Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRAA’IIL OO MARKII UGU HOREYSAY WEERARTAY YEMAN.

(SAWIRKA)DEKEDDA XUDEYDAH EE DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa maanta oo Sabti ah duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyey dalka Yeman iyagoo uga aargudanaayo weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ey Xuutiyiinta Yeman ku qaadeen magaaladda Tel Aviv khamiistii la soo dhaafay,sida ey sheegeen saraakiil Maraykan iyo Israa’iil ah. Waa markii ugu horeysay oo Israa’iil ey si toos ah u weerarto Yeman oo ah wadan in ka badan kun Meyl u jira Israa’iil. Xuutiyiinta oo ah koox Islaami ah oo taageero ka helaayo dalka Iraan ayaa dhibaato iyo weeraro ku haayo Maraakiibta Ganacsiga ee maraysa Badda Cas muddo bilo ah iyagoo ka jawaabaayo dagaalka Israa’iil ey ka wado Marinka Gaza. Saraakiisha Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay in Duqeynta Israa’iil ey ku garaacday Xarumo shidaal oo ku yaalo dekedda Xudeydah oo ey maamulaan Xuutiyiinta. Telefishanka laga leeyahay dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee AL-Carabiya Barnaamijkiisa AL-Xadath ayaa sheegay in seddex qofood ey ku dhinteen 15-kalane ey ku dhaawacmeen weerarka Israa’iil ee magaala Xeebeedka Xudeydah. Sida uu sheegay afhayeenka Xuutiyiinta dalka Yeman Yaxye AL-Sariic, Israa’iil ayaa weerarkeeda waxa ey u isticmaashay ilaa 13-diyaaradood oo kala ah F15 iyo F16,kuwaaso weerarkooda la beegsaday dekedda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman. NALA SOCO WIXII KA SOO KORDHO.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MAXKAMADDA ICJ OO KU DHEGAN ISRAA’IIL.

(SAWIRKA)- MAXKAMADDA CAALAMIGA AH EE CADAALADDA.

(HAGUE)-Maxkamadda Sare ee Qaramadda Midoobe ayaa sheegtay in degaameynta Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin ey tahay sharci darro,dhammaan dawladuhu waa iney iska kaashadaan sidii loo soo afjari lahaay dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza,fikrad talobixin oo muhiim ah oo la soo saaray maanta oo Jimca ah.Natiijooyinka ey soo saareen garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda(ICJ) ee loo yaqaano Maxkamadda adduunka,ma aha mid adag laakinse waxa ey xambaarsan yihiin miisaan marka loo fiiriyo sharciga Caalamiga ah waxayna wiiqi kartaa taageeradda Israa’iil. “Degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus,iyo maamulka la xiriiro iyaga,waa la aasaasay,waxaane lagu hayaa waxyaabo xadgudub ku ah shuruucda Caalamiga ah”ayuu yiri Madaxweyne Nawaaf Salaam oo akhrinaayey Natiijadda gudi garsoor oo ka kooban 15. Ra’ayiga ayaa sheegay in Israa’iil ey tahay iney bixiso magdhawga Falastiiniyiinta uu khasaaraha ka soo gaaray qabsashada dhulkooda. Waxaa kaloo ey ogaatay in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe,Golaha loo dhan yahay iyo dhammaan dawladdaha ey waajib ku tahay in aaney u aqoonsan qabsashadiisa mid sharci ah oo aaney bixin gargaar ama taageero sidii loo sii wadi lahaay.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

MARKAB SHIDAAL SIDAY OO KU QALIBMAY XEEBAHA DALKA CUMAAN.

(SAWIRKA)-MARKABKA PRESTIGE FALCON.

(CUMAAN)-Wararka ka imaanayo dalka Cumaan ayaa sheegaayo in kooxaha baadigoobka iyo samatabixinta ayaa soo badbaadiyey sagaal badmaax,waxaane la helay meydka mid ka mid ah 16-qofood oo la la’aa tan iyo maalintii Isniinta ka dib markii uu la qalibnay Markab shidaal oo maraayey Xeebaha dalka Cumaan kaaso ku sii jeeday dekedda magaaladda Cadan ee koonfurta dalka Yeman. Xarunta Amaanka Badaha Cumaan ayaa sheegtay Arbacada maanta ah in hawlgaladda baadigoobka iyo samatabixinta ey si guul leh u horseedeen badbaadinta sagaal ka mid ah shaqaalah Markabka(Prestige Falcon),oo ku qalibmay Xeebaha Cumaan Isniintii,iyadoo intaas ku dartay in kooxuhu “Heleen meydka hal qof oo shaqaalaha ah”. Markabkaan oo lagu magacaabo Prestige Falcon ayaa dhirirkiisu dhan yahay 117-Mitir wuxuuna ku sii jeeday dekedda magaaladda Cadan ee dalka Yeman,iyadoo ey la socdaan 13-Hindi ah iyo seddex u dhalatay dalka Sri Lanka markii uu ku degtay Xeebaha dalka Cumaan. Afhayeen u hadlay Ciidamadda Badda Hindiya oo ka qeybqaadanaayo hawlgalka baadigoobka iyo samatabixinta ayaa sheegay in “sideed qof oo Hindi ah iyo Sri Lanki la soo badbaadiyey ilaa hadda”,isagoo intaas ku daray “Hawlgallada raadinta ayaa ku dhacay xaaladdo cimilo oo adag iyadoo ey jiraan mawjado culus oo xoogan ee dabaylaha”.sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Shirkadda Korontada ee magaaladda Cadan ayaa horay u beenisay in Markabka shidaalka ee badda ku qalibmay uu shixnad Nafta ah u siday Saldhigyadeeda,waxayna tiri”Shixnadda shidaalka ah ee lagu qiyaasay Shanta kun waxaa iska leh Ganacsato,waane mid khuseyso Suuqa Ganacsiga Shidaalka,mana la laha wax xiriir ah shidaalka Korontada”.

ISHA/MO.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMAN: WIIL AABIHIIS KU DILAY BURIS.

(SAWIRKA)-AABAHA LA DILAY.

(XUDEYDA-YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda uu saameyey kacdoonkii ka dhanka ahaay qaar ka mid hogaamiyeyaasha dalalka Carabta, Yeman oo horay u kala qeybsaneed laba dal (Koonfur iyo Waqooyi) ayaa midawday sannadii 1990-kii waxa eyn noqdeen hal dal oo la yiraahdo Jamhuuriyadda Yeman eyna caasimad u tahay magaaladda Sanca ee ku taalo Waqooyi dalka Yeman halka Cadan oo ku taalo Koonfurta ey tahay caasimadda Ganacsiga dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa hadda waxaa ka jiro laba xukuumadood oo mid ka mid ah caalamku aqoonsan yahay taaso fadhigeedu yahay Cadan halka tan kale uu fadhigeedu yahay Sanca waane mid ey hogaamiyaan kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dalka Iraan. Gobolka Xudeyda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman eyna Xuutiyinta gacanta ku hayaan ayaa waxaa ka dhacay fal dembiyeed arxan darri ah kaaso gilgilay bulshada yemaniyiinta ah ee halkaasi ku nool,iyadoo dhawaan wiil dhallinyara ah la xiray kaaso lagu magacaabo Waxiid Mawluud Xayaak oo 25-jir ah kaaso dilay Aabihiis Mawluud Hayak. Fal dembiyeedkan ayaa dhacay dhawr maalmood ka dib markii uu ninkaan falka gastay uu ka soo laabtay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Degmada Zabiid.

ISHA/MA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

4-PAKISTANIYIIN AH OO KU DHINTAY WEERAR KA DHACAY

(SAWIRKA)DADKII KU DHAAWACMAY WEERARKII MASAAJIDKA.

(OMAN)-Wararka laga helaayo dalka Saldanada Cumaan ayaa sheegaayo afar Pakistaniyiin ah ayaa lagu dilay halka tiro kalane lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhaw Masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaalo caasimadda Cumaan ee Masqad sida ey saraakiishu sheegeen Talaadada maanta ah,weerarkaan ayaa ka dhacay Saldanadda Cunaam ey yar tahay iney weeraro sidaan ah ka dhacaan. Booliska ayaa sheegay in tirada guud ee dhimashadda ey maanta gaartay lix qofood iyagoo intaas ku daray in sidoo kale la dilay seddexdii qofood ee fuliyey weerarka. Toogashadda dhacday Isniintii shalay ayaa sababtay dhimasho shan aqof ah,shahiid hal askeri oo boolis ah,iyadoo ugu yaraan 28-Qof oo kale ey ku dhaawacmeen,sidaas waxa abayaan uu soo saaray ku sheegay boolisk dalka Cumaan.

ISHA/DAWAN.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SISI: ‘ANIGA TUUG MIYAAN AHAY MISE?

(SAWIRKA)-MW C/FATAAX AL-SISI.

(QAHIRA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Masara ee Qahira ayaa sheegaayo in jidka Faysal ee galbeedka Masar kuna yaalo caasimadda Qaahira ey ka dhaceen hawlgalo Amni gelinkii dambe shalay oo Axad ahayd iyo saacadihii hore ee maanta oo Isniin ah ka dib markii Muraayadda LED ah oo ku taal dusha sare Maqaayad Burger oo Maxali ah lagu soo bandhigay muuqaalo iyo sawiro takhtar ah oo Madaxweyne C/fataax AL-sisi ah. Mawaadiniin aan tiradooda la sheegin ayaa la xiray iyadoo ciidamadda amaanka lagu soo daayey wadada dheer iyo hareeraheeda,waxa eyna askartu xireen dhammaan wadooyinka halkaas soo gala,waxaane agaas loo yaqaan Xaafadda Faysal waxa eyna ku taal meel dhawr kiiloomitir u jirta Ahraamta caanka ah ee GIZA,sida laga soo xigtay shabakadda u dooda Xuquuqul Insaanka dadka reer Masar. Sawiradda laga soo qaaday Muraayadda LED ayaa waxaa ka mid ahaa Erayo lagu Cambaareynaayo SISI oo lagu Eedeynaayo Musuq-maasuq iyo cadaadis. Hal sawir ayaa muujinaayey Sisi oo Masaaridda weydiinaayo su’aal caan ah oo halqabsine u ah isaga si uu u qanciyo waane “Waxaad tihiin Iftiinka Indhaheeyna mise waa maxay? Halqabsigaas ayaa waxaa lagu bedelay “Ma ogtihiin inaan Tuug ahay mise waa maxay"?”.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XABAAL WADAREED LAGA HELAY MUUSAL.

(SAWIRKA)-XABAAL WADAREED.

(MOSUL-IRAQ)-Maamulka dalka Ciraaq ayaa soo bandhigay haraagii dad badan oo ku jiray Xabaal Wadareed ku yaalo Waqooyiga Ciraaq,kuwaaso loo badinaayo iney dhibanayaal u ahaayeen kooxda Daacish. Meydadkaan laga helay godka AL-Cantar oo dhul lama degaan dabiici ah kuna yaalo AL-Cafar oo qiyaastii 70-kiilomitir dhanka galbeed kaga beegan magaaladda Muusal taaso xarun u ahayd kooxda xagjirka ah ee Daacish intii u dhexeysay 2014-kii ilaa 2017-kii. “Waxaan soo saarnay haraadiga 139-Qof iyo sidoo kale xubnaha jirka Bani’adamka”ayuu yiri Diya’a Kariim oo ah Agaasimaha Waaxda Xabaal Wadareedyadda ee Hayadda Shuhada’a. Waxaa ku jiro Rag iyo Dumar sida ey cadaynayaan marqaatiyadda,waxa eyna dhibanayaal u yihiin kooxda Daacisg/ISIS ee soo xukumaysay ama markii Kooxda AL-qaacidda ee Ciraaq ey halkaasi ku sugneed’. Waxa uu sheegay in dhibanayaashu ey u badan yihiin dadka laga tiradda badan yahay ee Yazidiyiinta,Shiicadda Turkmaan iyo Ciidamadda Amaanka ee Musol.

ISHA/ME.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DIYAARADDA DALKA MASAR OO KA HAWLGELI DOONTO SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-DIYAARADDA DALKA MASAR.

(QAHIRA)-Shirkadda diyaaradaha dalka Masar ee Egyptair ayaa maanta oo Jimca ah ku dhawaaqday iney bilaabeyso shan duulimaad oo cusub oo ey ku tegi doonto magaaladda Fujeraha ee dalka Imaaraatka Carabta,Caasimadda dalka Ivor Coast ee Abidjan,Caasimadda Czech Prague,Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Jabuuti. Balaarinta Egyptair waa isku day lagu doonaayo in lagu gaaro suuqyadda adduunka ee ugu waa weyn laguna soo jiidanaayo macaamiil cusub oo adduunka ah iyada oo la siinaayo doorashooyin badan oo safar ah,Egyptair ayaa maanta ku soo qortay Facebook. Duulimaadyo todobaadkiiba laba jeer ah ayaa la qorsheeyey waane maalmaha Axada iyo Khamiista waxa ey u duuli doontaa ilaa Fujeeraha. Shirkaddu waxay sidoo kale u duuli doontaa Abidjan seddex jeer todobaadkii Talaadada,Khamiista iyo Axada. Si kastaba ha ahaatee,Egyptair ayaan weli faahfaahin ka bixin jadwalka todobaadka ee duulimaadyadda ey ku tegi doonto seddex goobood ee cusub kalana ah “Prague,Muqdisho iyo Jabuti”.

ISHA/ALAHRAM.

AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

DALKA IRAAN OO KU DHEGAN DALKA MARAYKANKA,SABABTA?

(SAWIRKA)-CUDURKA EPIDERMOLYSIS BULLOSA.

(TEHRAN)-Maxkamad ku taalo dalka Iraan ayaa amartay Maraykanka inuu bixiyo ku dhawaad $6.8-Bilyan oo doolarka Maraykanka oo ah megdhawga saameynta ey cunaqabteynta Maraykanka ku yeelatay bukaanada qaba cuduradda maqaaarka ee dhifta ah,waxaa sidaas sheegtay Waaxda Garsoorka dalka Iraan. Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sannadkii 2018-kii si keligiis ah Maraykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhexeeyey Iraan iyo Quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska. Talaabooyinka Maraykanka “Waxay bukaanaddan u diideen dawooyin iyo boomaato” taasi oo keentay “Dhimashada ilaa 20-qof”,ayaa lagu qoray website-ka Waaxda Garsoora Iraan ee Mizan Online. Maxkamadeynta ayaa bilaabatay Nofembar-2021-kii ka dib markii 295-dacwoodayaal oo ey ku jiraan bukaano ey 30 sarkaal oo Maraykan ah Maxkamadda ku dacweyeen iyagoo ku eedeeyey “iney qeyb ka qaateen soo rogista cunaqabateynta”ayuu yiri Mizan. Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro Madax banaan oo Qaramadda Midoobe ah ey bishii Oktoobar-2021-kii tusaale ugu soo qaateen saameynta talaabooyinka Maraykanka ey ku yeesheen bukaanadda qaba cudrka maqaarka ee Epidermolysis Bullosa. Maraykanka ayaa cunaqabateyntiisa ka reebay badeecooyinka bani’adanimo,gaar ahaan Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka.Hase ahaatee,iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocaan oo kale ah waxaa horistaagay Bangiyadda oo ka walaacsan iney Ganacsi la sameeyaan Iraan. Khuabaradda Qaramada Midoobe ayaa soo xigatay kiiska shirkad Iswiidhan ah oo joojisay iibinta faashadaha gaarka ah ee macaamilkeed Iraan. Faashadaha nuucaan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanadda qaba cudurka Bullosa Epidermolysis. Bishii Maarso Mizan ayaa soo werisay in Garsoorka dalka Iraan uu amar ku bixiyey in lala wareego saliida Maraykanka oo qiimaheedu dhan yahay $50-milyan oo doolar kaaso saarnaay Markab la qabtay sannadkii 2023-kii. Waxay sheegtay in qabshadda Markabka ey aargoosi u ahayd “Cunaqanteynta dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka taasi oo ka horistaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay in la siiyo bukaanadda qaba xanuunka Epidermolysis Bullosa.

ISHA/VOA.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

NETANYAHU OO IMAAN DOONO WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-BANAANBAXAYAAL MARAYKAN AH.

(WASHINGTON)-Qoysaska la haystayaasha Maraykanka ah ee lagu haysto Marinka Gaza ayaa codsaday iney la kulmaan Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu inta lagu guda jiro safarkiisa soo socdo ee Washington oo ey wehliyaan xubno ka tirsan Koongareeska ee metelaayo degmooyinkooda,sida ku qoran qoraal la helay. Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa la filaa inuu yimaado caasimadda Maraykanka ee Washington taariikhdu markeey tahay 22/7/2024-ka,waxa uuna Netanyahu goobo kala duwan kula kulmi doonaa qaar ka mid ah Qoysaska la haystayaasha Maraykanka balse Netanyahu ayaan weligii la kulmin kooxahaan Maraykanka ah oo metelaayo xubnaha Qoysaska shanta la hayste ee u dhashay Maraykanka oo weli nool,seddex la dilay iyo laba la sii daayey bishii Noofembar-2023-kii. Qoysasku waxay rajeynayaan iney adeegsadaan kulanka Netanyahu inta uu ku guda jiro booqashadiisa Washington si uu ula hadlo Koongareeska Maraykanka 24/7/24-ka si ey ugu cadaadiyaan inu horay u sii wado la haystayaasha Marinka Gaza iyo heshiiska xabad joojinta ee miiska saaran. Netanyahu ayaa sii adkeeyey dalabkiisa ku aadan xabad joojinta iyo heshiiska la haystayaal ah oo lala galo Xamaas Khamiista,xitaa iyadoo Aqalka Cad uu rajo ka muujiyey in heshisku soo dhawaado.

ISHA/AXIOS.

AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN OO QIRTAY IN …

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA DALKA YEMAN C/MALIK AL-XUUTI.

(SANA’A-YEMAN)-Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/Malika AL-Xuuti ayaa qirtay in 57-dagaalame oo ka tirsan xubnaha u dagaalama Xuutiyiinta Yeman in la dilay lana dhaawacay in ka badan 87-kale ka dib markii weeraro dhinaca cirka ah lagu qaaday goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta Yeman,weeraradda ayaa waxaa fuliyey Isbahaysiga ey Hogaamiyaan Maraykanka iyo Ingiriiska. C/Malik AL-Xuuti ayaa maanta oo Khamiis ah ku sheegay khudbadiisa todobaadlaha ah ee laga sii daayo Tv-ga taabacsan Xuutiyiinta Yeman in Isbahaysiga Maraykanka iyo Infgiriiska ey todobaadkan qaadeen ilaa sideed weerar oo ka kala dhacay Goboladda Xudeyda iyo Xaja,guud ahaan duqeymahaas ayaa gaaray ilaa 570-weerar oo isugu jira duqeyn dhinaca cirka ah iyo duqeyn dhinaca badda ah tan iyo bilawgii bishii Feberaayo ee sannadkan 2024-ka. Hogaamiyaha kooxda Xuutiyiinta Yeman C/Malik AL-Xuuti ayaa intaas ku daray in ciidamadooda ey fuliyeen hawlgalo todobaadkan eyna adeegsadeen 10-Gentaal Balastika ah iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha wedin. Ka dib markii uu dhacay weerarkii Xamaas 7-Oktoobar 2023-kii,kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay weeraro isdaba joog ah oo ka dhan ah Maraakiibta Ganacsiga ee marta badaha Badda Cas iyo Badda Carabta taaso keentay in dalka Maraykanka uu sameeyo Isbahaysi ilaaliya marin haweedka caalamiga ah,kaaso bilaabay dhawr weerar. Duulaan badan ey Isbahaysigu ku qaadeen goobo badan ey Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yeman ayaa ujeedkoodu ahaay in la dhimo amaba la baabi’iyo awooda dagaalamayaasha Xuutiyiinta dalka Yeman. Dalka Yeman ayaa hadda waxaa ka dhisan laba Xukuumadood oo kala fadhiya magaalooyinka Sanca oo ey xukumaan Xuutiyiinta iyo Cadan oo ey Xukunto Xukuumadda caalamku aqoonsan yahay,shacabka Yeman oo intiisa badan ah beeraleey ayaa dhibaato xoogan waxa ey ku qabaan kooxda Xuutiyiinta oo maamulo inta badan Waqooyiga dalka Yeman eyna ku jirto Caasimadda Jahmhuuriyadda Yeman ee Sanca,halka Koonfurta ey yihiin dad Kallumeysata iyo Beeraleey ah welina haysto nidaam dawladeed oo kala haga shacabka reer Koonfureedka,magaaladda Cadan ayaa gudaha dalka Yeman looga yaqaan Magaaladdii Ganacsiga waayo waxaa ku taalo Dekedda weyn oo wax walba lagala soo dejin karo,waane Caasimadda labaad ee dalka Yeman.

ISHA/YEMAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

YEMANI DILAY XAASKIISA,WIILKIISA IYO SODOGIISA.

(SAWIRKA)-MAAJID HIJRAH.

(DAMAAR)-Wararka aan ka helayno Gudaha Gobolka Damaar ee dhaca Koonfurta caasimadda Sanca dalka Yeman ayaa sheegaayo in nin Yemani ah uu halkaasi ku dilay ka hor inta uusan isaga is dilin Xaaskiisa,Wiilkiisa iyo Sodogiisa,waxa uuna dhaawcay qaar kale. Dadka degaanka dhibku ka dhacay ayaa sheegay in qof dumar ah oo ey wehliyaan Wiilkeeda iyo Aabeheed lagu dilay Rasaas uu riday ninkeeda shalay oo Arbaca ahayd,taaso ka dhacday halka la yiraahdo”AL-MUQNAZICAH” kana tirsan degmada Cuthma ee Gobolka Damaar. Shabakadaha wararka ee Maxaliga ah ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu magacaabo MAAJID AL-HIJRAH,iyadoo xustay in dad kale oo tirsan Qoyska dembiilaha iyo Qoyska Xaaskiisa ey ku dhaawacmeen isla dhacdadan,dhacdadan ayaa ka dhalatay Muran Qoys oo soo kala dhecgalay Aabaha Xaaska laguna magacaabi jiray Suldaan Cabdallah Axmed kaaso diiday inuu dib u soo celiyo Gabadhiisa kuna adkaystay in loo furo. Sida laga soo xigtay dadka degaanka Eedeysanaha ayaa is dilay ka dib markii ey isku gadaameen dadkii degaanka taaso argagax weyn ku abuurtay dhacdadaan. Bilihii iyo sannadihii la soo dhaafay dembiyadda rabshadaha Qoyska ayaa ku soo badanaayey Goboladda kala duwan ee dalka Yeman marka loo eego xaaladaha sii xumaanaayo ee dhaqaale iyo Nafsi ee ka dhashay dagaalka ka socdo dalka Yeman,waxaa intaas u sii dheer cadaalad la’aanta iyo sababo badan oo ka qeyb qaatay kororka dembiyadda rabshadaha Qoyska.

ISHA/YEMAN.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUKUNO KALA DUWAN OO LAGU RIDAY XAASASKA..

(SAWIRKA)-ABUBAKAR AL-BAQDAADI IYO XAASAKIISA.

(AL-KARAKH)-Wararka ka imaanayo magaaladda AL-karakh ee dalka Ciraaq ayaa sheegayo in xukuno kala duwan lagu xukumay xaasaskii uu ka geeriyooday Hogamiyihii Abuuray Daacish Abubakar AL-Baqdaadi,xukunadda ayaa waxaa ka mid ah Ciqaab dil ah,Xabsi daa’im ah iyo Guryaha dadka lagu haayo oo lageeyo caruurta ey dhaleen Argagixisadda. Ilo dhanka garsoorka ah ayaa sharaxay in seddex ka mid ah Caruurta uu dhalay Hoogaamiye AL-Baqdaadi kalana ah”C/laahi,Xasan iyo Faadumo”loo wareejiyey xarun lagu xanaaneeyo dadka da’ada ah waayo waa caruur,waxa eyna Maxkamdu sheegtay in caruurta ehelkooda ey soo booqan karaan. Waxaa kaloo iyagana Xaruntaas loo gudbiyey Maxamed AL-Baqdaadi iyo Umaymaha AL-Baqdaadi ka dib markii hooyadood lagu xukumay Xabsi Daa’im,waxaa kaloo la xaqiijiyey iney Maxkamdu ey soo saartay Xukun dil ah laguna riday Haweynidii ugu horeysay amaba ugu weyneed Xaasaska AL-Baqadaadi lana yiraahdo Asma’a Maxamed,waxaane xabsi Daa’im ah lagu xukumay Xaaskiisa seddexaad Nuura Ibrahim AL-Zoowbaci,halka Xaaskiisa labaad ey ahayd haweeney u dhalatay dalka Suuriya kana soo jeedo magaaladda Xalab lana joogtay waqtigii la dilaayey Abuubakar AL-Baqdaadi.

ISHA/ALHADATH.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ABIY AXMED OO LA KULMAY C/FATAAX BURHAN.

(PORT SUDAN)-Wararka aan ka heleyno magaalo Xeebeedka Port Sudan ee dalka Suudaan ayaa sheegaayo in shalay oo Talaada ahayd uu halkaasi gaaray Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed waxa uuna halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Suudaan Gen.C/fataax Burhan,isagoo Abiy uu noqday hogaamiyihii ugu horeeyey oo Ajnabi ah oo booqda caasimadda ku meel gaarka ah ee Port Suudaan tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Ciidamadda dawladda Suudaan iyo kuwa jabhadda RSF,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Reuters. Abiy Axmed oo horay loogu arkayey inuu yahay nin RSF uga dhaw Ciidanka dawladda Suudaan isla markaasne bishii disembar 2023-kii dalkiisa ku martigeliyey hogaamiyaha RSF-ta Maxamed Xamadan Dagallo,magaaladda Addis Ababa,Abiy ayaa booqashadiis Suudan u qaabeeyey iney tahay sidii xasilooni loogu soo celin lahaay dalka Suudaan ka dib markii uu ka qarxay dagaal socda in ka badan 15-bilood. Dadka falanqeyo siyaasadda Suudaan ayaa rumaysan in booqashadda Abiy ee Suudaan leedahay wijiyo fara badan lagana xusi karo: (1)-U adeegidda danaha dalka Imaaraatka kaaso ey isku dheceen xukuumadda Suudaan. (2)-Hoos u dhigidda dagaalka Amxaaradda iyo ciidanka dawladda Itoobiya iyo raadin marin biyood Itoobiya wax uga soo degaan haddii Jabuuti ey isku dhacaan. (3)-Soo nooleynta Sumcadda dawladda Itoobiya ee Bariga taaso DFS u sabab noqotay in dalka Itoobiya lagu cambaareeyo xadgudbkii uu ku sameeyey dhulka Soomaaliya. Xusuusnow in booqashadda Abiy Axmed ey tahay mid ku soo beegantay waqti uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho ku joogay dalka Eritereeya.

ISHA/MOM.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SUURIYIIN KU DHINTAY SAXARAHA ALJEERIYA.

(SAWIRKA)-DHULKA LAMA DEGAANKA ALJEERIYA.

(ALGERIA)-Wararka ka imaanayo dalka Aljeeriya ayaa sheegayo in 14-qofood ey ku jiraan 12-Tahriibayaal Suuriyiin ah meydadkooda laga soo helay Gobolka Ilizi ee dhaca Koonfurta dalka Aljeeriya halka shan kalane weli la la’ayahy,sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay shalay oo Isniin ahayd sarkaal ka tirsan Safaaradda Suuriya ee dalka Aljeeriya. Dadaaladda baadi goobka ah ee lagu raadinaayo shanta kale ayaa weli socdo,ayuu yiri Bassim Faaruuq oo ah Madaxa Socdaalka aan joogatada ahayn ee Safaaradda dalka Suuriya ee dalka Aljeeriya. “Dadka Dhintay waxa ey ka yimaadeen dalka Libiya Talaadadii”,ayuu raaciyey hadalkiisa. “Waxaa Meydkooda la helay Sabtidii ka dib markii ey ku lumeen dhulka lama degaanka ah”. Muhaajiriinta ayaa waxaa soo helay Ururka raadinta iyo Samatabixinta oo NGO ku takhasusay Samatabixinta dadka ku luma lama degaanka Aljeeriya. Ururka ayaa sheegay in dadka dhintay ey kala yihiin laba u dhalatay Aljeeriya iyo 12-Suuriyaan ah oo ey ku jiraan 10-jir iyo 16-jir,

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAY SACUUDIGA…

(SAWIRKA)-HIGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN C/MALIK XUUTI.

(SANA’A)-Warbaahinta garabka Mileteri ee kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa Axadii shalay ahayd daabacay muuqaal muujinaayo muuqaaladda Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo isku xirka Garoomadda Diyaaradaha iyo Dekedaha muhiimka ah ee Boqortooyadda Sacuudiga. Muuqaalkan uu cinwaankiisu ahaay “Isku day uun”ayaa waxaa ku jiray sawiradda Garoonka Caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee Riyaad,Garoonka Caalamiga ah ee Boqor C/casiis ee magaaladda Jiddah,Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Boqor Fahad ee magaaladda Damaam iyo sidoo kale dekedaha Ras Tanuura,Jayzan iyo Jeddah. Soo bandhigidda sawiradaan ayaa ku soo beegantay hadal uu jeediyey Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/malik AL-Xuuti isagoo si toos ah ula hadlaayey dalka Boqortooyadda Sacuudiga wax uuna ku yiri”Maraykanku waxa uu isku dayayaa inuu idin dhaxgalo haddii aad taas rabtiin iska tijaabiya,haddii aad wanaag u rabtiin,naftiina,xasiloonidiina dalkiina iyo dhaqaalihiina,joojiya dhagarta aad u maleegaysaan dalkeyna”.

ISHA NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO DISHAY IHAB GHUZEYN OO AH WASIIR…

(SAWIRKA)-IHAB GHUZEYN.

(GAZA)-Hayadaha difaaca madaniga ah ee Marinka Gaza ayaa sheegay in weerarkii Axada maanta ah lagu qaaday iskuul ey gabaad ka dhigtaan Falastiiniyiinta ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof,waane weerarkii labaad oo Isra’iil fulisay laba maalmood gudahood. Mileteriga Isra’iil oo muddo ku eedeynaayey Xarakadda Xamaas iney adeegsadaan iskuuladda iyo kaabayaasha kale oo rayid ah ayaa xaqiijiyey in duqeynta aag dugsiga ee Marinka Gaza. Bayaan ey soo saarta Hayada Difaaca Madaniga ayey ku sheegtay in dhismaha dugsiga loo isticmaalayey meel ey ku dhuumaaleystaan maleeshiyadda Xamaas iyo xarumaha ey dhigtaan Hubka. Hayadaha ayaa sheegay in Ihaab AL-Guzeyn oo ahaay Wasiir ku xigeenka shaqada xukuuadda Marinka Gaza,waxa uuna ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarka lagu qaaday dugsiga.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

SHIR KA DHACAY QAAHIRA OO LAGU HESHIISINAYO…

(SAWIRKA)-BARAKACAYAASHA SUUDAAN.

(CAIRO)-Kooxaha isku haayo siyaasadda dalka Suudaan ayaa si rasmi ah uga qeybgalay wadahadalo dib u heshiisiin ah oo ka dhacay magaaladda Qaahira ee dalka Masar Sabtida maanta ah,waa markii ugu horeysay in kooxaha Suudaan isku haayo ey ku kulmaan dalka deriska ah ee Masar tan iyo markii dalkaasi ka bilawday dagaalka ku dhawaad 15-bilood ka hor,balse waxay qireen iney yar tahay rajadda laga qabo in si dhaqsi ah loo joojiyo dagaalka galaaftay kumanaan dad ah una badan shacab. Intii uu shirku socday Ururka Dimuqaraadiga ee la safan ciidanka dawaladda Suudaan ayaa diiday iney shirar wadajir ah la yeeshaan kooxda Taqadum oo ey ku eedeyeen iney la dhacsan yihiin Ciidamadda Taageeradda deg deg ah ee RSF. Ciidanka iyo RSF midna kama qeybgelin. Dagaalka dalka Suudaan ayaa soo bilawday Abriil-2023-kii,waxa uuna toban milyan ku dhawaad qofood ku qasbay iney ka baxaan guryahooda taaso dhalisay digniin ah macluul iyo mawjado rabshado ah oo ey wadaan qowmiyadaha oo inta badan lagu eedeeyo RSF. Kumanaan qof ayaa la dilay,balse ma jirto tiro rasmi ah oo dhimasha ah. Ciidanka iyo Kuwa RSF ayaa dagaal qaraar wax uu ku dhexmary Gobolka Sinaar kaaso sababay barakac cusub. Isaga oo ka jawabaayo madaxa Ciidamadda Suudaan Gen.C/fataax AL-Burhani ayaa sheegay in ciidanku eysan wax gorgortan ah la geli doonin RSF ama taageerayaashooda.

ISHA/NQ.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

LA TALIYIHII BASHAAR AL-ASAD OO GEERIYOOTAY.

(SAWIRKA)-LUNA AL-SHIBL.

(SYRIA)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in La taliyaha dhinaca Warbaahinta ee Madaxweyanaha Dalka Suriya Bashaar AL-Asad Luna AL-shibl ey geeriyootay maanta oo Jimca ah ka dib markii ey ku dhaawacantay shil baabuur ey gashay seddex maalmood ka hor,sidaas waxaa shaaciyey Xafiilks Madaxweyne Bashaar AL-Asad. “Madaxtooyadda dalka Suriya waxa ey u baroor diiqeysaa geeridda ku timid Luna AL-shible oo ahayd la taliyaha Warbaahinta Bashaar Al-Asad oo maanta geeriyootay ka dib markii ey gashay shil baabuur oo halis ah”ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Bashaar AL-Asad. “Luna ALshibl waxay sannadihii u dambeeyey ka soo noqotay Agaasime ka tirsan Xafiiska Siyaasadda iyo Warbaahinta ee Madaxtooyadda,ka dibne la taliye gaar ah ee Madaxtooyadda” ayaa la raciyey bayaanka. Warbaahinta Dawladda Suriya ayaa sheegtay Talaadadii in Luna AL-shibl uu dhiig uga furmay Maskaxda ka dib shilkii ey gashay,waxa uuna u baahday qaliin deg deg ah. Luna AL-Shible oo 48-jir ah ayaa caan ku noqotay iney ka tagtay shaqadii Saxaafadeed ey caanka ka ahayd ee Tv-ga AL-Jazeera ee fadhigiisu yahay dalka Qadar si ey noqoto la taliyaha dhanka Warbaahinta ee MW-Bashaa AL-Asad,xilligaas oo uu talisku si naxariis darri ah u garaacay dibad baxayaal nabadeed sannadkii 211-kii taaso sababtay dagaalka sokeeye ee dalka Suriya.

ISHA/NA.

SII AKHRI.

Read More
Ahmed Hussein Ahmed Hussein

ISRA’IIL OO WAFDI U DIRTAY DOOXA.

(SAWIRKA)-MADAX SIRDOONKA ISRAEL DAVID BARNEA.

(LONDON)-Ayadoo ey jirto rajo cusub oo laga qabo horumar suurtagal ah,ayuu Reysal Wasaaraha Isra’iil Netanyahu ku baaqay in shir ey isugu yimaadaan Golihiisa Amaanka Galabnimadii maanta oo Khamiis ah si uga wada hadlaan soo jeedinta cusub ee Xamaas ey u soo dirtay dhexdhexaadiyeyaasha Qadar iyo Masar,ayey wararku sheegayaan. Isra’iil ayaa weli aaminsan in tobanaan la haystayaal ah iney weli ku nool yihiin Gaza iyadoo dagaalku uu sii kordhaayo khasaaraha bani’adamnka ah ee ka jira dhulka burburay ee Falastiin,labada dhinac ayaa wajahaayo cadaadis caalami ah oo ku wajahan heshiiska. Madaxa Sirdoonka Isra’iil ee Mossad David Barnea ayaa lagu wadaa inuu hogaamiyo wafdiga reer Isra’iil ee tegaayo dalka Qadar kuwaaso muddo bil ah isku dayaayey iney miiska wada xaajoodka keenaan labada dhinac,sida laga soo xigtay ilo xogogaal u ah wada hadaladda. David Barnea ayaa la filaa inuu gaaro magaaladda Dooxa ee ah caasimadda dalka Qadar maalinta berri ah ee Jimcada ah,waxa uuna halkaas kula kulmi doonaa Reysal Wasaaraha Qadar ahne Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Qadar Maxamed C/raxmaan Bin Thani.

ISHA/IRF.

SII AKHRI.

Read More