XUUTIYIINTA YEMEN OO EEDEEYEY SACUUDIGA.

(MUUQAALKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA.

(SANA’A/YEMEN)-Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Khamiistii sheegtay in Sacuudi Carabiya ay duqeymo cirka ah ka geysatay caasimadda Sanca iyo gobollada Sacda, Ticiz iyo Camraan. Wakaaladda wararka ee SABA oo ay maamusho Xuutiyiinta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee la sheegay inay leeyihiin Sacuudi Carabiya ay bartilmaameedsadeen Sanca iyo dhowr goobood oo ku yaal saddexda gobol. Warbixintu ma bixin faahfaahin ku saabsan goobaha la bartilmaameedsaday, khasaaraha iyo burburka. Dhanka kale, militariga Yemen ayaa sheegay in 27 duqeyn cirka ah ay bartilmaameedsadeen goobaha Xuutiyiinta iyo goobaha ay ku urursan yihiin ee gobolka koonfur-galbeed ee Ticiz. Afhayeenka militariga Col. Majid Cabdullah AL-Nuzayli ayaa sheegay in duqeymaha ay bartilmaameedsadeen xarun lagu keydiyo gantaalada, xarumaha taliska iyo kantaroolka, goobaha sahayda iyo hubka, meelaha ay ku badan yihiin dagaalyahanada Xuutiyiinta iyo gawaarida militariga. Wuxuu sheegay in duqeymaha ay burburiyeen daraasiin gaadiid militari iyo hanti kale isla markaana ay dileen ama dhaawaceen tiro dagaalyahanno Xuutiyiin ah. S/Guuto. Turki AL-Maliki, afhayeenka isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga, ayaa horey uga sheegay baraha bulshada ee Mareykanka X in difaaca cirka uu qabtay oo uu burburiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ballistic-ga ah ee loo diray magaalooyinka Khamis Mushait iyo Jazan ee Sacuudiga. AL-Maliki ayaa sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay laba maalmood ka hor bartilmaameedsadeen xarunta korontada ee Taiba ee Medina ee Sacuudi Carabiya. Yemen waxaa ka socday dagaal sokeeye tan iyo markii Xuutiyiintu ay qabsadeen Sanca iyo dhowr gobol bishii Sebtembar 2014. Isbahaysiga Carabta ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa taageeray dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen tan iyo bishii Maarso 2015.

ISHA-AA.

Next
Next

ISRAA’IIL OO JOOJISAY DUULIMAADYADDII KALA DHEXEEYEY IMAARAATKA.