IRAAN OO KA HADASHAY WEERARKII ISRAA’IIL EE SHALAY DHACAY.
(SAWIRKA)-AFARTII ASKERI EE IRAN UGA DHIMATAY WEERARKII ISRAEL.
(TEHRAN-IRAN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Iraan ee Tehran ayaa sheegaaayo in Iraan ey dalka Maraykanka ku eedeysay inuu ku lug lahaay weerarkii Israa’iil ey ku qaaday dalka Iraan qeybo ka mid ah shalay oo sabti ahayd. Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Iraan Cabaas Araghchi ayaa ku eedeyey xukuumadda Washington iney siisay Israa’iil marinadda hawada ee hawlgaladda hawada Israa’iil. “Maraykanku si cad ayuu uga qeyb qaatay weerarkii Sabtida dhaca”ayuu yiri Wasiir Cabaas mar uu waraysi siinaayey Tv-ga Dawladda Iraan maanta oo Axad ah. “Maraykanku waxa ey siiyeen marin hawada ah ciidamadda cirka ee Sahyuuniyadda,qalabka difaaca oo ey u soo direena waxaa loo arkaa nuuc ka mid ah ku lug lahaanshaha hawgaladii dhawaa”ayuu raaciyey hadalkiisa Wasiira Cabaas,isagoo sheegay in ka qeybgalka Maraykanka ey si buuxda u cadahay. Wasiir Cabaas isagoo ka hadlaayey ka falcelinta caalamiga ah ee weerarkii Israa’iil ku qaaday dalka Iraan shalay ayuu yiri’Heerka Cambaareynta caalamiga ah ee falkaan gardarada ah ee hayadda Sahyuuniyadda waxay ahayd mid aad u sareyso”. Israaa’iil ayaa Sabtidii sheegtay iney weerar afar saacadood qaatay ey ku qaaday dalka Iraan,iyadoo Tehraan ey sheegtay iney si guul leh uga hortagtay”isku dayo ey sameyeen hayadaha Sahyuuniyadda oo ey ku doonayeen iney ku weeraraan meelo ka mid ah Tehran iyo dalka oo dhan”,sida laga soo xigtay Mileteriga Iraan weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay ilaa afar askeri. Weerarka ey Israa’iil shalay qaaday ayaa daba socdo weeraradii Iraan ey ku qaaday Israa’iil eyna ku gentay ilaa 180-Gentaal dhulka Israa’iil horaantii bishaan Oktoobar-2024-ka,weerarkaas ayey dawladda Iraan ku tilmaantay ‘Aargoosi”la xiriira dilalkii loo gaystay hogaamiyeyaashii sare ee kooxaha Xamaas iyo Xizbullahi,waxayna dawladda Iraan horay uga digtay in weerar kasta oo Israa’iil ku qaado Iraan iney la kulmi doonto “Jawaab adag”.
ISHA-AA.
XASUUQ KA DHACAY DALKA SUUDAAN.
(SAWIRKA)-SUUDAAN.
(KHARTUM)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suudaan ee Khartum ayaa sheegaayo iney korortay tirada dadka ey xasuuqeen ciidamadda taageerada deg dega ah ey ka geysteen Gobolka AL-Jaziira ee bartamaha dalka Suudaan,iyadoo ey jiraan tiro dhimasho iyo dhaawac ah aan weli la xaqiijin. Xasuuqii ugu dambeeyey ayaa waxa uu ka dhacay Tuulada AL-Sarixa ee Waqooyiga Gobolka AL-Jaziira taaso qiyaas ahaan u jirta 80-kiilomitir magaaladda caasimadda ah ee Khartum,ka dib markii ciidamo gurmad ah ey ku fureen rasaas hub fudud iyo mid culus isugu jira,halkaas oo ey ku dileen dad gaaraayo ilaa 124-Qofood eyna ku dhaawaceen tiro kale oo dad ah. Ciidamadda RSF-ta ayaa xiray ilaa 150 qofood oo shacab ah sida uu sheegay qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta madaxa banaan isagoo doorbiday inaan magaciisa la sheegin. Dhimashada ayaa noqoneysa tii ugu badneed ka dib dhacdadii xasuuqa ahayd ee ka dhacday Tuuladda Wad AL-Nuur ee Galbeedka Gobolka AL-Jazeera bishii Luuliyo ee la soo dhaafay. Todobaad ka hor ayey ahayd markii Ciidamadda Taageerada deg dega ah(RSF) ey bilaabeen olole ey ku sheegeen iney kaga aargoosanayaan seddex magaalo oo ka tirsan Gobolka AL-Jaziira iyo in ka badan sodon Tuulo oo ka tirsan Gobolka Bari iyo Waqooyi ee maamulka AL-Jaziira,ka dib markii Abu Caqla Kikeyl oo gacansaar la lahaay Bariga AL-Jaziira uu ka goostay RSF-ta kuna biiray ciidamadda dawladda Suudaan. Olole aargoosi ah ayaa ka bilawday magaaladda Timbool halkaaso tirada dadka lagu dilay ey gaareyso ilaa 200-Qofood oo rayid ah,sidoo kalane waxaa Tuulooyin kale lagu dilay dad kale kuwaaso tiradooda aan si sax ah weli loo helin,waxaane u sabab ah go’itaanka Isgaarsiinta Gobolka AL-Jaziira oo go'oneed tan iyo bishii Feberaay-2024-ka.
ISHA-NA.
236-QOFOOD OO LAGU TOOGTAY SACUUDIGA.
(SAWIRKA)-ASKERI SACUUDIYAAN AH.
(LONDON)-Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa wajahaayo dhaleeceyn isdaba joog ah oo ku saabsan adeegsiga xad dhaafka ah ee ciqaabta dilka ah inkasto uu balan qaaday dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan in ka badan laba sano ka hor oo ku saabsan dhimista tirada dilalka ee dalka Sacuudiga,sida dadka u ololeeyo iyo difaacayaasha Xuquuqda Adanaha ey sharaxayaan waxa ka dhacaayo dalka Boqortooyada Sacuudiga ee ku yaalo Khaliijka. Arbacadii shalay ahayd, Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in masuuliyiinta dalka Sacuudiga ey todobo qofood ey ku jiraan shan qofood oo lagu helay iney si sharci dara ah ku galeen Boqortooyadda Sacuudiga ey dil toogasha ah ku fuliyeen,taaso ka dhigaysa tirada xukunada dilka ah ee sannadkaan laga fuliyey Boqortooyada Sacuuiga ilaa 236,sida ey sheegeen hayadaha u dooda Xuquuqda Adanaha. Sida lagu sheegay tirakoob uu soo saaray Urur u dooda Xuquuqda Bani’adamka ee fadhigiisu yahay Yurub ayaa kiisaska dilka ah kana dhacay Sacuudiga iney ku jiraan 137-Qofood oo Mawaadiniin Sacuudi ah,18-Qofood oo Bakistaaniyiin ah iyo 13-Qofood oo Yamaniyiin ah. Kiisaska soo haray waxaa ka mid ah dalalka kale oo kala duwan oo ey ku jiraan Suuriya,Masar,Urdun,Sudan,Hidiya,Itobiya,Nayjeriya,Sirilanka,Afganistan iyo Filibiin. Kiisaska dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ahaay afar dumar ah,18-kiis oo dad lagu edeeyey kiisas Siyaasadeed iyo 14-kiis oo la xiriira Aragagixisonimo sida uu sheegay Ururka uu fadhigiisu yahay Berlin.
ISHA-AD.
MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY SARKA…
(SAWIRKA)-MARQANI IDIRIS SULEYMAAN.
(WASHINGTON)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu cunaqabateyn ku soo rogay maanta oo khamiis ah Marqani Idiris Suleymaan oo masuul ka ah dadaaladda lagu hubeynaayo Ciidamadda Qalabka Sida ee dalka Suudaan iyo doorka uu ku lahaa heshiisyada ey hubka ku helaysay Xukuumadda Suudaan oo hadda dagaalka kula jirto Xoogaga Taageeradda deg dega ah. Wasaaradda lacagta Maraykanka ayaa sheegtay in Suleymaan uu udub dhexaad u ahaa heshiisyada hubka ee sii huriyey arxandarada iyo baaxadda dagaal,Marqani ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Nidaamka Warshadaha Difaaca(DIS) oo ah qeybta ugu weyn ee wax soo saarka hubka iyosoo iibsiga ee hubka Suudaan. Marqani Suleymaan waxa uu shaqadiisa ka bilaabay Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Qalabka Sida ee Suudaan,waxa eyna isku mar wada qalin jebiyeen Abaanduukiyaha Ciidamadda Suudaan Cabdulfatah AL-Burhani dufcadii 31-aad.
ISHA-AD.
MARAYKANKA IYO QADAR OO KA SHIRAY…
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO ALTHANI.
(DOHA-QATAR)-Caasimadda dalka Qadar ee Dooxa waxaa soo gaaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken,waxa uuna ku dhawaaqay in dalkiisa iyo Israa’iil ey dib u bilaabi doonaan wada hadalada ku saabsan heshiiska lagu sii deynaayo Maxaabiista u xiran Xarakadda Xamaas iyo xabad joojin rasmi ah oo ka dhacda Marinka Gaza maalmaha soo socdo iyadoo aan la cayimin taariikhda. Waxaane magaaladda Dooxa ee dalka Qadar shir Jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay Reysal Wasaaraha dalka Qadar isla markaasne ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Md.Sheekh Maxamed C/raxmaan AL-Thani,waxa uuna sheegay inuu dib u bilaaban xiriirkii ey la lahaayeen Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas ka dib dilkii Yaxye AL-Sinwa,waxa uuna RW-AL-Thani carabka ku adkeeyey isla waqtigaas. Wadada lagu soo gabagabeynayo heshiiska xabad-joojinta ayaa ah mid adag mana jiro wax isbedel ah. Masuul reer Qadar ah oo dalkiisu door muhiim ah ka qaatay dhexdhexaadinta Xarakadda Xamaas iyo Israa’iil iyagoo garab ka helaayo dalka Masar ayaa ka digay in guusha doorkaan ey ku xiran tahay wadashaqeynta labada dhinac ey khuseyso wada xaajoodka.
ISHA-AD.
XARAKADDA XAMAAS OO YEELATAY GOLE CUSUB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYIHII GEERIYOODAY EE XARAKADDA XAMAAS YAXYE AL-SINWAR.
(GAZA)-Xarakadda Xamaas waxa ey go’aansatay iney dhisto Gole Hogaamineed oo uu dhaqdhaqaaqu yeelanaayo halkii ey ka magacaabi lahaayeen Madaxweyna bedela Yaxye AL-Sinwar ilaa doorashada soo socoto. Warbaahinta AL-Carabiya waxay ka ogaatay ilo xog-ogaal ah oo Falastiiniyiin ah in Golaha cusub ee Hogaanka Xarakadda Xamaas uu ka kooban yahay Madaxa Golaha Shuuradda ee Xarakadda inuu yahay Muxamed Darwiish,marka laga soo tago Madaxa Xaraadda ee dibadda Khalid Mashcal,ku Xigeenka Madaxa Xafiiska Siyaasadda Khalil AL-Xayeh,Madaxa Gobolka Daanta Galbeed Zaher Jabarin iyo Xoghayah Arrimaha Sirta ee Xarakadda Xamaas Nizar Cawadallah. Isla ilo wareedyadii la hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijiyey in Golahan cusub la dhisay ka dib dilkii Ismaaciil Haniyah oo uu helay ducadii AL-Sinwaar xilligaas,waxaa la xaqiijiyey in AL-Sinwar uu ku taliyey in Golaha cusub uu sii wato shaqadiisa Hogaaminta iyo Maareynta ee Xarakadda Xamaas haddii isaga la dilo taaso dhacday,inta laga gaaraayo doorashada lagana dooranaayo Hogaamiyeyaasha cusub ee Xarakadda Xamaas. Ilo wareedyada u hadlay warbaahinta AL-Carabiya ayaa xaqiijisay in xubnaha ugu badan Golaha ey ku sugan yihiin dalka Qadar, taasi oo sahlaysa in go’aano la xiriira arrimaha dagaalka laga gaaro. Goluhu wuxuu helay awoodo Istaraatiijiyadeed oo balaaran ka dib dilkii AL-Sinwar,isagoo u fasaxay inuu qaato go’aano muhiim ah oo la xiriira Xarakadda Xamaas ee gudaha iyo dibadda iyadoo la eegaayo Xafiiska Siyaasadda iyo Madaxdii Aasaastay Xarakadda Xamaas.
ISHA-AL-ARABIYA.
CIRAAQ OO DISHAY HOGAAMIYE SARE OO DAACISH AH.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA DALKA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdad ayaa sheegaayo in Hogaamiyihii kooxda Argagixisadda Daacish ee dalka Ciraaq oo ey wehliyaan sideed xubnood oo sar sare ayaa lagu dilay hawlgal Mileteri,sida uu ku dhawaaqay Reysal Wasaaraha Ciraaq AL-Sudaani maanta oo Talaada ah. Reysal Wasaare Maxamed AL-Sudaani ayaa sheegay in Jaasim AL-Mazouri Abu Abdulkader lagu dilay hawlgal ey fuliyeen ciidamadda la dagaalanka Argagixisadda iyo kuwa Nabad Sugidda Qaranka Ciraaq ee hoostaga Taliska hawlgalka Wadajirka ah ee Buuraha Hamriin ee Gobolka Salaaxudiin. Reysal Wasaaraha dalka Ciraaq Mudane AL-Sudani hadal uu soo saaray ayuu ku yiri”Ma jirto meel ey ku sugan yihiin Argagixisada gudaha Ciraaq,waxaan uga daba tegi doonaa meelaha ey ku dhuumaaleysanayaan waane baabi’in doonaa”. Taliska hawlgalka Wadajirka ah bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in hawlgalkaasi uu ahaay mid laga taageeraayey dhanka farsamada iyo xogaha sirta ah ey is dhaafsadeen ciidamadda caalamiga ah.
ISHA-DS.
XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO..
(SAWIRKA)-RW-NETANYAHU IYO WASIIR BLINKEN.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa Talaadada maanta ah ku booriyey Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka faa’iideysto dilka Hogaamiyihii Xamaas Yaxye AL-Sinwar si ey u sii socoto xabad joojinta Marinka Gaza iyo inuu oglaado in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo dadka reer Gaza. In kasta oo Netanyahu uu sheegay inuu kala hadlay Blinken qaabka loo maamuli doono Marinka Gaza xilliga dagaalka ka dib iyo sidoo kale ey ka wada hadleen muhimadda ey leedahay midnimadda si looga hortago “Khatarta Iraan”. Waxaa kaloo intaas uu ku daray RW-Netanyahu inuu Blinken uu ku wargeliyey in dilka AL-Sinwar laga yaabo inuu sameyn wanaagsan ku yeesho soo celinta la haystayaasha reer Israa’iil ee ku jira gacanta Ururka Xamaas.
ISHA-NA
DHIBAATADA DAGAALKA MARINKA GAZA.
(SAWIRKA)-BURBURKA MARINKA GAZA.
GAZA)-Dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee soo bilawday taariikhdu markey ahayd 7/10/2023-kii ayaa hadda waxa uu galay maalintiisii 381-aad,waxaane dagaalkaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 42,718-Qofood una badan Dumar iyo Caruur, waxaane ku dhaawacmay dad dhan 100,282-Qofood, waxaane lagu la’ayahay dad gaaraayo ilaa 11-kun Qofood,hantida ku burburtay dagaalka Gaza ayaa lagu qiyaasay iney dhan tahay ilaa rubac Milyan guri. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Marinka Gaza ayaa shalay oo Isniin ahayd waxa ey shaaca ka qaadayin in in ka badan 250-kun guri ey ku burbureen dagaalka ka socdo Marinka Gaza kaaso soo bilawday 7/10/2023-kii. Bayaan ey soo saartay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Marinka Gaza ayey ku sheegtay in in ka badan 250-kun guri si buuxda loo burburiyey amaba qeyb ahaan taaso ka dhigtay kuwa aan la degi karin. Waxa kaloo ey cadeysay Wasaaradda in in ka badan 80% ey burbursan yihiin wadooyinka Marinka Gaza una baahan yihiin dayactir balaaran oo deg deg ah. Intaas waxaa dheer, inta badan mishinada culculus iyo qalabka Wasaaradda ayaa la bartilmaameedsaday kuwaaso hadda aan shaqeyneyn. Tan iyo bilawgii dagaalka, Israa’iil waxa ey waday siyaasad ey ku burburineyso guryaha iyo kaabayasha Marinka Gaza taaso qeyb ka ah ciqaab wadareedka Israa’iil,iyadoo aaney jirin wax caqabad ah oo caalami ah oo meesha ka jirta.
ISHA-MEMO.
RW-NETANYAHU OO LA WEERARAY GURIGIISA.
(SAWIRKA)-BARTAMAHA ISRAA’IIL.
(HAIFA’A)-Israa’iil ayaa sheegtay in diyaarad nuuceedu yahay kuwa aan duuliyaha wedin ey beegsatay guriga uu degan yahay Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku yaalo Qeysariya maanta oo Sabti ah,ciidamadda ayaa sheegay in diyaardu ey ku dhacday dhismo ku yaalo bartamaha Israa’iil. Qoraal uu soo saaray Xafiiska Reysal Wasaaraha Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaarada aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano UVA lagu tuuray guriga uu degan yahay Reysal Wasaare Netanyahu kaaso ku yaalo Qeysariya,mana eysan joogi RW-Netanyahu iyo Xaaskiisa hoyga la soo weeraray. Ilaa hadda ma cadda in dhismaha la weeray uu yahay hoygiisa gaarka ah ee RW-Netanyahu,balse Mileteriga ayaa sheegay iney baarayaan dhacdadaan oo sida muuqata lagu arkay dhawr guul darro oo nidaamka digniinta ee Israa’iil,waayo waxaa aaga ka jirin wax seeri ah oo laga maqlay Qeysariya sida ey sheegtay warbaahinta Israa’iil.
ISHA-AN.
BAQDAAD: DHISMAHA TV-GA MBC OO LA BURBURIYEY.
(SAWIRKA)-DHISMAHA TV-GA MBC EE LA WEERARAY.
(BAQDAD)-Dad la sheegay iney tiradooda u dhexeyso afar boqol ilaa shan boqol qofood ayaa xalay saqdii dhexe waxa ey weerar ku qaadeen Stuudiyaha Baqdaad ee Tv-ga laga leeyahay dalka Sacuudiga ee MBC. Dadkaan reer Ciraaq ayaa xoog waxa ey ku galeen Xafiisyadda Tv-ga MBC ee magaaladda Baqdaad,waxa eyna dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah dhismaha,sababta loo weerar Tv-ga MBC ee magaaladda Baqdaad ayaa lagu sheegay iney tahay inuu baahiyey warbixin uu Hogaamiyeyaasha Xamaas iyo Xizbullahi ey dishay Israa’iil(Xasan Nasrallah iyo Yaxye AL-Sinwar) iney yihiin Argagixiso. Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq una waramay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in dadka galay dhismaha Tv-ga MBC ey burburiyeen qalabkii Korontada ahaay eyna dab qabadsiyeen qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Tv-ga uu deganaay,balse Wasaaradda ayaa intaas raacisay in lagu guuleystay in la demiyo dabkii,ciidamaduna ey kala eryeen dadkii soo weeraray xarunta Tv-ga MBC ee Baqdaad.
ISHA-AN.
WAX KA OGOW DILALKA LOO GAYSTAY HOG…
(SAWIRKA)-MEYDKII CAARUURA.
(LONDON)-Ka dib markii ey Ciidamadda Difaaca Israa’iil(IDF) ey si rasmi ah u shaaciyeen iney dileen Madaxii Xarakadda Xamaas Yaxye AL-Sinwar gudaha Marinka Gaza,ayaan halkaan waxa aan idinkula wadaageynaa raga ka tirsan Ururadda Xamaas iyo Xizbullahi ey dileen Ciidamadda Difaac Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza iyo Lubnaan taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii. Marka aan ka bilawno Ururka Xamaas Hogaamiyeyaashooda la dilay: (1)-Yaxye AL-Sinwar. (2)-Ismaaciil Haniyeh. (3)-Maxamed AL-Deyf. (4)-Marwaan Ciise. (5)-Saalax Caruuri. Ururka Xizbullahi: (1)-Sheekh Xasan Nasrallah. (2)-Cali Karki. (3)-Haashim Safaa’adiin. (4)-Nabiil Qaawuuq. (5)-Ibraahim Qubeysi. (6)-Ibrahim Caqiil. (7)-Axmed Wahbi. (8)-Fu’ad Shukri. (9)-Maxamed Naasir. (10)-Dhaalib Cabdallah.
ISHA/AN.
RW-MELONI OO TAGTAY BEIRUT LANA HADASHAY….
(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAYAASH TALYAANIGA IYO LUBNAAN.
(BEIRUT)-Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa xaqiijisay iney ka shaqeyn doonto sidii loo gaari lahaay xabad joojin joogta ah oo laga gaaro dagaaladda ka socdo Lubnaan iyo Marinka Gaza. RW-Meloni ayaa sheegtay sii wadida wada xaajoodyada lagu sii deynaayo maxaabiista reer Israa’iil ee ku xiran Marinka Gaza,iyo ka hadalka xaaladaha ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo barakacayaasha iyo yareynta dhibaatooyinka bani’adanimo. Galabnimadii Maanta oo Jimca ah ayey RW-Meloni booqatay caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut,waane booqashadeedii labaad ey ku tagto tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza 7/10/23-kii,waxa eyna waqtigaas Meloni kulano la qaadatay taliyeyaasha ciidamadda Nabad ilaalinta Qaramada Midoobe ee UNIFIL ee ka socdo dalka Talyaaniga.
ISHA/AN.
HOGAAMIYAHA XAMAAS OO LAGU MURANSAN YAHAY..
(SAWIRKA)-YAXYE AL-SINWAR.
(QUDUS)-Dawladda Israa’iil ayaa mar walba sheegan jirtay in Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Yaxye Sinwar uu ku dhuumaaleysanaayo godad dhulka hoostiisa mara eyna ku hareereeysan yihiin tiro Maxaabiis ah oo reer Israa’iil ah,sheekadaan waxaa beeniyey sheeko kale oo tilmaameyso inuu ku dhintay dagaal ka dhacay magaaladda Rafax ee Koonfurta Marinka Gaza. Sirdoonka Israa’iil ayaan ku guuleysan iney gaaraan halka uu ku sugan Yaxye Sinwar,si sirdoonka Israa’iil uu ugu dhawaaqo inuu dilay Sinwar ayey soo gudbiyeen in la dilay seddex dagaalyahan oo ka tirsan Guutoyinka AL-Qasaam,waxaane markii dambe si toos ah u soo baxday in dadka shahiiday uu ka mid ahaay AL-Sinwar,sida ey sheegtay warbaahinta Israa’iil. Dhanka kale,sawiro ey faafiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa muujinaayo in Yaxye AL-Sinwar uu xirnaay saanad Mileteri xilliga uu shahiidaayey. Dadka wax indha indheeyo ayaa aaminsan sawiradda ey faafiyeen askarta Israa’iil ee ah meydka AL-Sinwar ey kashifeen sheekadda Tel-Aviv ee ah in hogaamiyaha Xamaas uu ku dhuumaaleysanaayo dhulka Hoostiisa.
ISHA-AP.
MARAYKANKA IYO UK OO DUQEEYEY YEMAN.
(SAWIRKA)-DIYAARADDA B-2.
(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqday maanta oo Khamiis ah taariikhduna ey tahay 17/10/24-ka in dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska iney 15-weerar oo dhinaca cirka ah ku qaadeen magaalooyinka Sanca iyo Sacda ee dhacda Waqooyiga Yeman halka dawladda Maraykanka ey ku dhawaaqday in weerarka maanta ey qeyb ka ahayd diyaaradda B-2. Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman ee AL-Masirah ayaa bartiisa Telegaraamka ku sheegay”Weerar gardara ah oo ey qaadeen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday Tv-yadda AL-Xafa iyo Jarbaan ee Waqooyiga iyo Koonfurta Caasimadda Sanca,waxaane lagu qaaday lix weerar”. Dhankiisa,Xoghayaha Difaaca dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa war uu soo saaray khaniista maanta ah ku sheegay in Ciidamadda Cirka ee dalka Maraykanka ey duqeymo sax ah ku qaadeen shan goobood oo lagu keydiyo hubka oo dhulka hoostiisa ah,goobahaan ayaa ku yiil dhulka ey maamulaan Kooxda Xuutitiinta. Xoghayah Difaaca Maraykanka ayaa intaas ku daray in duqeymaha ey ka qeyb qaateen diyaaradaha B-2 oo aad uga weyn diyaaradihii dagaalka ee markii hore loo adeegsan jiray duqeynta kooxda Xuutiyiinta,waxayna diyaaradahaan awood u leeyihiin iney qaadaan Bambooyinka aadka u culus.
ISHA-ARABPOST.
WAX KA OGOW XAALADDA GEESKA AFRIKA.
(SAWIRKA MW-SISI IYO RW-ABIY.
(LONDON)-Wargayska Arab Post ee ka soo baxa caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa wax ka qoray dagaalka u dhexeeyo dawladaha Masar iyo Itoobiya,dagaalkan ayaa hadda galay weji ka gedisan wejigii uu lahaay ka dib markii dawladda Masar ey la yeelatay Heshiis Difaac Dawladda Federaalka Soomaaliya dhawr bilood ka hor,heshiikaan ayaa ka careysiiyey dawladda Itoobiya oo ey ciidamadeedu ka mid yihiin kuwa nabad ilaalinta ee Midawga Afrika ee Atmis kuwaaso lagu wado iney dalka Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadkan 2024-ka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobe ka codsatay in Soomaaliya la keeno ciidamo ey kooban tahay tiradooda balse eysan ku jirin ciidamadda dalka Itoobiya,arrintaan ayaa xanuujisay dalka Itoobiya oo mudo dheer ka mid ahaay ciidamadda Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya loona yaqaano ATMIS,si kastaba ha ahaatee dalka Itoobiya ayaa horaantii sannadkan 2024-ka waxa uu heshiis is afgarad la galay maamulka Gooni isu taaga Soomaliland waane halka ey ka soo bilaabatay dhibaatada gaartay heerkeedii ugu xumaay ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya,hadaba Wargauska Arabpost ayaa qoraalkiisa waxa uu maanta Cinwaan uga dhigay”FALANQEYNTA XAALADAHA COLAADEED EE GEESKA AFRIKA:CIYAARTA JUQARAAFIGA EE MASAR IYO ITOOBIYA”. Wargayska ayaa dhacdooyinka u kala qaaday afar kala ah: (1)-Ismari waaga diblomaasiyadeed,khilaafka daba dheeraaday oo hooseeya iyo suuragalnimada sare. (2)-Dhacdada labaad,Iska horimaadka mileteriga wakiil ka ah ee Soomaaliya-suuragalnimad dhexdhexaad ah. (3)-Dhacdada seddexaad-Isku dhac Goboleedka oo u xuubsiibta,suuragalnimada Dafiic ah. (4)-Xaaladda afaraad,xalka Diblomaasiyadeed iyo hoos u dhigista,suutagalnimo Hoose.
ISHA-ARABPOST.
YAA U SAHLAY XIZBULLAHI WEERARKII BINYAMINA?
(SAWIRKA)-XIZBULLAHI OO WEERARTAY ISRAA'IIL.
(LONDON)-Sida caadiga ah Wargaysyadda caalamiga ah kana soo baxa caasimadda dalka Ingiriiska ee London waxa ey wax ka qoraan waxyaabaha ka dhaca adduunka guudkiisa kuwooda ugu muhiimsan,waxa eyna faalo dheer ka sameeyaan dhacdooyinka markaas taagan,hadaba Wargayska ARABI POST kuna soo baxa Afka Carabiga ayaa daaha ka qaaday xog aad u badan oo xasaasi ah oo dhinaca mileteriha ah oo ciidanka Israa’iil ey ku daabaceen shabakadaha Baraha Bulshada,xogta ayaa ku saabsaneed saldhiga Binyamina oo ku yaalo Koonfurta Hayfa’a ka hor inta aan Ururka Xizbullahi ee dalka Lubnaan uusan ku qaadin weerar loo adeegsaday Diyaaradaha Drones-ka. Hoolka lagu cunteeyo oo ey ku sugnaayeen tobonaan askeri kuwaaso noqday dhaawac iyo dhimasho,xogta ayaa muujineysa sida ey Israa’iil u sameeysay khalad iyo fashal dhinaca aminga ah lana xiriira saldhiga Binyamina. Laba maalin ka hor kuna beegneed 13/10/24-ka ayey diyaaradaha Drones-ka ee Ururka Xizbullahi waxa ey beegsadeen saldhig ciidan oo ey leeyihiin Guutada Goolan,diyaaradaha ayaa ku guuleystay iney ka gudbaan difaacyadda cirka ee Israa’iil,waxaane weerarkaasi lagu dilay afar askeri oo reer Israa’iil ah waxaane lagu dhaawacay ilaa 61-kale kuwaaso sideed ka mid ah ey dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah,waane khasaarihii ugu badnaay ee soo gaara Israa’iil.
ISHA-ARAB POST.
GOLAHA AMAANKA QM OO KA SHIRAAYO…
(SAWIRKA)-GOLAHA AMAANKA QARAMADA MIDOOBE.
(BEIRUT)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo inuu jiro Qaraar Qabyo ah oo cusub oo laga soo wariyey Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe kaaso looga dan leeyahay in lagu soo afjaro colaada u dhexeyso Israa’iil iyo Ururka Xizbullahi,qaraarkan ayaa walaac ku sii kordhinaayo xaaladda dalka Lubnaan iyadoo dadka dhaleeceynaayo Qaraarka ey ku tilmaameen inuu yahay Qaraar nuuciisu yahay mid cadaadis Nafsi ah una adeegaayo danaha Israa’iil. Qaraarkan Qabyo Qoraalka ah oo ey hadda ka doodayaan Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe sida uu qoray Wargayska maxaliga ah ee AL-Mudun,Qaraarka ayaa soo jeedinaayo xabad joojin deg deg ah,calaamadeynta Xuduudaha,Hub ka dhigista Ururka Xizbullahi iyo isbedello siyaasadeed oo waa weyn oo ka dhaca dalka Lubnaan oo ey ku jiraan doorashooyin guud iyo Madaxweyne cusub,dawlad dhexdhexaad ah oo cusub.
ISHA-THE ARAB NEWS.
URURKA XIZBULLAHI OO WEERARAY ISRAA’IIL.
(SAWIRKA)-GENTAALADDA XIZBULLAHI KU RIDAY ISRAEL.
(BEIRUT)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut ayaa sheegaayo in Ururka Xizbullahi uu sheegay inuu bartilmaameedsaday saldhig ey leeyihiin ciidamadda Badda ee Isra’aaiil maanta oo Isniin ah,shilkaan ayaa dhacay maalin uun ka dib markii diyaarad aan duuliye wedin ey afar askeri ku dishay gudaha Israa’iil waane weerarkii ugu dhimashada badnaay mar qura ee soo gaara Israa’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Lubnaan. Ururka Xizbullahi ayaa sheegtay in dagaalyahanadooda ey gentaalo ku garaaceen saldhiga Ciidamadda Badda ee Israa’iil kuna yaali Hayfa’a ee waqooyiga Israa’iil iyagoo ku tilmaamay iney ku xushmeynayaan hogaamiyahoodii geeriyooday ee Sheekh Xasan Nasrallah. Mileteriga Israa’iil ayaa maanta oo Isniin ah sheegay iney qabteen duqeyn kale oo lala beegsaday xero ciidamadda lagu tababaro kuna taalo Binyamiina taaso iyadana u dhaw Hayfa’a,arrintaan ayaa dheceyso maalin ka dib markii afar askeri oo reer Isra’iil ah lagu dilay laguna dhaawacay tobanaan kale weerar ey fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Ururka Xizbullahi.
ISHA-RFI.
HOGAAMIYE YAXYE SINWAAR OO KA HADLAY XABAD JOOJINTA GAZA…
(SAWRKA)-YAXYE SINWAAR.
(GAZA)-Tan iyo markii la dilay Hogaamiyihii Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda xamaas Ismaaciil Haniyah magaaladda Tehran ee dalka Iraan waxa so baxaayey ismaan dhaaf xoogan oo ka dhex jiray Hogaanka sare ee Xamaas cidda ey u dhiibayaan xilkii Haniyah waxa eyna go’aansadeen in xilkaasi lagu aamino Yaxye Sinwaar oo hogaaminaayey dagaalka ka dhanka ah Israa’iil. Hogaamiyaha cusub ee Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas Md.Yaxye ayaa la soo sheegay inuu si aad ah u daneynaayo in la gaaro heshiis xabad jooojin ah oo laga gaaro Marinka Gaza,sida ey wararku sheegayaan balqaadka Israa’iil ee wada hadaladda uusan weli kala cadeyn. Dawladaha wada wada xaajoodka ayaa Tv-ga CNN u sheegay in Yaxye Sinwaar ey dhab ka tahay wada hadaladda lagu soo afjaraay dagaalka Marinka Gaza ee Toban bilood jirsaday kaaso ey ku dhinteen in ka badan ilaa 40-Qof eyna ku dhaawcmeen dad ka badan ilaa 90-kun qofood.
ISHA/NA.