XUUTIYIINTA YEMEN OO LAGA QABSADAY G/AL-JAWF.
(MUUQAALKA)-SAWIRKA HOGAMIYAHA XUUTIYIINTA OO LAGU FUJIYEY AL-JAWF.
(SANA’A/YEMEN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Yemen ee Sanca ayaa sheegaayo in ciidamada dowladda ey la wareegeen qaybo badan oo ka mid ah xerada istaraatiijiga ah ee AL-Libnaat ee gobolka AL-Jawf subaxnimadii maanta oo Isniin ah. Ilo wareedyo militari ayaa sheegay in howlgal milatari oo ay ciidamada qalabka sida ee Yemen ku qaadeen gobolka AL-Jawf uu bilaabmay Axaddii. Ka dib go'doomin socotay dhowr saacadood, waxay ku guuleysteen inay qabsadaan qaybo badan oo ka mid ah xerada AL-Libnaat, oo ku taal 15 kiiloomitir bari ka xigta AL-Xazm, oo ah caasimadda gobolka AL-Jawf. Muuqaallo ayaa muujinaya askari oo jeexjeexaya calan weyn oo muujinaya sawirka hoggaamiyaha Xuutiyiinta mid ka mid ah albaabada xerada. Muuqaallo kale ayaa muujinaya askar is dhiibaya oo ku sugan meel ka soo horjeeda xerada. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo militari, ciidamadu waxay isu diyaarinayaan inay u dhaqaaqaan dhanka AL-Xazm, oo ah caasimadda gobolka. Gobolka AL-Jawf, oo ku yaal waqooyi-bari Yemen, wuxuu daboolayaa dhul ballaaran wuxuuna xuduud la leeyahay gobollada Ma’arib, Xadarmuut, Sanca, iyo Camraan, oo u fidsan xadka Sacuudi Carabiya. Horumarradan ayaa imanaya maalmo ka dib markii iskahorimaadyo xooggan ay ka qarxeen gobolka Ticiz (koonfur-galbeed Yemen) iyo qaybo ka mid ah gobolka Xudeydah, xilligaas oo Xuutiyiintu ay isku dayeen inay qabsadaan maamulka magaalada Mocha, marinnada biyaha caalamiga ah, iyo marin biyoodka Bab EL-Mandab. Ciidamada cirka ayaa ka qayb qaatay howlgalka, iyagoo tan iyo waaberigii maanta qaaday in ka badan 15 weerar oo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta ku sugan gobollada Ma’arib, AL-Beyda iyo Daalic.
ISHA-AM.