WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY DALKA BAKISTAAN.
(MUUQAALKA)-MASJIDKA LA WEERARAY.
(RIYAD/KSA)-Sacuudi Carabiya ayaa Jimcaha maanta ah cambaareysay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay masaajid ku yaal xarun booliis oo ku taal waqooyi-galbeed Pakistan kaas oo dilay ugu yaraan 21 qof, oo ay ku jiraan shan sarkaal oo booliis ah, isla markaana dhaawacay 80 kale. Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa lagu xaqiijiyay diidmada Boqortooyada ee weerarrada lagu qaado goobaha cibaadada iyo dadka rayidka ah, waxayna muujisay "midnimo buuxda" ay la leedahay Pakistan oo ka dhan ah xagjirnimada iyo argagixisada. Weerarkii ka dhacay Kohat, gobolka Khyber Pakhtunkhwa, wuxuu bilaabmay markii qof ismiidaamiyay uu gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku dhuftay darbiga dibadda ee xarunta booliiska iyadoo dadkii cibaadaysanayay ay isugu soo urureen salaadda Jimcaha masaajid ku yaal gudaha. Dabley hubeysan oo la socotay bam-gacmeedka ayaa rasaas furay, taasoo keentay in rasaas ay is weydaarsadaan ciidamada amniga. Ma jirto koox markiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Taliban-ka Bakistaan, ama Tehreek-e-Taliban Pakistan, ayaa beeniyay inay ku lug lahaayeen. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii la dilay iyo dowladda iyo shacabka Pakistan, waxayna u rajeysay dadkii dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan.
ISHA-AN.