XASUUQ,KUFSI IYO BARAKICIN KA DHACDAY EL-FASHER.

(SAWIRKA)-BARAKACAYASHA EL-FASHER.

(DARFUR/SUDAN)-Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareysay waxa ay ku tilmaantay Xasuuq ba’an oo ay geysteen Ciidamada Taageerada Degdegga ah(RSF) ee EL-Fasher, ee Waqooyiga Darfur. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay badqabka dadka rayidka ah ee ku sugan gudaha magaalada iyo kuwa u qaxaya deegaannada deriska la ah, iyadoo ugu baaqday in ciidamada taageerada degdega ah inay joojiyaan falalka Aargoosiga ah iyo rabshadaha isirnimada ah. Maraykanka waxa uu xaqiijisay in ay sii wadato shaqada ay la kaashanayso la-hawlgalayaasheeda si loo helo waddo nabadeed oo horay loogu socdo, iyada oo dhanka kale ku boorisay labada dhinac in ay raacaan dariiq wada-xaajood ah oo lagu soo afjarayo dhibaatada dadka Suudaan. Dhankeeda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ayaa muujisay cabsida ay ka qabto Sabtidii in kumannaan qof oo rayid ah ay ku go'doonsan yihiin magaalada EL-Fasher ee dalka Suudaan oo ay soo food saartay khatar ku soo fool leh ka dib markii ay la wareegeen ciidamada Taageerada deg dega ah, halka sawirro cusub oo dayax-gacmeedku soo qaaday ay muujinayaan in Xasuuqu weli ka socdo caasimadda Gobolka Waqooyiga Darfur. Marka la eego dagaalka ka dhex qarxay bishii Abriil 2023 ciidanka uu hogaamiyo CabdulFataax AL-Burhan iyo Xoogaga Taageerada deg dega ah ee uu hogaaminayo Ku xigeenkiisii ​​hore Mohamed Hamdan Dagalo, Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa la wareegay gacan ku haynta EL-Fasher Axadii, oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee ciidanka gobolka Darfur, oo daboolaya seddex meelood meel dhulka Suudaan, ka dib go’doomin 18 bilood ah. Tan iyo burburkii magaalada, waxaa jiray warbixino badan oo ku saabsan dilal kooban, tacaddi galmo, weerarro lagu qaaday shaqaalaha gargaarka, dhac iyo afduub, iyadoo isgaarsiintu ay weli go'an tahay. Dad ka badbaaday oo gaaray magaalada u dhow ee Dhawila ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay dil wadareed, caruur lagu toogtay waalidiintooda hortooda, iyo dad rayid ah oo la garaacay oo la dhacay xilli ay isku dayeen inay baxsadaan. Adam, oo ah Aabbe dhalay lix wiil iyo laba gabdhood oo soo gaaray Dhawila subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in laba wiil oo uu dhalay (17 jir iyo 21 jir ah) lagu dilay indhihiisa hortiisa. Waxa uu ka sheekeeyey, “Waxay ku yiraahdeen, ‘Adiga ayaa la dagaallamayay (ciidanka)’, markaasay ul dhabarka igaga garaaceen, calaamadihiina waa ay ku yaallaan... dhabarkayga kuma seexan karo. Waxa uu intaa ku daray, “Waxay arkeen dhiiga carruurtayda oo marada saaran, way i waydiiyeen, waxayna igu yiraahdeen, “waad dagaalamaysay.” Dhawr saacadood ka dib ayay i sii daayeen. Zahra oo ah hooyo haysata lix caruur ah ayaa tiri “Sabtidii ayaanu ka soo baxnay EL-Fasher markii ay weeraradu sii bateen, ka hor intii aanaan gaarin Qarni way na joojiyeen oo waxay kaxaysteen laba wiil oo aan dhalay oo mid 20 jir ah, kan kalena 16 jir ah, waxaan ka baryay inay cidladooda ka daayaan,” laakiin dagaalyahanadu waxay sii daayeen wiilka ugu yar. Xuseen oo ah nin dhalinyaro ah oo lug ka jabay firir ka soo gaaray isaga oo ku sugan deegaanka EL-Fasher ayaa yiri “Aabahey ayaa la dilay maalintii la i dhaawacay, waxaan la baxay hooyaday iyo dariskeenna, markaasay i joojiyeen oo ay igu yiraahdeen waxaan ahay askari, ka dib markii hooyaday ka codsatay, waa ay na sii daayeen, intii aan jidka ku soo jirnay waxaan aragnay meydad badan iyo dad dhaawac ah oo cidlo ah”. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 65,000 oo qof ay ka qaxeen EL-Fasher tan iyo Axaddii, laakiin tobanaan kun ayaa weli ku go'doonsan halkaas, halka ay magaaladu hoy u ahayd ilaa 260,000 oo qof ka hor weerarkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Taageerada Deg dega ah. Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ayaa sharraxay in "tiro badan oo rayid ah ay weli ku sugan yihiin khatar aad u weyn, waxaana laga hortagayaa inay gaaraan goobaha nabdoon ee ay taageerayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah iyo xulafadooda." Ururka ayaa intaa ku daray in ilaa shan kun oo qof ay u suuragashay in ay gaaraan magaalada Dhawila oo qiyaastii 70 KM dhanka galbeed ka xigta magaalada. Madaxa Waaxda Gargaarka deg dega ah ee Ururka, Michel Olivier Lacharité, ayaa sheegay in "tirada soo gaartay Dhawila aysan u dhigmin baaxadda musiibada, xilli ay sii kordhayaan markhaatiyada xadgudubyada baahsan." "Aaway dhammaan dadkii la la'aa ee ka badbaaday gaajo iyo rabshado bilo ah EL-Fasher?" Waxa uu weydiiyey, isaga oo intaa ku daray, "Waxa ay u badan tahay, isla markaana laga argagaxo, suurtagalnimada in la dilo ama la ugaarsado iyaga oo isku dayaya in ay baxsadaan."

“DIL WADAREEDKA WAA UU SII SOCDAA”.

Goob joogayaal ayaa ururka u sheegay in ku dhawaad ​​500 oo qof oo rayid ah oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada huwanta ay isku dayeen in ay baxsadaan Axadii shalay, balse intooda badan waxaa la dilay ama la qabtay ciidamada Taageerada deg dega ah iyo kooxaha daacadda u ah. Dadka la badbaadiyay ayaa tilmaamay in kuwa baxsaday loo kala saaray lab iyo dhedig, da’da iyo qowmiyadda loo maleeyay, iyadoo qaar badan oo kalena weli lagu hayo lacag madax furasho ah. Xayaat oo ah hooyo haysata shan carruur ah oo ka soo qaxday EL-Fasher ayaa tiri “Dhallinyaradii nala socotay waxaa wadada ku joojiyay rag hubeysan, mana garanayno waxa ku dhacay. Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in tirada dhimashada ee ka dhalatay weerarka Ciidamada deg dega ah ay ku qaadeen EL-Fasher ay gaari karto boqollaal, halka ciidamada xulafada la ah ciidamada Suudaan ay ku eedeeyeen Ciidamada Taageerada deg dega ah inay dileen in ka badan 2,000 oo rayid ah. Sawirada cusub ee dayax gacmeedka ayaa muujinaya calaamado sii socda dilalka baahsan ee ka socda iyo nawaaxigeeda EL-Fasher ee galbeedka Sudan, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Yale. Shaybaarka cilmi baarista bini'aadminimada ee Jaamacadda ayaa warbixin uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in sawirada cusub ay muujinayaan calaamado muujinaya in qayb badan oo ka mid ah dadka magaalada "la dilay, la qabtay, ama la qarinayo." Cilmi baarayaashu waxay aqoonsadeen ugu yaraan 31 shay oo la rumaysan yahay inay yihiin haraagii bini'aadamka intii u dhaxaysay Isniinta iyo Jimcaha, xaafadaha la degan yahay, xarumaha Jaamacadaha iyo goobaha ciidamada. Warbixintu waxay intaa ku dartay in "Calaamadaha dilka wadareed ee sii socda ay si cad u muuqdaan."

“RUNTII LAGA NAXAY”.

Intii lagu guda jiray ka qayb galka shirka "Manama Dialogue" ee ka dhacaya caasimadda Baxreyn Sabtidii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Johannes Wadephul ayaa sheegay in "Sudan ay ku jirto xaalad gebi ahaanba masiibo ah. Waa dhibaatada bini'aadanimo ee ugu weyn adduunka." Waxa uu intaa ku daray in "Ciidamada Taageerada Deg dega ah ay si cad u ballan qaadeen inay ilaalinayaan dadka rayidka ah, waxaana lagula xisaabtami doonaa falalkaas." Isla shirkaas, oXghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Yvette Cooper waxa ay cambaaraysay "xaaladaha naxdinta leh" ee ka jira Suudaan. Cooper ayaa tiri, "Wararka ka soo baxaya gobolka Darfur ee maalmihii la soo dhaafay waa kuwo aad looga naxo... tacadiyo, dil wadareed, gaajo, iyo kufsiga xun ee loo isticmaalo hub dagaal, iyadoo caruur iyo haween ay yihiin kuwii ugu darnaa dhibaatadii bini'aadantinimo ee qarnigan 21-aad." Ciidamada Taageerada Deg dega ah ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in xabsiga loo taxaabay tiro ka mid ah xubnahooda oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen xadgudubyo, waxaana taliyaha ciidankaasi Maxamed Xamdaan Dagalo (oo lagu naaneeso “Hemedti”) uu ballan qaaday in ay la xisaabtami doonaan cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug leedahay. Laakin Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada Tom Fletcher ayaa su'aal galiyay sida ay uga go'an tahay baaritaanka. Ciidamadan oo ka soo baxay Maleeshiyada Janjaweed ee lagu eedeeyay in ay Xasuuq ka geysteen Daarfuur labaatan sano ka hor, waxa ayna Ciidanka wajahaan eedeymo ah in ay galeen dambiyo iyo falal qalalaase intii uu socday dagaalka oo socday in ka badan 2 sano. Maraykanku wuxuu hore u soo gabagabeeyey in Ciidamada Taageerada Deg dega ah ay "Xasuuq" ka geysteen Daarfuur. Ciidamada Taageerada deg dega ah ee gacanta ku haya EL-Fasher waxay siinaysaa inay si buuxda gacanta ugu dhigaan shanta caasimadood ee Gobolka Darfur, iyagoo si wax ku ool ah u kala qaybinaya Suudaan dhinaca bari-galbeed, halka ciidankuna uu gacanta ku hayo Waqooyiga, bari iyo badhtamaha dalka. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in rabshaduhu ay ku sii fidaan gobolka ay dariska yihiin ee Kordofan, iyadoo ay jiraan warbixino sheegaya "tacaddiyo baahsan" oo ay geysteen ciidamada Taageerada deg dega ah.

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERARATAY KOONFURT DALKA LUBNAAN CAAWA.

Next
Next

LIIBIYA OO DALKEEDA KA CEYRISAY TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN.