WASAARADDA CAAFIMAADKA FALASTIIN OO SOO SAARTAY WAXBIXIN CUSUB.
(SAWIRKA)-FALASTIIN.
(GAZA/PL)-Wararka laga helaayo marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ey Arbacada maanta ah sheegtay in 12 Falastiiniyiin ah lagu dilay 12 kalena lagu dhaawacay weeraradii Israa'iil ay ka geysatay marinka Gaza 24-kii saacadood ee la soo dhaafay. Warbixinteeda maalinlaha ah ee tirakoobka, Wasaaraddu waxay sheegtay in dhimashadii ugu dambeysay ay ku jiraan 11 Falastiiniyiin ah oo dhawaan la dilay iyo hal qof oo u dhintay dhaawacyadii hore. Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada guud ee dhimashada dagaalkii Israa'iil ay ku qaaday GAZA tan iyo Oktoobar 7, 2023 ay gaartay 73,305, iyadoo 173,918 kale ay ku dhaawacmeen. Sida ay sheegtay Wasaaraddu, dhibanayaal badan ayaa weli ku xayiran burburka hoostiisa iyo waddooyinka iyadoo kooxaha ambalaaska iyo difaaca rayidka aysan weli gaari karin. Ciidanka Israa'iil ayaa sii waday weerarrada maalinlaha ah ee ay ka geysanayaan Gaza inkastoo xabbad joojin dhaqan gashay Oktoobar 10, 2025, taasoo dishay 1,180 Falastiiniyiin ah halka ay ku dhaawacmeen 3,810 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Dagaalkii xasuuqa ahaa ee Israa'iil tan iyo Oktoobar 2023 ayaa ka dhigay Marinka Qaza mid burbursan iyadoo ay jiraan xaalado bani'aadamnimo oo ba'an oo soo food saaray 2.4 milyan oo qof oo ku nool dhulkaas.
ISHA-AA.