XUUTIYIINTA OO QARAX KA EEGTAY MARKAB HIDIYA LAGA LEEYAHAY.

(MUUQAALKA)-CALANKA DALKA HINDIYA.

(DELHI/INDIA)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa si xooggan waxa ey u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Markab Ganacsi oo ku sugnaa Badda Cas kaasoo sababay inuu dego, iyadoo xustay in dhammaan shaqaalaha markabka ay badbaadiyeen Ilaalada Xeebaha Yemen. War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu yiri, "Waxaan cambaareyneynaa weerarkii lagu qaaday markab ganacsi oo calanka Hindiya ku leh MSV Faize Noore Oliya, kaasoo ku degay Badda Cas xeebta Yemen Agoosto 4, 2026." Waxay intaas ku dartay, "Dhammaan 13-ka muwaadin ee Hindiya ee saarnaa markabka waa la badbaadiyay. Safaaradda Hindiya ee Riyadh ayaa si dhow ula socota xaaladda waxayna si firfircoon ula shaqeyneysaa mas'uuliyiinta Yemen si loo hubiyo badbaadada iyo amniga shaqaalaha. Waxaan uga mahadcelineynaa mas'uuliyiinta Yemen taageeradooda." Bayaanka ayaa lagu nuuxnuuxsaday in "weerarrada sii socda ee lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee gobolka ay yihiin kuwo walaac weyn leh," waxayna ku baaqday "in la joojiyo bartilmaameedsiga maraakiibta ganacsiga iyo soo celinta xorriyadda marin-haweedka iyo ganacsiga iyada oo loo marayo marin-haweedka caalamiga ah ee gobolka iyada oo aan wax caqabad ah la kulmin, sida waafaqsan qodobbada sharciga caalamiga ah." Dhankiisa, Wasiirka Maraakiibta Hindiya ayaa u xaqiijiyay Reuters in markabka Hindiya "Viz Noor Olya" uu ku dhacay gantaal u dhow biyaha Yemen, taasoo keentay inuu dego. Wuxuu xusay in ilaalada xeebaha Yemen ay badbaadiyeen dhammaan 14-ka shaqaale ee markabka (13 ka mid ah ay ahaayeen Hindi) ayna u qaadeen dekedda Makha ee galbeedka Yemen. Horey, ciidamada xeebta galbeed ayaa ku dhawaaqay badbaadinta shaqaalaha markab xamuul ah oo Hindiya laga leeyahay oo ku degay xeebta Xudeydah, ka dib markii ay weerareen maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyagoo adeegsanaya doon walxaha qarxa laga soo buuxiyay xilli ay ku safrayeen qiyaastii 13 mayl oo dhanka koonfureed ah oo ka xigta Xudeydah.

ISHA-AM.

Next
Next

DALALKA IRAN IYO CUMAN OO KU DHAW INEY HESHIIS KA GARAAN MARINKA HORMUZ.