XUUTIYIINTA OO LOOGA ITAAL ROONAADAY DHINACA BADDA.

(MUUQAALKA)-CIIDAMADAD BADDA YEMEN.

(ADEN/YEMEN)-Arbacadii shlay fiidnimadeedii, ciidamada badda ee dalka Yemen ayaa ku sheegay inay fashiliyeen isku day lagu doonayay in lagu tahriibiyo qalab milatari oo la rumeysan yahay in loo isticmaalo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, marka lagu daro inay fashiliyeen weerar dhanka badda ah oo ay maleeshiyada argagixisada Xuutiyiinta ka bilaabeen Badda Cas. Wakaaladda wararka Saba ayaa sheegtay in ciidamada badda ay qabteen doomo "dhowr" ah oo ku sugan Badda Cas oo siday qalab loo isticmaalay soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo ay si qarsoodi ah u waday Ilaalada Kacaanka Iiraan, isla markaana ku sii jeeday maleeshiyada Xuutiyiinta. Saacado ka dib markii ay rabshaduhu dhaceen, ciidamada badda ayaa fashiliyay weerar dhanka badda ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen, ka dib markii ilaaladoodu ay arkeen shan doonyood oo maleeshiyaad ah oo isku dayaya inay u dhawaadaan Jasiiradaha la xoreeyay iyagoo eegaya marinka maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas. Warbaahinta militariga ee Isbahaysiga Qaranka ayaa sharraxaysa in ciidamadu ay isku dhaceen doonyaha Xuutiyiinta, ayna ku qasbeen inay u cararaan dhanka waqooyi ee xeebaha magaalada Xudeyda. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada badda ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn xilli ay waday hawlgal sahan ah si loola socdo dhaqdhaqaaqa doomaha Xuutiyiinta.

ISHA-Q28-NEWS.

Previous
Previous

CIIDAMADDA SUDAN OO XOOGA SAARAYA NIILKA BULUUGA AH.

Next
Next

DALKA SUDAN OO ISKA FOGEEYEY EEDEYMAHA KAGA YIMID DALKA JAAD.