda Qaramada Midoobe Socdaalka ee IOM ayaa ku dhawaaqday in, in ka badan 20-kun qofood ey ku barakaceen gudaha dalka Yeman tan iyo bilawgii sannadkan 2024-ka. Hayadda IOM warbixin ey soo saartay Isniinta maanta ah ayey ku sheegtay iney kormeer ku sameysay 3411-Qoys oo ka kooban 20,466 qof kuwaaso barakacay ugu yaraan hal mar,mudadii u dhexeysay 1/1/2024-ka ilaa 30/11/2024-ka. Warbixinta Hayadda IOM waxa ey intaas ku dereysaa in inta badan qoysaska barakacayaasha ah tan iyo sannadkan-2024-ka laga diiwaan geliyey Gobolka Ma’arib waxaa ka baracakay 1,506-qoys oo ey ku jiraan 9,036-qof,waxaane ku xiga Gobolka Xudeyda ey ka barakaceen 799-qoys,eyna ku jiraan 4,794-qof, ka dib Gobolka Ticis waxaa ka barakacay 762-qoys oo ey ku jiraan 4,572-qof iyo Gobolka Laxji oo ey barakeceen 281-qoys oo ey ku jiraan 1,686-qof iyo Gobolka AL-Daalic oo ey ka barakaceen 50-qoys ey ku jiraan 300-qof marka lagu daro 8-qoys oo ka barakacay Gobolka Shabwa kana kooban 48-qof iyo 5-Qoys oo reer Xadarmuuta ah kana kooban 30-qof. Hayadda IOM ayaa sheegtay in dadkaan barakacay ey 55% u barakeceen sababo dhaqaale halka 45% ey barakeceen sababo Amni.
ISHA=SUUQBACAAD MEDIA.
XUUTIYINTA OO WEERARAY MARAAKIIB DAGAAL OO MARAYKANKA..
(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL.
(YEMAN)-Maanta oo Isniin ah,Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka CENTCOM ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadooda ey iska caabiyeen weerar hubeysan oo ey ku soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,weerarka ayaa lala beegsaday laba ka mid ah Maraakiibta wax burburisa ee dalka Maraykanka xilli ey maraayeen Gacanka Cadmeed Koonfurta dalka Yeman. Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka CENTCOM bayaan ey soo saareen kuna daabaceen Bartooda (x) ee horay loogu yaqiin Twitter ayaa u qornaa sidan:”Laba Markab oo kuwa wax burburiya ah eyna iska leeyihiin Ciidamadda Badda ee Maraykanka kalana ah USS STOCKDALE iyo USS O’KANE ayaa iska caabiyey weerar Hubeysan ey soo qaadeen kooxda Xuutiyiinta waqti ey maraayeen Gacanka Cadmeed intii u dhexeysay 30/11/24-ka ilaa 1/12/24-ka”. Bayaanka CENTCOM ayaa intaas raaciyey “Labada Markab ee wax burburiya ayaa la socday seddex markab Ganacsi ey iska leedahay dawladda Maraykanka,uuna ka dul babanaayo calanka Maraykanka”,weerarkaan ayuu Taliska Dhexe ee Maraykanka ku sheegay inuu yahay mid aan ka fiirsi lahayn,isagoo Talisku uu xusay in “aanu wax khasaara ah ka soo gaarin dadka Rayidka ah amaba Maraakiibta”. Taliska Dhexe ee Ciidamadda Maraykanka ee CENTCOM ayaa sheegay in labada Markab ee wax burburiya ey ku guuleysteen iney iska caabiyaan seddex Gentaal oo nuuca Balaastikada ah,Seddex diyaaradood oo ah nuuca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah iyo hal Gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta,Taliska ayaana xaqiijiyey bad qabka iyaga iyo shaqaalahooda iyo sidoo kale Maraakiibta rayidka ah(Ganacsiga) iyo shaqaalahooda. Shalay oo Axad ahayd ayey kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan sheegeen iney beegsadeen Maraakiib uu leeyahay Maraykanka kuwaaso ah kuwa wax Burburiya iyo seddex Markab oo ey galbinaayeen,waxa eyna Xuutiyiintu sheegeen iney ku weerareen16-Gentaal oo ah nuuca Balaastikada iyo kuwa baalasha leh ee Drones-ka,Maraakiibta ayaa mareysay Badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed,sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka Mileteri ee Xuutiyiinta Yaxye AL-sariic.
ISHA-MO.
SURIYA IYO IRAAN OO KA WADA HADLAY DAGAALKA.
(SAWIRKA)-MADAXTOOYADDA SURIYA.
(DIMISHIQ-SYR)-Ka dib markii uu la kulmay Madaxweynaha dalka Suriya Bashaar AL-Asad, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan ayaa u sheegay Wargayska AL-Caraby AL-Jadeed in kulanku ahaa mid wanaagsan oo aad muhiim u ah,wuxuuna intaas ku daray in wada hadaladii uu la yeeshay Madaxweyne Bashaar AL-Asad ey ahaayeen kuwa daacad ah oo saaxibtinimo,wuxuuna cadeeyey in dalka Iraan ey taageerto dalka Suriya xasiloonideeda iyo Amnigeeda kana hortagto “Argagixisadda”. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iraan Cabaas Caraaqji ayaa caawa fiidkii gaaray magaaladda caasimada ah ee Dimishiq ee dalka Suriyasi uu ula kulmo Madaxda dalka Suriya si uu ugala hadlo xaaladihii ugu kululaa ee dalka Suriya ka dib weeraro baahsan oo ey mucaaradka Suriya ku qaadeen Waqooyiga. Ka dib markii Cabaas Caraaqji uu soo gaaray magaaladda Dimishiq isagoo uu wehliyo dhigiisa Suriya Basaam AL-Subaac, waxa ey u tageen lana kulmeen Madaxa Xukuumadda Suriya Bashaa AL-Asad iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Waqooyiga Suriya, xiriirka labada dal iyo Arrimaha Gobolka.
ISHA-NA.
XARAKADDA XAMAAS IYO MASUUULIYIINTA MASAR OO KA…
(SAWIRKA)-KHALIIL XAYEH.
(QAHIRA)-Ilo Xog-ogaal ah oo Masaari ah ayaa Wargayska AL-Caraby AL-Jadeed daaha uga qaaday in magaaladda Qaahira uu ka furmay shir u dhexeeyo Wafdi ka socod Xarakadda Xamaas iyo Masuuliyiin reer Masar ah iyadoo uu goobjoog ka ahaa S/Gaas.Xasan Rashaad oo ah Madaxa Hayadda Sirdoonka dalka Masar. Ilahaan oo diiday in magacooda loo isticmalo warbaahinta ayaa sheegay in kulankii u horeeyey oo ey yeesheen Wafdiga Xarakadda Xamaas ee uu Hogaaminaayo Khaliil AL-Xayah iyo Sirdoonka dalka Masar uu bilaabmay gelinkii dambe ee maanta oo Axad ah. Wuxuu intaas ku daray qofka u hadlay Wargayska,in Wafdiga Xarakadda Xamaas ey shalay gaareen magaaladda Qaahira ee dalka Masar,iyagoo maanta bilaabay kulamo looga hadlaayo qodobo khuseeyo Xabad Joojinta Marinka Gaza. Shalay ayuu Afhayeenka rasmiga ah ee Xarakadda Jihaad AL-Islaami Taaha oo la hadlay Wargayska AL-Caraby AL-Jadeed sheegay in socdaalka Wafdiga Xarakadda Xamaas uu ku yimid dadaal iyo dadaalo ey dhex-dhexadiyeyaashu ku doonayaan in lagu soo afjaro gardaradda ka dhanka ah shacabka reer Falastiin ee ku sugan Marinka Gaza.
ISHA-NA.
5-SOOMAALI AH IYO HAL ITOOBIYAAN AH OO KU DHINTAY….
(SAWIRKA)-AMBULANCE.
(QAHIRA-EGY)-Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha Bulshada ey Soomaalidu ku sheekeysato waxaa lagu hadal haayey Qoys Soomaaliyeed oo Meydadkooda laga helay Guri ey deganaayeen,dadka dhintay ayaa lagu sheegay iney dhan yihiin ilaa lix qofood balse Wargaysyada dalka Masar oo arrinkaan ka hadlay ayaa sheegay in Lix qofood oo dhalashadooda tahay Afrikaan meydadkooda laga soo helay Guri ey degaanyeen kaaso ku yaalo xaafadda NASR CITY ka dib markii ey ku neef qabtoomeen Gaas. Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Masar ayaa isla markiiba bilaabay baaritaan la xiriiro shilka dhacay waxa eyna ku wargelisay Safaaradaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya iney isku duba ridaan nidaamka sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah. Meydadka waxaa loo gudbiyey qolka meydadka ee Zein Home halkaas oo lagu marsiinaayo nidaamka sharciga ah ee laama maarmaanka ah ka hor inta aan lagu wareejin Wakiiladda labada Safaaradood si loogu diyaariyo ogolaanshaha Aaskooda. Baaritaanka la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka dhintay ey ahaayeen Qoys Soomaali ah oo dhan kana koobanaa aabe,Hooyo,Laba Caruur ah iyo shaqsi kale oo Soomaalia iyo oday Itoobiyaan oo ey kuwada sugnaayeen gudaha Guriga intii uu Gaaska ka baxaayey. Sida laga soo xigtay Warbaahinta Masar dadka dhintay waa Lix Qofood kuwaaso shan ey yihiin Soomaali halne uu yahay Itoobiyaan,waxaane dadka dhintay ka mid ahaa laba Canug oo yar-yar.
ISHA-WAKAALADO.
XUUTI SAAXIBADIIS U DILAY WAX KA YAR LIX DOOLAR.
(SAWIRKA)-HORJOOGE SALAAMI.
(SANA’A-YE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Sanca ee dalka Jamhuuriyadda Yeman ayaa sheegaayo in la dilay afar ka mid ah Maleeshiyaadka Xuutiyiinta lana dhaawacay laba kale maanta oo Sabti ah,weerarka dadkaan lagu dilay qaarne la dhaawacay ayaa waxaa geystay Horjooge ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman kaaso ku sugnaay goob loo dalxiis tago kuna taalo Sanca ka dib muran ka dhashay lacago dhaqaale. Ilo wareedyo degaanka ah oo u waramay warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegay in afar ka tirsan Ciidamadda Badbaadada Xuutiyiinta la dilay lana dhaawacay laba kale,rasaas uu furay Horjooge Xuutiyiin ah oo lagu Naaneyso”AL-salaami”kaaso ku sugnaay goob loo dalxiis tago dad badane ey ku sugnaayeen. Warku waxa uu intaas ku daray in falkani uu yimid ka dib markii uu ka soo laabtay fal ey kooxdaasi soo qaban qaabisay oo ka dhacay fagaaraha “Sabciin”halkaasi oo uu ka dalbaday lacago dhan qiyaastii 1,500-Riyaalka Yeman ah balse ey diideen iney bixiyaan,maadaam uusan ka qeyb qaadan xil wareejinta. Goobtaas ey masuul ka ahaayeen ilaalinteeda. Ilo wareedka ayaa sheegay in jawaabtaasi ey ka careysiisay horjoogaha Xuutiyiinta ee rasaasta furay eyna ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac,waxa eyna xuseen in dembiilaha inuu ka codsaday kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay iney ka qeybgalaan xafladda,balse ey ka biya diideen. Wararka ayaa intaas ku daray in falkaasi ka dib ey goobta soo gaareen Ciidamo badan oo isugu jira Culimo iyo Taliyeyaal ciidan,kuwaasi oo isku dayey iney xakameeyaan xaaladda kacsan,waxa eyna balan qaadeen in dembiilaha loo gudbin doono Maxkamad deg deg ah,isla markaasne lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday laba todobaad. Dhankooda culumaa’udiinka iyo Culimada Beesha Bani Madhar ey ka soo jeedaan dadka la laayey ayaa waxay ka dalbadeen in dembiilaha loo soo gudbiyo Garsoorka,Maxkamadne lagu soo taago Muddo cayiman.
ISHA-MO.