XUUTIYIINTA YEMEN OO WEERARAY DEKADO EY MAAMUSHO XUKUUMADDA.
(MUUQAALKA)-MARINKA BAB AL MANDAB.
(TAIZ/YEMEN)-Waxaa jiray dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar cirka ah oo ay qaadeen maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan, oo lagu bartilmaameedsaday deked laga aasaasay sannadihii ugu dambeeyay aagga Bab AL-Mandab ee Gobolka Taiz. Ilo wareedyo goobta ku sugan ayaa u sheegay Warbaahinta Al-Masdar Online in weerarku uu bartilmaameedsaday dekedda AL-Cardi, oo ay aasaaseen Ciidamada Difaaca Qaranka oo uu hoggaaminayo xubin ka tirsan Golaha Hoggaanka Madaxweynaha Tariq Salex, taasoo keentay burbur soo gaaray doon sahay ah iyo burbur soo gaaray tiro doomo yaryar iyo maraakiib ah oo ku xirnaa dekedda. Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in weerarku uu sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shaqaalihii goobta joogay xilliga la weeraray. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyadu, bartilmaameedku wuxuu yimid ka dib markii duullimaadyo xooggan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleeshiyada Xuutiyiinta ay ka sameeyeen hawada sare ee aagga Bab AL-Mandab iyo Jasiiradda Mayuun tan iyo Sabtidii iyo Axaddii, waxayna sii socdeen Isniintii, iyadoo difaaca cirka ee ciidamada dowladdu si xooggan ula dagaallamayeen, ka hor inta mid ka mid ah weerarrada maleeshiyada uu ku guuleystay inuu ku dhaco goobta dekedda waaberigii Talaadada. Maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa sii wada inay bartilmaameedsadaan xarumaha muhiimka ah iyo dekedaha la xoreeyay ee ku yaal xeebta Gobolka Taiz, taasoo qayb ka ah sii kordhinta socda iyo bartilmaameedsiga marin biyoodka iyo goobaha laga xureeyey Xuutiyiinta.
ISHA-AM.