XILDHIBAANO REER CIRAAQ AH OO XABSIGA LOO TAXAABAY,SABAB?

(SAWIRKA)-BARLAMAANKA CIRAAQ.

(BAGHDAD/IRAQ)-Ka dib howlgal ay ciidamada amniga sameeyeen oo sababay xarig ka dhacay Aagga Cagaaran ee Baqdaad subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah, ilo wareedyo u waramay Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa shaaca ka qaaday in la xiray 17 sarkaal, oo badankood ay yihiin xubno ka tirsan baarlamaanka Ciraaq. Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale tilmaameen in ciidamada ammaanku ay xireen Muthanna AL-Samarray, oo ah Hoggaamiyaha Isbahaysiga Azm iyo madaxa koox baarlamaan oo ka kooban 19 xildhibaan. Sidoo kale dadka la xiray waxaa ka mid ah Xasan AL-Khaafji iyo Ibrahim AL-Sumaydaci, iyo sidoo kale Caaliya Nasiif, marka laga soo tago Baha’a AL-Nuri, Madar AL-Karawi, Muxammad AL-Karbuuli iyo Muxammad Farmaan. Ciidamada amniga Ciraaq ayaa sidoo kale xiray Hind AL-Cabasi, Moxammed Sarmaan, iyo Moxammed AL-Sayhuud (oo ahaa xildhibaan hore oo aad ugu dhow Ra'iisul Wasaarihii hore Moxammed Shiica AL-Sudani), waxayna weerareen guriga Xildhibaan Cala’a Sukar, laakiin ma aysan helin. Waxay sidoo kale xireen Xildhibaan Baha’a Nuuri.

IYADA OO EY KU XIRAN TAHAY CUNAQABATEYNTA MARAYKANKA:

Sidoo kale waxaa la xiray Cali Macaarij, oo ahaa Wasiir ku xigeenkii hore ee saliidda, isla markaana ay saaran tahay cunaqabateyn Mareykanka, Maxamed AL-Mayaaxi, guddoomiyihii hore ee Wasidh iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, iyo sidoo kale Ziyad AL-Janaabi (xildhibaan ka tirsan baarlamaanka), iyo Mudar AL-Karawi. Halka Xuseen Muunis, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbullah, gurigiisa ayaa la weeraray laakiin lama helin. Ilo-wareedyadu waxay sharraxeen in xarigga ay ku jiraan xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada oo xasaanaddooda laga qaaday, iyo mas'uuliyiin magacyadooda ka soo muuqday qirashada Wasiir ku-xigeenkii hore ee Saliidda Cadnan AL-Jumayli, kaasoo la xiray tan iyo bishii Maajo ee la soo dhaafay. Sarkaal sare oo ka tirsan amniga Ciraaq ayaa xaqiijiyay in "arrintu ay la xiriirto maalgelinta kooxaha, saliidda Iiraan, tahriibinta doollarka, iyo musuqmaasuqa," isagoo tixraacaya kooxaha ay taageerto Tehran, sida ay sheegtay AFP. Ra'iisul wasaaraha cusub ee Ciraaq, Cali AL-Zaydi, ayaa ballanqaaday inuu la dagaallami doono musuqmaasuqa iyo maamul xumada Ciraaq ka jirtay tobanaan sano. Waxa kale oo uu ballan qaaday inuu xaddidi doono hubka kooxaha u dhow Iiraan, taas oo ah wax ay Washington ku cadaadinayso Baqdaad inay gaarto. Tallaabo ay ku muujinayso sida ay uga go'an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa, mas'uuliyiintu waxay qabteen in ka badan $85 milyan horraantii bishan kiis musuqmaasuq ah oo lala xiriiriyay al-Jumaili. Golaha Sare ee Garsoorka ayaa xilligaas xaqiijiyay xarigga Agaasimaha Waaxda caafimaadka ee Gobolka Salaax AL-Diin, Ra’ed AL-Jubuuri, iyadoo lagu saleynayo "qirashooyinka uu sameeyay AL-Jumayli intii uu su'aalo weydiinayay." Dacwadaha sharciga ah ee kiiskaas waxaa sidoo kale ka mid ahaa "qabsashada iyo la wareegidda 70 hanti iyo 21 baabuur oo casri ah, marka lagu daro dahabka lagu qiyaasay ilaa 3 kiilogaraam.

ISHA-AR.

Next
Next

JAMICADA CARABTA IYO BAARLAMANKA CARABTA OO CAMABAREYEY WEERARKA IRAN.