XULALKA MALI IYO SENIGAL OO GUULEYSTAY MAANTA.

(SAWIRKA)-CAYAARTOYDA DALKA MAALI.

(MAROCCO)-Waxaa manta dalka Marooko magaalooyinkiisa qaarkood ka bilawday is araga 16-ka kooxood ee ka soo gudbay 24-kii kooxood ee ku tartameysay Koobka Qaranada Qaaradda Afrika ee Kubadda Cagta. Kulanka ugu horeeyey ee dhacay maanta oo Sabti ah ayaa u dhexeeyey xulalka Qaranka Senigaal iyo Suudaan,kulankaan ayaa ka dhacay Garoonka Tanger. Bilawgii cayaarta markii la gaaray daqiiqadii Lixaad ayey kooxda Suudaan waxa ey dhalliyeen goolkii ugu horeeyey waxaane u saxiixay Axmed Cabdallah Yoonis,isla qeybtii hore ee cayaarta ayey kooxda Senigaal waxa ey iska soo gudeen goolkii looga hormaray daqiiqadii 29-aad,waxaane gool u saxiixay P.Gueye, isla cayaaryahankii dhalliyey goolkii barbaradda Senigaal ayaa hadane goolkii labaad waxa uu saxiixay kooxdiisa Senigaal daqiiqadii 48-aad ee dhammaadka qeybtii hore ee cayaarta, waxaana lagu kala nastay natiija ah Senigaal labo sudan hal. Qeybtii labaad ee cayaarta markii la isugu soo laabtay, kooxuhuna la tashi la soo sameeyeen tababarayaashood ayey kooxda reer Senigaal waxa ey dhalliyeen goolkoodii seddexaad waxaane goolkasi u dhalliyey I.Mbay daqiiqadii 77-aad, kualnkiina waxa uu ku soo dhammaaday(3-1) ey guushu ku raacday xulka k/cagta ee dalka Senigaal. Kulankii labaad ee isna dhacay maanta oo Sabti ah ayaa waxaa fooda isdaray xulalka Tuniisiya iyo Maali, kulankaan ayaa ahaa mid aad u adag, waxa eyna labada kooxood soo bandhigeen cayaar aad u sareeyso, waxa uuna kulanka ka dhacay Garoonka Maxamedka Shanaad. Daqiiqadii 88-aad ee qeybtii labaad ee cayaarta ayey kooxda Tunisiya waxa ey dhaliyeen gool uu u dhalliyey F.Chaouat, balse kooxda Mali oo aad dadaashay ayey u suurtgashay iney iska soo gudaan goolkii lagu lahaay ka dib markii ey heleen Rigoore. Kooxda reer Mali ayaa laga saaray hal cayaartooy daqiiqadii 6-aad ee kulanka waxa eyna ku cayaaraayeen ilaa 10-cayaartooy. Cayaarta ayaa waxaa lagu daray 30-daqiiqo oo dheeri ah, waxa eyna labada kooxood isla mari waayeen barbaro, markaas ka dib ayaa loo dhigay Rigoorayaal, waxaane ku guuleystay kooxda Maali oo dhalisay seddex gool halka Tunisiya ey ka dhallisay laba gool(3-2),kulankaan ayaa ka dhacay Garoonka Tanger. Kooxaha badiyey kulanada maanta ee kala ah Senigaal iyo Maali ayaa wada cayaari doono Jimcaha taariikhdu markeey tahay 9/1/2026-ka, waxa eyna kuwada cayaari doonaan garoonka Tanger.

DIYAARIYE/ABKEY-MUQDISHO-SOMALIA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO HANJABAAD HAWADA U MARIYEY SOMALILAND.