URURKA XIZBULLAH IYO ISRA’IIL OO ISKU FARA SAARAY BUURAHA BALBEK.
(SAWIRKA)-BUURAHA BALBEK.
(BEIRUT/LUBNAN)-Iskahorimaadyo rabshado wata ayaa ka qarxay bariga Lubnaan habeenkii Axadda ilaa Isniinta, halkaas oo ciidamada Israa'iil ay ka sameeyeen hawlgal degitaan, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee rasmiga ah. Hay'addu waxay sheegtay in "isku dhacyo xooggan ay ka dhacayaan aagga AL-Sharac oo ku wajahan duleedka magaalada Nabi Sheet si ay u celiyaan ciidamada Israa'iil oo diyaarado qumaatiga u kaca ku soo dejiyay meelaha ugu sarreeya buuraha bari ee u socda xadka Lubnaan iyo Suuriya isla markaana isku dayaya inay horay u socdaan." Dhanka kale, Xisbullah ayaa soo riday diyaarad helikobtar ah oo Israa'iil leedahay bariga Lubnaan , sida uu sheegay ilo wareed ka tirsan xisbiga oo la hadlay AFP. Ilo wareedka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in diyaarad helicopter ah lagu soo riday buuraha bari ee Baclabak. Dhinaceeda, Xisbullah-ka Lubnaan ayaa ku dhawaaqday inay fashilisay howlgal ay Israa'iil ku soo dejinaysay bariga Lubnaan, iyagoo ku xaqiijiyay bayaan ay soo saareen in "ka dib markii ay ku guuldareysatay soo degitaankii Israa'iil laba maalmood ka hor magaalada Nabi Sheet, cadowgu wuxuu isku dayay inuu mar kale ka sameeyo degitaan isla aaggaas." Bayaanka ayaa tilmaamay in xisbigu uu arkay qiyaastii 15 diyaaradood oo helikobtar ah oo ka duulaya jihada Suuriya, kuwaas oo dul maraya buuraha bari, gaar ahaan hawada sare ee ka sarreeya tuulooyinka Janta, Yahfoufa, Nabi Sheet, Arsal, iyo Ras Baalbek. Bayaanka ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah diyaaradahan helikobtarka ah ay ciidamada lugta ku soo dageen bannaanka Serghaya, dagaalyahannada xisbiguna ay la kulmeen iyaga iyo ciidamada Israa'iil ee soo galayay dhulka Lubnaan. Lubnaan waxay qayb ka noqotay dagaalkii Bariga Dhexe 2-dii Maarso, markii Xisbullah oo ay taageerto Iiraan ay weerartay Israa'iil si ay uga aargudato dilkii Hoggaamiyaha Sare Cali Khamenei bilowgii weerarkii Mareykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen Tehran. Dhankeeda, Israa'iil waxay kaga jawaabtay inay ballaariso weerarrada ay ka geysanayso Lubnaan oo ay ciidamadeeda geyso xadka. Tirada dhimashada ka dhalatay duqeymaha Israa'iil ay ka geysatay Lubnaan tan iyo usbuucii hore ayaa gaartay ku dhawaad 400 oo qof, iyadoo in ka badan kun qof ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay tirakoobyadii ugu dambeeyay ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dalka Lubnaan Axada maanta ah.
ISHA-AA.