WEERAR LAGU QAADAY HOTEL KU YAALO BAQADAAD.
(SAWIRKA)-ALRASHIID HOTEL.
(BAGHDAD/IRAQ)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in kooxaha difaaca madaniga ah ay la tacaaleen madfac ku soo dhacay saqafka Hotel AL-Rasheed ee caasimadda Baqdaad. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "isla markii warbixinta la helay, cutubyada difaaca rayidka iyo hay'adaha awoodda u leh waxay u dhaqaaqeen goobta uu shilku ka dhacay, halkaas oo gantaalka wax looga qabtay xaaladdana si degdeg ah oo xirfad leh loo maareeyay iyadoo la raacayo habraacyada la ansixiyay, goobtana si buuxda loo sugay." Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhacdadan "aysan keenin wax khasaare ah oo bini'aadam ama mid maadi ah, sidoo kalena aan la diiwaan gelin wax khasaare ah, lana qaaday tallaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee arrintan la xiriira." Wasaaraddu waxay ku celisay "xaqiijinta diyaargarowga cutubyadeeda si ay wax uga qabtaan xaaladaha degdegga ah ee kala duwan, si loo hubiyo ilaalinta muwaadiniinta iyo hantida dadweynaha iyo tan gaarka loo leeyahay, iyo in la ilaaliyo amniga iyo xasilloonida." Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shaa’ic AL-Sudani ayaa amray in dacwad lagu soo oogo kuwa mas'uulka ka ah weeraradii ka dhacay xarunta saliidda ee Majnoon, Rashid International Hotel, iyo Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad. Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in "goobta saliidda ee Majnoon, Rashid International Hotel iyo Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad lagu qaaday weeraro argagixiso, kuwaas oo ah falal dambiyeedyo saameyn xun ku leh dalkeenna isla markaana wiiqaya dadaallada dowladda ee lagu dhisayo laguna horumarinayo," sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Ciraaq. Sida laga soo xigtay afhayeenka, AL-Sudani wuxuu carabka ku adkeeyay "ammaanka dawladda iyo badqabka muwaadiniinteena waa khad cas oo aan la dhaafi karin, wuxuuna amray in kuwa ku guuldareysta inay gutaan waajibaadkooda gudaha goobta shaqada lala xisaabtamo.
ISHA-AA.