WAAXDA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA OO U YEERTAY SAFIIRKA DALKA CIRAAQ.

(SAWIRKA)-WAAXDA ARR.DIBADDA MARAYLKANKA.

(WASHINGTON/USA)-Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Christopher Landau ayaa u yeeray Safiirka Ciraaq u fadhiya Washington Nizar Khairallah sababo la xiriira weerarro lala beegsaday shaqaalaha Mareykanka iyo xarumaha diblomaasiyadeed. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Landau uu kulanka ka sheegay cambaareyn xooggan oo dalkiisu u jeediyay weerarrada ay qaadeen kooxo hubeysan oo daacad u ah Iiraan oo ka sugan dhulka Ciraaq, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda Ciraaq ay ku guuldareysatay inay ka hortagto weerarradan.

WEERARADA SOO NOQNOQDAY:

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, Qunsuliyadda Mareykanka ee Erbil, iyo Xarunta Taageerada Diblomaasiyadeed ee Baqdaad ayaa si isdaba joog ah loo weeraray tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa'iil oo dhinac ah, iyo Iiraan oo dhinaca kale ah. Toddobaadkii hore, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin dhan $3 milyan oo doolar oo la siinayo ciddii keenta macluumaad la xiriira weerarrada lagu bartilmaameedsanayo xarumaha diblomaasiyadeed ee ay ku leedahay Ciraaq. Horey, kooxda loogu yeero "Islamic Resistance," oo ah koox dallad ah oo ay taageeraan kooxaha ay taageerto Iiraan, ayaa 19 weerar oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo gobolka 3-dii Abriil. Shabakadda ayaa sidoo kale soo xigatay ilo wareed ka tirsan booliiska Ciraaq oo sheegaya in weerar lagu bartilmaameedsaday xarunta dhexe ee Ciidamada Abaabulka Dadweynaha ee al-Qaim, galbeedka Ciraaq, halka duqeyn cirka ah lagu soo warramey xarunta Guutada 34aad ee Ciidamada abaabulka dadweynaha ee Mosul.

ISHA-AA.

Previous
Previous

DALKA KUWEYT OO SHEEGAY IN LAGU SOO WEERARAY DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA LAHAYN.

Next
Next

DAWLADDA ITOOBIYA OO TAAGEERO U FIDISAY RSF-TA SUUDAAN.